Saturday 16 January 2010

20010528(aftida dastuurka somaliland)

Welcome to Somaliland Net




News Search

Somaliland Net Free Email |

Qaadista aftida distoorka oo si fiican loogu diyaargaroobay.

May 28 2001 (SLN) Qaadista aftida Somaliland ayaa si fiican loogu diyaargaroobay Somaliland oo dhan. Sida uu sheegay wariyahay idaacadda BBC waxaan ku arkay buu yidhi gidaarada iyo gawaadhida oo ku qorantahay halku dhigyo ay kmaid yiin AFTIDU WAXAY SHARCIYEYNAYSAA GOONNI ISUTAAGGA SOMALILAND, WAXAAN AFIDA DISTOORKA AHAYN INOO BANNAANI MAJIRTO.

Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland mudane Abdi Aw Daahir oo ah guddoomiyaha guddida qaban qaabidda aftida ee gobolka Togdheer wuxuu u sheegay wariyaha BBC in degmooyinka dalkoo dhan ay gaadhsiiyeen sanaaduuqda distoorka dalka, dadkuna ay haatan diyaar u yihiin
codbixinta. Waxaa uu sheegay Cabdi Aw Daahir in degmada Burco loo qoondeeyey 40 meelood in laga codbixiyo oo 20 kamid ahi yihiin Burco dhexdeeda oo haatanba la diyaariyey.

Wariyaha BBC ee Cabdi Nuur sh. Mohamed oo saaka kasoo degay Hargeysa oo markiiba u baqoolay dhinaca magaalada Boorame wuxuu sheegay inuu saaka soo maray markuu Hargeysa kasoo degay tuulada Arabsiyo degmada Gebilay, Kalabaydh, Dila iyo Gorayo Cawl., Waxaanu sheegay inuu dad kala duwan waddada kulasoo kulmay qaarkood wuxuu wax ka waydiiyey aftida. Waxaanu sheegay in dad badani wax kala socdaan ama fahansanyiin aftida guud ahaaba hasayeeshee buu yidhi waxaa jira kuwo kale oo sidaas aan ula socon, oo afida la xidhiidhiyey gooni isutaagga Somaliland.

Gobol Awdal waxaa uu leeyahay 90 goobood oo laga codbixinaayo, magaalada Boorame oo ah waxaa laga codayn doonaa 33 goobood. Guddoomiyaha gobolka Ahmed Mohamud Afweyne ayaa u sheegay idaacadda BBCda inay hadda kafarahasheen qaban qaabadii, haddana ku mashquulyiin degmo walba in legeeyo sanaaqdii loogu talogalay.

Duqa magaalada Boorame Mohamed Daahir waxaa uu sheegay inay ilaa bishii Mey oo dhan ay wadeen waxyigelin oo samaacado gawaadhida lagu rakibay oo xaafadaha ku wareegayeen dadkana lagu wacyigelinaayey ujeedada doorashada iyo codbixintga laga leeyahay. Waxaanu sheegay inuu halkaas ku arkay baabuur waaweyn oo ay saaran yihiin sanaaduuqdii aftidu.

Galabtana waxaa loo kala qaadayey buu yidhi degmooyinka gobolka Awdal ee Baki, Lugahaya, iyo Saylac. Waxaana gaadhi walba dusha ka saarnaa ciidan Bilays ah oo hubaysan.

Dhinaca kale ururka dadka Somaliland ee saldhigiisu yahay magaalada Boorame oo mucaariida oo aan diidanayn goonni isutaaga Somaliland Haddana Afhayeenka ururkaas Yussuf Maalcaynaan ayaa waxaa uu ku adkaysanayaa in dadku aanu diyaar u ahayn codbixintan, waxaanu yidhi marka ugu horraysa waa in dadka la tiro koobaa kadibna lasiiyaa waraaqo aqoonsi waxaanu sheegay in aftidu sidaasoo qudha ay ansax ku noqon karto.

Click for >>> Documents Related to the referendum.

No comments:

Post a Comment