Saturday 16 January 2010

20021106 abdi aw daahir oo la sheegay in xoghayaha udub laga qaaaday

abdi Aw-Daahir oo la sheegay - in xilkii xoghayaha UDUB laga qaaday
Hargeysa (Haatuf): Ninka ururka UDUB u qaabilsan abaabulka iyo wacyigelinta, Ismaaciil Mire Maxamed oo ah mudane ka tirsan golaha wakiilada ayaa sheegay in xilkii xoghaya guud ee UDUB laga qaaday Cabdi Aw-Daahir, sidaana waxa uu Ismaaciil Mire ku sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay, isaga oo intaa ku daray inuu go’aanka eriga Cabdi Aw-Daahir ka soo baxay fadhi degdeg ah oo shalay yeesheen guddiga fulinta UDUB, isla markaana waxa qoraalkaa lagu sheegay in jagada xoghayaha guud ee UDUB si kumeel-gaadh ah loogu magacaabay Cismaan Garaad oo hore u ahaa kuxigeenka xoghayaha guud.

Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

“Shir degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen guddiga fulinta ee ururka UDUB maanta (Shalay) oo ay taariikhdu tahay 5/11/2002 waxay kaga doodeen arimahan:

1-Qiimaynta xaaladda guud ee ururka UDUB ee marxaladda la marayo 2-Qiimaynta wax qabadka xoghayaha guud ee ururka UDUB mudadii uu xilka hayey iyo sidii u hawl geliyey ururka 3-Ku dhawaaqidii musharaxa madaxweynaha ee Dr.Cabdi Aw-Daahir.

Guddiga fulintu markii ay si qoto dheer u lafo gureen arimaha kor ku xusan waxa uga soo baxay waxyaalaha:

= Inuu xoghayaha guud ee ururka UDUB, Cabdi Aw-Daahir ka gaabiyey gudashada hawlihii uu u igmaday ururka UDUB, sida: A- Ku fidinta ururka gobolada iyo degmooyinka B- waxa uu si xun u maamulay hawshii ururka, isla markaana ku tagri falay awooddii ururka C- Wuxuu ku xad-gudbay, isla markaana fulin waayey xeerka ururka, sida: Qabashada shirka ururka ee heer qaran, gobol, degmo ilaa laan. D- xilkii uu hayey waxa uu uga faa’iidaystay danihiisa gaar ahaaneed. E- Waxa uu sabab u ahaa gol-daloolooyin iyo cabashooyin ka jir ururka dhexdiisa. F- waxa uu dhinac maray inuu ku dhaqmo go’aan qaadashada wadareed ee laga rabay guddiga fulinta ururka. G- Waxa uu si khaldan oo aan waafaqsanayn danta guud u maamulay liisaskii musharaxiinta ururka ee golayaasha degaanka. H- Wuxuu ku dhawaaqay inuu yahay musharaxa madaxweyne ee ururka UDUB, isaga oo aan soo marin nidaamkii u dhignaa ururka.

Asbaabaha kor ku xusan awgeed guddiga fulintu markii ay qiimeeyeen marxaladda adag ee siyaasadeed ee waqtigan soo waajahay ururka UDUB.

Markii ay arkeen qoddobada kala ah: 20/2, 20/5, 6/2, 12/3,13/2 iyo 15/4 ee xeerka UDUB waxay soo saareen go’aankan:

1- Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa laga qaaday xilkii xoghayaha guud ee uu u hayey ururka UDUB iyo xubinimadii guddiga fulinta laga bilaabo 5/11/2002 .

2- Waxa xilkii xoghayaha guud si kumeel-gaadha ah u sii haynaya kuxigeenkii xoghayaha guud Cismaan Garaad laga bilaabo 6/11/2002 ilaa inta ururka looga soo magacaabayo xoghaye guud.

3- Inuu Dr. Cabdi Aw-Daahir ku ekaado xubinimadiisa golaha dhexe ee ururka UDUB, una gacan banaanaado hawlaha musharaxnimadiisa, isla markaana musharaxnimadiisa soo waafajiyo habka uu tilmaamayo nidaamka iyo xeerka ururku marxaladeeda”ayuu lagu soo xidhay qoraalkaa.

Inkasta oo aanu isku daynay inaanu Cabdi Aw-Daahir dhiniciisa waydiino sida uu u arko xil ka qaadista la sheegay in lagu sameeyey, hadana taasi nooma ay suurta gelin, laakiin Cabdi Aw-Daahir daraad tii ka horaysay (3/11/2002) ayuu ku dhawaaqay inuu u taaganyahay tartanka madaxweynenimada Somaliland, isaga oo sheegay inuu ka sharaxan yahay ururka UDUB ee uu xoghayaha guud ka yahay, sidaa darteed go’aanka hadda la soo saaray ee la sheegay in xilka lagaga qaaday waxa uu u egyahay cadho ka dhalatayn is sharaxaadda uu ku dhawaaqay.

Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa uu sheegay inuu xeerka ururkoodu xaq u siinayo inuu isa soo sharaxo. Laakiin qoddobka 6aad ee xeerka ururka UDUB oo tilmaamaya xuquuqda iyo waajibaadka xubinta ururka UDUB waxay faqradiisa “J” leedahay “Wuxuu ka qayb qaadanayaa doorashooyinka, isna waa la dooran karaa”. Sidoo kale waxa kale oo uu xeerka UDUB dhigayaa in xoghayaha guud lagu dooran karo shirweyne.

Sida ku cad qoraalkan eriga la sheegay waxa go’aan ka gaadhay guddi fulineed, laakiin marka aad eegto qoddobada ka hadlaya awoodaha guddiga fulinta meelna kagama xusna inay eryi karaan xoghayaha guud ee UDUB. Sidoo kale lixda qoddob ee ay guddigani u cuskadeen eriga Cabdi Aw-Daahir midna si cad uma tafsiirayo qaabka iyo awoodda eriga ee loo cuskaday. Tusaale ahaan qoddobka horeeya ee ay guddigu u cuskadeen eriga xoghayaha guud oo ah qoddobka 20aad, faqradiisa 2aad wuxuu dhigayaa “Dacwadaha waxa lagu qaadayaa sida caadiga ah waxa lagu qaadayaa heerka ama goonta ay ka dhacday”, laakiin meesha kuma cadda cidda awood u leh inay qaado. Sidoo kale qoddobka 6ad, faqradiisa 2aad oo ay guddigu cuskadeen waxay isla faqradaasi u sii farcantaa ilaa toddoba qaybood oo yar, laakiin kuma jiro qoddob keliyaoo ciqaab marin ka hadlayaa. Sidoo kale qoddobka 12aad, faqradiisa 3aad oo ay guddigu cuskadeen meelna kagama taal wax awood ah oo ay guddiga fulintu leeyihiin, isaga oo qoddobkaas faqradiisa 3aad ay gebi ahaan-ba ka hadlayso xilalka golaha dhexe.

Top

No comments:

Post a Comment