Saturday 16 January 2010

20020830(fagaraha kheyriyada berbera udub)

UDUB oo dadweynaha kala hadlay khayriyada Berbera



Aug 30 2002 Berbera (Jam)- Urur siyaasadeedka UDUB ayaa habeenimadii Arbacada fiidkii dadweynaha kala hadlay fagaaraha khayriyada ee magaalada Berbera.
X a y a y s i i s - A d v e r t i s e m e n t

--------------------------------------------------------------------------------


--------------------------------------------------------------------------------

Fagaarahaas oo ay isugu soo baxeen dadweyne aad u tiro badan oo ah taageerayaasha ururka UDUB, sida uu noo soo tebiyey weriyahayaga Jamhuuriya ee magaalada Berbera, Maxamed Ismaaciil Cumar (M.Biid), ugu horreyn waxaa halkaa hadal kooban ka jeediyey Duqa degmada Berbera Xasan X. Maxamuud Rooble (Xasan Gadhweyne), ahna guddoomiyaha UDUB ee gobolka Saaxil, waxaanu ka warramay ololaha ay ugu jiraan tartanka doorashooyinka mustaqbalka dhaw la filayo in ay dalka ka dhacaan.

Waxa innoo marti ah xoghayihii ururka UDUB, oo ah xisbigii talada dalka hayey in ka badan toban sanno ahna Madaxda qaranka Somaliland, sidaa daraadeed, caado ayey innoo ahayd haddaynu nahay Reer Berbera soo dhoweynta madaxdeenna, ayuu yidhi Xasan Gadhweyne. Sidoo kale, waxa uu u mahad naqay masuuliyiinta UDUB ee martida u ah Reer Berbera, waxaanu yidhi; Waxaanu idin leenahay ku soo dhawaada Berbera.

Dhinaca kale, wuxuu guddoomiyaha gobolka Saaxil ka hadlay xisbiga xukuumadda ee UDUB, waxaanu yidhi; Madaxda UDUB waa madaxdii qaranka Somaliland ee laba iyo toban sanno talada hayey, waa xisbigii nabadgelyada sugay ee dhidibada u taagay, UDUB waa ka suurto-geliyey aftidii distoorka ee 97% aynu ku oggolaanay, isla markaana distoorku waa ka ogol ee jideeyey in doorashooyin la qabto oo xisbiyadu tartamaan.

Mr. Xasan Gadhweyne, isaga oo ka hadlaya safarkiisii dhinaca bariga ee degaanada Saaxil waxa uu yidhi; Waxaan ka soo laabtay safar aan ugu baxay dhinaca degaanada xoolo-dhaqatada iyo buuralayda bariga, safarkaas oo aan uga dan lahaa in aan ka soo war helo xaaladda nololeed, caafimaad, waxbarasho iyo ammaan ee degaanada hoos yimaada degmada Xagal. Dhulkii aannu tagnay waxaanu ugu tagnay dad iyo duunyo dawladnimo u baahan oo u jeelan jacaylka dalkooda iyo dawladnimadooda, waana dad jecel haddii iskuul loo dhisayo in ay iyagu dhagaxa keensadaan. Waxaanu intaas ku daray oo uu sheegay in wixii awooddooda ka baxsan baahiyaha degaanka Xagal in ay la kaashan doonaan xukuumadda dhexe.

Waxa kale oo isaguna xafladdaas ka hadlay guddoomiyaha UDUB ee heer gobol Siciid C/llaahi Yasir, waxaanu yidhi; Haddaanu nahay maamulka UDUB ee heer gobol waxaanu maraynaa heer aannu ku soo gebagebayno ololihii tartanka doorashooyinka, sidoo kale, waxa aannu diyaarinay xubnihii tartanka doorashooyinka Golaha degaanka ee dalka ka dhici doonta 27 Oktoobar 2002.

Mr. Yasir, waxa kale oo uu war aan waxba ka jirin ku tilmaamay war ay saxaafaddu qoreen oo ku saabsanaa safarkii uu dhawaan guddoomiyaha gobolka Saaxil ku tagey degaanada bariga ee gobolkaas in uu ahaa mid la xidhiidhay ololaha tartanka doorashooyinka, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi; Xasan Gadhweyne, waa guddoomiyaha gobolka waxaanu u baxay si uu u soo ogaado xaaladda dadka ee degaankaas oo keliya.

Ugu dambayna, waxa xafladdaas soo gebagebeeyey xoghayaha guud ee ururka UDUB, Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, waxaanu ugu horreyn u mahad celiyey dadweynaha gobollada Togdheer iyo Saaxil, ururrada haweenka ee Saaxil, sidoo kalena waxa uu ammaan u soo jeediyey guddoomiyaha gobolka Saaxil Xasan X. Maxamuud oo uu sheegay in muddadii uu gobolka joogay wax qabadkiisii ka muuqdo kuna ammaanan yahay.

Dr. Cabdi Aw Daahir, waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi; Marka hore waxaan bulshada ka codsanayaa in ay faataxada u maraan marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal oo xusid gaar ah innaga muddan, isla markaana dhawrka boqol ee sanno ee soo socdana la xusi doono, waxaanu intaas ku daray isaga oo ka hadlaya ololaha tartanka doorashooyinka goleyaasha degaanka, waxa uu yidhi; Waxaanu u soconaa sidii aannu bahweynta UDUB ee Saaxil ugu baraarujin lahayn u diyaargarowga doorashooyinka goleyaasha degaanka ee dhawaan dalka ka dhici doonta, taas oo ay ugu muddan tahay in xubnaha doorashada goleyaasha degaanka uga qayb gelaya UDUB- Saaxil la sii diyaariyo inta ka horreysa 12 September 2002.

Xoghayaha guud ee UDUB, waxa kale oo uu sheegay in ahmiyadda koowaad ee udub-dhexaadka u ah ururka UDUB ay tahay laba qodob oo kala ah:-

1- In caddaalad la helo iyo

2- In la helo shaqo abuuris shaqo loogu sameeyo dhallinyarada bilaa shaqada ah.

Waa Illaahay mahadii oo bishii Juun ee kal hore ayaa dhidibada loo taagay UDUB, muddo badana waxa aannu lahayn in ururada siyaasaddu is diiwaan-geliyaan, balse nasiib wanaag maanta sagaal urur ayaa ka diiwaan-gashan Somaliland una diyaar ah doorashooyinka soo socda, waxaanan leeyahay ciddii nasiib u hesha in ay talada dalka ku hanata cod, waa in loo hambalyeeyaa, ciddii laga badiyaana yaanay caytamin dhibaatana dalka u horseedin.

Ugu dambayna, waxa halkaa ciyaaro hidde iyo dhaqan ah ku soo bandhigay ururada haweenka ee taageera UDUB.

No comments:

Post a Comment