Saturday 16 January 2010

20020928 9fadhi akadimiyadda nabadda

Fadhiga Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland

Hargeysa (Jam)- Fadhi uu qabanqaabiyey Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland oo lagu lafo gurayey sidii loo xaqiijin lahaa doorashooyin xaq ah oo madaxbannaan oo ka dhaca Somaliland ayey shalay gelinkii dambe ku kulmeen sagaalka urur siyaasadeed ee isu diiwaangeliyey ka qaybgalka doorashooyinka [UDUB iyo siddeeda urur ee mucaaradka ah], guddiga doorashooyinka qaranka iyo Golaha xukuumadda Somaliland.


Kulankaas oo ahaa fadhi qayilaad ah oo socday muddo afar saacadood ah waxa dhinacyada ka qaybgalay ay si dimoqraaddi ah oo saraaxad leh ugaga doodeen sidii la isula meel dhigi lahaa dhammaystirka iyo dheellitirka arrimaha xuddunta u ah xaqiijinta doorashooyin xor iyo xalaal ah (Free and Fair Election).


Masuuliyiinta iyo xubnaha siyaasiyiinta ah ee fadhigaa uga qayb-galay siddeeda ururada mucaaradka ah oo kala ah; HORMOOD, KULMIYE, ASAD, UCID, ILAYS, BIRSOL, SAHAN iyo UMMAD, waxa ay si buuxda doodahooda isugu waafaqeen mushkiladda ugu culus ee caqabadda ku ah xaqiijinta doorashooyin xaq ah oo madaxbannaan in ay tahay isku-milmidda ururka UDUB iyo xukuumadda.


“Ilaa la kala saaro UDUB iyo dawladda oo isku milmay looma fadhiyo in ay dhacaan doorashooyin xaq ah oo madaxbannaan,” sidaasi waxa ay saldhig u ahayd doodda ururada mucaaradka ah oo dareen ka bixiyey shaki aad u weyn oo ay ka qabaan in awooddii xukuumaddu lahayd iyo dhaqaalihii dawladda ee dadka ka wada dhexeeyey ay gaar u noqdaan ururka UDUB.


Eedaha iyo cabashooyinka arrintaas ay muujiyeen ururada mucaaradka ahi, iyaga oo faahfaahinayey waxa ay yidhaahdeen; “Madaxweynihii, madaxweyne-ku-xigeenkii iyo wasiiradii xukuumadda iyo madaxdii dawladda oo dhammi waa UDUB; Badhasaabadii gobollada, maayaradii magaalooyinka, iyo madaxdii Ciidamada nabadgelyada, dhammaantood UDUB bay u wada ololaynayaan, dhaqaalihii iyo gaadiidkii dawladdana UDUB baa loo adeegsaday.”


“Sidaa daraadeed,” ayey yidhaahdeen, “Ma la heli karaa oo ma la isla meel dhigi karaa in la kala saaro isku-milanka UDUB iyo awoodda dawliga ah ee ummadda u dhexaysa?”.


Dhinacyada kala duwan ee fadhiga ka qayb-galay [ururada mucaaradka ah, UDUB, iyo xubnaha xukuumadda] dhammaantood waxa ay isu qireen oo isku aragti ka ahaayeen in aanay xaq ahayn in waxa la wada leeyahay [awoodda iyo hantida dawladda] loo isticmaalo urur ama cid gaar ah. Hase yeeshee, UDUB iyo xukuumaddu waxa ay tilmaameen in aanay waxba ka jirin eedaha ay u soo jeediyeen ururada mucaaradka ah ee ku saabsan “Isku-milanka ururka UDUB iyo awoodda dawladda.”


Dr. Cabdi Aw Daahir, xoghayaha guud ee ururka UDUB oo fadhigaas ururkiisa u metelayey ayey xubnihii u hadlay ururada mucaaradka ahi si gaar ah ugu eedeeyeen in uu khudbadaha uu ka jeediyo fagaareyaasha isaga iyo xubnaha kale ee ururkiisa UDUB ka tirsaniba ay sheegaan in ururka UDUB yahay ururka hadda haya talada dalka [kaas oo macnaheedu yahay in xukuumadda talada haysaa ay tahay ururka UDUB]. Taasina ay tahay sheegasho sharci darro ah. “Sababta oo ah UDUB marka uu doorasho ku helo in uu qabsado hoggaanka dalka ayaa la odhan karaa xukuumaddu waxay ka dhisantahay ururka talada haya ee UDUB, laakiin waqtigan ururka UDUB waxa uu ka mid yahay ururada u tartamaya doorashooyinka, waxaanu ula siman yahay ururada kale, in uu sheegto ururka hadda haya talada dalka waa sharci darro,” ayey yidhaahdeen xubnaha u hadlay ururada mucaaradka ah.


Dr. Cabdi Aw Daahir, oo doodiisa ka dhiibtay eeda sheegashada ururkiisa waxa uu yidhi; “Waan qirsanahay in aanu ururka UDUB doorasho ku iman ama ku helin talada hoggaaminta dalka, marka dhinacaa laga eego waa sax in aanu ahayn ururka haya talada dalka... laakiin muran kama taagna in Madaxweynaha dalka hoggaamiyaa uu yahay guddoomiyaha ururka UDUB, madaxweyne-ku-xigeenkuna guddoomiye ku xigeenka UDUB, Wasiirada oo dhammina ay yihiin xubno ka tirsan UDUB... aniga qudhayduna waan fadhiistaa fadhiyada Golaha Wasiirada , bale kuma shaqeeyaan magac UDUB marka ay arrimaha xukuumadda gorfaynayaan xilkooduna waa xil dawladdeed oo ummaddu wada leedahay ee ma aha mid ay UDUB ugu shaqeeyaan.” Waxa uu intaas raaciyey Dr. Cabdi Aw Daahir, “UDUB iyo xukuumadduna ma aha wax isku milan oo shaqadoodu isku jirto, waxaanan qabaa in ay yihiin wax kala soocan oo aan isku milnayn, in ay kala soocnaadaana waa xaq oo ciddi iskuma diidana.”


Xubnaha fadhiga shalay u metelayey xukuumadda oo kala ahaa Cabdillaahi Maxamed Ducaale, oo ah Wasiirka Warfaafinta iyo Rashiid X. Cabdillaahi Guuleed, oo ah Wasiirka Ganacsiga ayaa iyaguna ku dooday in xubinimadooda ururka UDUB iyo xilka ay u hayaan dawladda ay yihiin wax kala soocan, iyaga oo isla markaana qiray in aanay sharci ahayn in waxa ummaddu wada leedahay [awoodda iyo dhaqaalaha dawladda] loo leexiyo urur gaar ah.


“Waxay ila tahay in aan la isku qaldin xilka aanu u hayno xukuumadda wasiiro ahaan ama madaxweynahaba iyo xaqa dastuuriga ah ee xeerarka xuquuqal insaankuna si sharci ah ii siinayo in aanu si shaqsi ah ugu biiri karno xisbiga aanu doono, taas oo ah xuquuqda shaqsi ee aan ciddina naga hor-istaagi karin...balse, sharci ma aha waanan waafaqsanahay in xilka wasiirnimo ee aan ummadda u hayo aanan ugu shaqayn karin urur gaar ah - UDUB iyo urur kale midna,” sidaa waxa yidhi Md. Rashiid X. Cabdillaahi, Wasiirka Ganacsiga.


Guud ahaan doodaha fadhigaa shalay waxay ahaayeen kuwo si deggan oo dimoqraaddi ah ku socday, iyada oo dhinacyada ka qayb-galayna ay ka muuqatay waayeelnimo, masuuliyad iyo is-ixtiraam, kuwaas oo doodahooda ku dhiibanayey weji-furnaan ay ku dheehan tahay kaftano isu duur-xul ah.
Fadhigaas oo uu si adag oo taxadir leh u daadihinayey guddoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland, Dr. Xuseen Bulxan, waxa gebagebadii la isla meel dhigay in ururadu qoraal ku soo ururiyaan dhalliilaha iyo dhibaatooyinka jira ee dhammaystir iyo dheellitirba u noqon kara xaqiijinta doorashooyin xaq ah oo madaxbannaan, una soo gudbiyaan Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland, isla markaana waxa loo ballamay fadhi kale oo lagu sii ambaqaado doodaha iyo falanqayntan ku saabsan amuurtan.


Fadhigan shalay waxa uu qayb ka ahaa kulamo xidhiidh ah oo uu daadihinayey Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland, kuwaas oo ay wada-jir uga qayb-galayeen ururada siyaasadda, xukuumadda, komiishanka doorashooyinka iyo goleyaasha sharci-dejinta (Guurtida iyo Wakiillada), iyada oo ujeeddadu tahay sidii la isula meel dhigi lahaa u gogol-xaadhka doorasho xaq ah oo madaxbannaan oo dalka ka dhacda oo aan keenin xasillooni darro iyo nabadgelyo xumo waxyeello ku keenta dalka.

Posted by Khadar Hassan Ali Jamhuuriya London
email:jamhuuriya@hotmail.com

No comments:

Post a Comment