Saturday 16 January 2010

20011010(xarununti udub oo la furay

UDUB cidla kamuu soo bilqaamin ee madaxweynaha ayaa aasaaskiisa u ahaa.

Oct 10 2001 Hargeysa (Jam)-: Ururka dimuqraadiga ummadaha bahoobay (UDUB), ayaa shalay markii ugu horreysay si rasmi ah uga furtay xarunta dhexe ee ururku yeelanayo magaalada Hargeysa. Translate (for Somali articles no translation available, sorry!)
Ururka UDUB ee xukuumadda, oo ka mid ah ururada siyaasadda ee sida sharciga ah isu diiwaangeliyey. Waxaa furitaanka xarunta cusub ka qaybgalay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Md. Daahir Riyaale Kaahin, xoghayaha guud ee UDUB, Cabdi Aw Daahir, xubno wasiirro ah, mudanayaal ka tirsan baarlamanka (guurtida iyo wakiillada), xubnaha golaha dhexe ee UDUB, ururada haweenka iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Munaasibad lagu maamuusay furitaanka xarunta dhexe ee UDUB, oo si aad ah loo adkeeyay ammaanka xaruntaas, waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro kala duwan oo hiddaha iyo dhaqanka ah iyo majaajilooyin heeso iyo gabayo isugu jirey oo ay soo qabanqaabiyeen madaxda sare ee UDUB. Waxaa ugu horreyn munaasibaddaas khudbad ka jeediyey xoghaya guud ee ururka UDUB, Dr. Cabdi Aw Daahir, oo faahfaahin ka bixiyey mabaadi’ida iyo ujeeddooyinka ururka UDUB iyo marxaladda cusub ee dalku u gudbayo ee dimuqraadiyadda waxa uu sheegay in xisbiga UDUB higsanayo mustaqbal fog iyo mid dhaw. Sidaa daraadeedna uu maanta (shalay) furay xaruntiisii dhexe ee magaalada Hargeysa.

“Waxaynu galnay taariikh cusub oo aynu doonayno in aynu ku beddelno qaabkii aynu ku soo jirnay ee ahaa beelaha, una guurayno qaab ku dhisan axsaab oo ah yaa isku mabda’ ah,” ayuu yidhi Cabdi Aw Daahir. Waxaana uu intaas ku daray, “waxay reebaysaa yaa isku isir ah.” Waxa uu tilmaamay in aan qaab beeleed lagu sii wadi karin siyaasad qaran iyo dhisme dal, toona. “Qaabkan aynu u wareegnay ee axsaabtu waa qaab runtii dhalay midho wax-tar ah, wuxuuse u baahan yahay tacab dheer, wadajir, hawlgal iyo is aaminid,” ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir.

Xoghayaha guud ee UDUB, isaga oo sharraxaad ka bixinaya aasaaska ururka UDUB waxa uu yidhi, “Xisbiga UDUB cidla kamuu soo bilqaamin ee madaxweynaha Somaliland, Md. Maxamed Ibraahin Cigaal ayaa aasaaskiisii u ahaa bud-dhige, maantana u ah oday. Ahna dhaxal uu mustaqbalka dalkeena kaga tegayo.” Waxaana uu intaa raaciyey, “way se jiraan gol-daloolooyin si kastaba ha ku yimaaddaane, wayna jiri doonaan oo ifka iyo aadamaha weligii isku dhami lama siin.” Cabdi Aw Daahir, waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in ay jiraan dad cadow ku ah Somaliland iyo maamulka jira. Inkasta oo aanu magacaabin, haddana waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo diiddan doorashooyinka , qaabka axsaabta iyo dimuqraadiyadda dalka ka hirgashay..

“Waxay yidhaahdaan shir-beeleed, shir qarameed, shir dhinaceed. Ma aha wax suurogalaya ee waa istaraatajiyaddooda wax dumineed,” ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir. Waxa uu intaas ku daray, “waa fulayaal ka baqday baratanka, in aynu iska celinaa ma hawl badna. Waa dadweynaha Somaliland oo ku yidhaahda waa ‘beentiin’. Intaasaa ku filane ha lagu yidhaahdo.” Ugu dambayna waxa uu ka sheekeeyay qaab-dhismeedka ururka UDUB, oo uu sheegay in ay ku bahoobeen dhammaan shacbiga reer Somaliland, oo ka kooban 80 xubnood oo golaha dhexe ah, 60 xubnoodna aanay ka mid ahayn golayaasha qaranka, halka 20 xubnood ee golayaasha uu sheegay in ay leeyihiin xaq dastuuri ah.

“Waana wax-tar iyo rukumo aasaasi ah oo uu leeyahay xisbigu,” ayuu yidhi. Waxa uu xusay in dhammaan 6-da gobol ee dalka laga furay xafiisyo ururka UDUB leeyahay, isla markaana ay bilaabi doonaan dhaqdhaqaaqii iyo hawlgalladii ururka UDUB. Munaadibaddaas oo ahayd mid si xammaasad leh xukuumaddu uga soo qaybgashay, waxaan ka soo daahirin guddoomiyaha ururka UDUB, oo ah madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Ibraahim Cigaal, oo la filaayey in uu ka soo qaybgalo xafladdaas lagu furayey xarunta dhexe ee UDUB. Iyada oo ciidamada ilaalada madaxtooyadu ku wareegsanaayeen xaruntaas cusub oo ah guri ku yaala dhinaca waqooyi ee xarunta madaxtooyada Somaliland.




The State and Rural Transformation in Northern Somalia, 1884-1986 ~ Ships in 2-3 days

No comments:

Post a Comment