Saturday 16 January 2010

20011002 (Shahaadooyin Aqoonsi ayaa la gudoonsiiyey Ururadda Siyaasadda )

SOMALILAND
NEWS NETWORK.

SNN.
Go back to Somaliland News
Tuesday october 2nd, 2001
Shahaadooyin Aqoonsi ayaa la gudoonsiiyey Ururadda Siyaasadda ee Soomaaliland.
Wargeyska Jamhuuriya - Hargeysa, Somaliland.



Hargeysa (Jam)-: Guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadeed iyo ansixinta Axsaabta qaranka jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay guddoonsiiyey shahaadooyinka aqoonsiga ururada siyaasadda toddoba urur oo si rasmi ah u buuxiyey shuruudihii looga baahnaa. Ururadaas oo kala ah UDUB, UCID, BIRSOL, SAHAN, UMAD, HORMOOD iyo ILAYS, waxa shahaadadda lagu guddoonsiiyey kulan ay isugu yimadeen guddoomiyeyaasha iyo xoghayeyaasha ururadaasi oo lagu qabtay xafiiska guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda oo ku yaal xarunta Hay’adda Shaqaalaha ee magaalada Hargeysa.


Guddoomiyaha guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka Maxamed Jaamac Boodhle, oo ugu horreyn munaasibaddaas hadal kooban ka jeediyey waxa uu ururada ku wargeliyey in ay u gudbayaan marxaladdii labaad ee hawlahooda siyaasadeed, kana gudbayaan marxaladdii u horreysay ee diiwaangelinta iyo ansixinta ururada siyaasadda, sidaa awgeedna ay guddigoodu siinayaan shahaado ka tarjumaysa aqoonsiga ururada siyaasadda ee rasmiga uga jira dalka.

“Waxaad u anba-baxaysaan tallaabada ballaadhan ee hawlaha siyaasadda ururadiina. Markaa waxaanu isugu kiin yeedhnay in aad is aragtaan, oo is barataan, annaguna aan idin siino shahaadadihii aqoonsiga ururada siyaasadda, urur walbaana wuu garanayaa hawsha laga doonayo,” ayuu yidhi Md. Boodhle. Xoghayaha guud ee ururka UDUB, Dr. Cabdi Aw Daahir, oo ka mid ah xubnihii ka hadlay munasibaddaas ururada siyaasadda lagu siiyey shahaadadaha, waxa uu ugu horreyn u mahadceliyey guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka hawshii ay qabteen, oo uu ku tilmaamay in ay ahayd mid aad u ballaadhan oo qaran. Sidoo kalena waxa uu u mahadceliyey madaxda ururada siyaasadda ee kulankaa ka qaybgalay, ee tartanku ka dhaxeeyo.

Dr. Cabdi Aw Daahir, waxa uu xusay in ururada siyaasaddu ku jiraan laba weji oo ay mid ka mid ah ka midaysan yihiin iyo mid ay ku kala duwanaan doonaan. “Weji waanu ka midaysan nahay oo waxa weeye dalka dhisiddiisa, nabadgelyadiisa, distoorkiisa, jiritaankiisa iyo qawaaniintiisa,” ayuu yidhi xoghayaha UDUB. Waxa uu intaas raaciyey, “mid yar oo keliya oo muddo gaaban ah ayaanu ku tartamaynaa oo u baahan in aanu u loolano si wanagsan oo dimuqraadiyadi ku jirto oo waxoogaa hadallada isku duraan, laakiin ay noqdaan hadal macaan oo dalka dhisaya ee aan burburinayn.”

Md. Cabdi Aw Daahir, waxa uu ku ballan-qaaday in ururka UDUB ee xukuumaddu ku dedaali doono sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen ururada kale ee siyaasadda, si ay talada dalka wax uga weydiiyaan. “Ururada waanu la tashanaynaa, iyadoo waxna u gaar tahay dowladda, ee waa sidee xukuumadda maanta jirta hawshaa ula galnaa, ugana midownaa wixii aynu wada leenahay illeyn wixii aynu kala leenahay waa ku kala duwanahaye,” ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir. Waxa uu u soo jeediyey in ururka UDUB iyo ururada kale ee siyaasaddu meel uga soo wada jeestaan ururada siyaasadda ee aan is diiwaangelin.

“Waa in aynu ku gaashaan-buurownaa inta iminka joogta ee magacyada sheeganaysa, ee ka baqatay loolanka dimuqraadiyadda toddobadeena urur aynu aqoonsano inaan cid kale siyaasi sheegan karin ee ay waraabayaal yihiin,” ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir. Prof. Maxamed Cumar Jiir, oo ah guddoomiyaha ururka SAHAN, oo ay ku bahoobeen ururadii Islaamiga Somaliland iyo UBSL iyo siyaasiyiin hore uga tirsanaa Dib-u-habaynta SNM, ayaa isaguna hadal uu ka jeediyey munaasibaddaas waxa uu ugu horreyn u mahadceliyey guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda, waxaana uu Ilaahay uga baryey in uu hawsha ay hayaan u fududeeyo.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ururkooda SAHAN soo dhaweynayo dhamaan ururada siyaasadda, oo ay rajaynayaan in ay wax wada qabsan karaan,ra’yina is weydaarsan karayaan. “UDUB oo xukuumnadda ah haddii uu xoghayaheedu yidhi ururada kale waanu soo dhaweynaynaa, annaguna waa soo dhaweynaynaa,” ayuu yidhi Prof. Jiir.

Waxa uu sheegay in ururka UDUB laga rajaynayo in ay dareento dhibaatooyinka haysta ummadda Somaliland, dhegana ay u furaan ururada kale ee siyaasadda, kuna dedaalaan sidii loo daweyn lahaa wixii dalka ka jira. “Waxaan Ilaahay ka rajeynayaa UDUB in ay arkaan mushaakilka ummadda haysta, kolba sidii loo daweyn lahaana dhego u yeeshaan, dadka kalena afkaartooda dhegaystaan si looga wada shaqeeyo danaha dalka,” ayuu yidhi Prof. Maxamed Cumar Jiir.



Comments@somalilandnews.com

No comments:

Post a Comment