Saturday 16 January 2010

20021107(Dumar laga soo abaabulay madaxtooyada0

argeysa (Haatuf): Sida la ogyahay xoghayaha guud ee ururka UDUB, Dr. Cabdi Aw-Daahir ayaa doraad shaaca ka qaaday inuu u taagan yahay tartanka madaxweynenimada Somaliland marka ay dhamaato mudada dawladda hadda talada haysaa oo ku began horaanta sannadka foodda inagu soo haya ee 2003, wuxuuna Cabdi Aw-Daahir sheegay inuu ka sharaxan yahay ururkiisa UDUB, isaga oo weliba madaxweynaha Daahir Rayaale iyo kuxigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin ugu baaqay inay ka tanaasulaan tartanka madaxtimada, iyadoo uu madaxweyne Rayaale hore ugu dhawaaqay inay taagan yihiin isaga iyo kuxigeenkiisuba, kana sharaxan yihiin ururka UDUB. Hase yeeshee soo if-baxa musharaxnimada Cabdi Aw-Daahir waxay gaar ahaan ururka UDUB gudihiisa xasaasiyad iyo sawaxan siyaasadeed, sidaa darteed ilaa labadii caano-maal ee ina dhaafay waxa atmosfeerka siyaasadeed ee ururka UDUB ku ged-fanaa dareen iyo xarakaad siyaasadeed oo dhiif leh, waxaana taa keenay iyadoo ay is sharaxaadda Cabdi Aw-Daahir ka cadhaysiisay dad badan oo reer UDUB ah, gaar ahaan hogaanka sare iyo ragga kale ee aan Cabdi Aw-Daahir la mawqifka ahayn. Sidaa awgeed inkasta oo aanay ilaa hadda jirin cid si rasmi ah uga jawaabtay sheekada Cabdi Aw-Daahir, hadana waxa soo if-baxay dareemo iyo dhaqdhaqaaqyo diidmo ah oo lagaga jawaabayo mawqifka is sharaxaadda Cabdi Aw-Daahir.
Kooxo dumar u badan oo ay hor-kacayaan garabka haweenka ee ururka UDUB, xafiisyadooda Hargeysa ayaa shalay isa soo dhoobay xarunta ururka UDUB ee Hargeysa, waxayna sheegeen inay ka soo horjeedaan go’aanka Cabdi Aw-Daahir ee is sharaxaadda, isla markaana ay taageersan yihiin musharaxnimada madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Laakiin dhinaca kalena xoghayaha guud ee UDUB, Cabdi Aw-Daahir maalintii shalay wuu soo shaqa tegay, wuxuuna saacado badan xafiiskiisa, halkaas oo dadka ku qaabilayey, wuxuuse kaamboolka xafiiskiisu ahaa meel si weyn loogu xoonsan yahay oo uu ka taagan yahay sawaxan.

Kooxahaa dumarka u badan oo saxaafadda la hadlay waxay dhawaaqa Cabdi Aw-Daahir ku tilmaameen arin aan qurux badnayn, iyaga oo dareenkooda ku muujiyey sida ay uga dhan yihiin mawqifka Cabdi Aw-Daahir.

“Waxaanu halkan ka cadaynaynaa inaanu taageersanahay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ah ninka xisbiga ugu sharaxan jagada madaxweynenimada”ayey yidhaahdeen dumarka ururka UDUB ee jawaabta ka bixiyey dhawaaqa Cabdi Aw-Daahir, waxayna intaa ku dareen “Uma baahnin wax carqalad ah iyo wax kala jajab ah midna”.

Xusni Maxamed Warsame oo madax ka ah xafiiska Hargeysa ee garabka haweenka UDUB, Canab Axmed oo iyana la sheegay inay madax ka tahay xafiiska UDUB ee garabka haweenka gobolka Sool, Fad-xa Cali, Khadra iyo xubno kale oo la sheegay inay ka kala socdaan Xafiisyada ururka UDUB ee garabka haweenka iyo weliba xubno ka mid ah golaha dhexe ee UDUB ayaa u hadlay kooxihii dumarka ahaa ee isu soo baxay, kuwaas oo muujiyey diidmadooda Cabdi Aw-Daahir iyo dhinaca kale taageerada ay u hayaan madaxweyne Rayaale, iyaga oo kooxahaa dumarka ahi socod lug iyo baabuur ah ku maray suuqyada iyo wadooyinka magaalada Hargeysa, taas oo ay ku dhawaaqayeen halku-dhegyo ay taageero ugu muujinayaan madaxweyne Daahir Rayaale, isla markaana ay ku muujinayaan diidmadooda Cabdi Aw-Daahir (Xoghayaha guud ee UDUB).

Dhinaca kalena dhaqdhaqaaqyo iyo dareemo aan soo if-bixin oo ay ragga iyo kooxaha UDUB ee Cabdi Aw-Daahir diidan ayaa saacadihii ina dhaafay sir iyo caad-ba loo dareemayey, waxayna dad kale oo iyaguna taageerayaasha Cabdi Aw-Daahir ahi aaminsanaayeen in kooxaha dumarka ah ee ka soo horjeeda Cabdi Aw-Daahir laga soo abaabulay dhinaca madaxtooyada. Laakiin Xusni Maxamed Warsame iyo dumarka ay horkacaysay ayey weriyayaashu wax ka waydiiyeen ujeedada isu soo baxooda iyo sababta keentay inay isa soo abaabulaan.

“Waxaanu halkan ka cadaynaynaa inaanu wax shaki ah iyo wax was-waas ahi nagu jirin, arinta uu xoghayahaga guud ku dhawaaqayna waxay nagu noqotay sakati, laakiin arin shakhsi ah oo aan laga tashan weeye”ayey xubnaha u hadlay kooxaha haweenka ah ee ka soo horjeeday is sharaxaadda Cabdi Aw-Daahir, laakiin dumarkaa mar la waydiiyey sababta keliftay inay isa soo abaabulaan waxay ku jawaabeen “Waxa abaabulkayagan keenay mawqif aanaan xoghayahaga guud la ogayn oo aanaan ka wada tashan ayuu ku dhawaaqay, taas ayaa keentay abaabulkayaga”. Hase yeeshee Cabdi Aw-Daahir waxa isna shirkiisii jaraa’id ee doraad ku sheegay inuu xeerka ururkiisu xaq u siinayo inuu is sharaxo, isla markaana aanu jirin wax khilaaf ah iyo wax kale oo mashaakil ah oo ururka dhexdiisa ka jiraan, sidaa darteed kooxaha haweenka ah mar la waydiiyey bal waxa ay u cuskanayaan diidmadooda iyo qaladka uu galay ee ay kaga soo horjeedaan waxa uu yahay waxay yidhaahdeen “Ma lihin xaq uma laha inuu isa soo sharaxo, laakiin waa wax aan la isla ogayn oo anaga nagu noqotay fajac, isla markaana anagu maanu sheegin qalad uu leeyahay, waxaanuse sheegaynaa inaanu raacsanahay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin”.

Runtii kooxaha haweenka ah ee isu soo baxay waxa ka muuqday dareen dhiifle oo diidmo ah, sidoo kalena diidista iyo ogolaanshaha musharaxnimada Cabdi Aw-Daahir waxa xaq u leh golaha dhexe ee ururka UDUB sida uu dhigayo xeerkoodu, sidaa darteed kooxahaa haweenka ah mar la isu barkiyey laba su’aalood oo ay midi tahay bal waxa shucuurtooda kiciyey iyo ta kale oo ah maadaama ay go’aan ka gaadhista qadiyadda Cabdi Aw-Daahir tahay wax u yaal golaha dhexe ee ururka waxa keenay inay taa ka soo hordhacaan waxay ku jawaabeen “Waxaanu ka dhirifnay xasaasiyad aanaan ogayn oo si kedis ah noola soo kulantay, taas oo ay ahayd in xoghayaha wax lala sii ogaado, taasina waxay nala noqotay burburin lagu samaynayo ururka”.

Dad qaarkood waxay kooxahaa haweenka ah ku xamanayeen in laga soo abaabulay dhinaca madaxtooyada, iyadoo la leeyahay sawaxankaasi waa cadhadii madaxtooyada, laakiin kooxahaa haweenka ah oo la waydiiyey bal waxa arintaa ka jira waxay ku jawaabeen “Nalagama soo abaabulin madaxtooyada ee anaga ayaa isa soo abaabulay oo sheegayna mawqifkayaga”.

Dhinaca kalena marka laga hadlayo khilaafka cusub ee ka soo dhex-baxay ururka UDUB gudihiisa waxa jira dareen laga qabo inay rag kale oo UDUB ahi ku dhawaaqaan musharaxnimo, sidaa darteed kooxaha haweenka ah ee isu soo baxay mar la waydiiyey su’aal ahayd sida ay markaana yeelayaan hadii ay dhacdo inay rag kale ku dhawaaqaan musharaxnimo waxay ku jawaabeen “Mawqika aanu iminka taaganahay ayuun baanu markaana is taagaynaa”.

Dhinac kalena inkasta oo aanay xoog badan waxa kaamboolka xafiiska ururka UDUB sanqadhoodu ka baxaysay xubno dad ah oo u muuqday inay dhinacooda taageersan yihiin Cabdi Aw-Daahir. “Cabdi Aw-Daahir xaq buu u leeyahay inuu isa soo sharaxo sharciga dalka u yaal iyo xeerka UDUB midna u diidi maayo inuu isa soo sharaxo, dumarkan meesha ka buuqayana madaxtooyadaa laga soo abaabulay” sidaa waxa yidhi nin dhalinyaro ah oo markii ay kooxahaa haweenka ahi ku sugnaayeen xafiiska UDUB, isna ku sugnaa halkaa.

“Haweenka meesha marayaa waxay u badan yihiin dumarkii wasiirada”sidaana waxa tidhi gabadh iyana xiligaa kaamboolka xafiiska UDUB ku sugnayd.

Waxa kale oo xafiiska UDUB la keenay unug ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland, laakiin lama sheegin sababta loo keenay, sidoo kale waxa isla shalay fadhi ay kaga arinsanayaan dhawaaqa Cabdi Aw-Daahir yeeshay guddiga fulinta ee UDUB.

Top

No comments:

Post a Comment