Saturday 16 January 2010

20011011(Dr.cabdi Aw Dahir oo xilkii ku wareejiyey Dr. xassan Ismaaciil

Wasiirka Cusub ee Caafimaadka oo xilkii la wareegay.

Oct 11 2001 Hargeysa (Jam)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdi Aw-Daahir, ahna xoghayaha guud ee ururka UDUB ayaa shalay xilkii Wasaaradda ku wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Xasan Ismaaciil Yuusuf oo uu Madaxweyne Maxamed X. Ibraahim Cigaal magacaabay. Translate (for Somali articles no translation available, sorry!)
Xaflada xil wareejinta oo lagu qabtay dugsiga tabobarka caafimaadka ee magaalada Hargeysa, hadal uu ka jeediyey Wasiirkii hore ee Caafimaadka Cabdi Aw-Daahir waxa uu kaga hadlay hawsha ay hayso Wasaaradda Caafimaadku iyo halka ay haatan marayso oo uu sheegay inay tahay meel aad u fiican marka la eego marxladihii la soo maray “iyada oo lagu jiro xilli adag ayeynu haddana wax badan qabsanay marka loo eego duruufaha inagu xeeran.

Inaga oo samaynay isbadal ku soo kordhay nolosha dadka reer Somaliland”, ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw-Daahir, waxaanu intaa ku daray “Gaar ahaana Wasaaradda Caafimaadka oo xil balaadhan u haysa ummadda adduunyana aan soo saarin waxayse la dagaalantaa cadawga koowaad ee dadka iyada oo daweysa dadka buka xilkaana waxa qabta xooga halkan fadhiya iyo bahweynta caafimaadka iyadoon mushaharba hagaagsan la qaadan, tabobar la qaadan intaana waxaynu ku gaadhnay dedaal”, ayuu yidhi xoghayaha guud ee UDUB, waxaanu qiray in ay dhaliilo jiraan balse aanay badnayn marka loo eego halka ay maanta marayso “Iyada oo dhaliilo iyo canaanoba jiraan laakiin halka aynu maanta maraynaa waa meel fiican”, ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw-Daahir.

Isaga oo gebogebadiina kula dardaarmay shaqalaha in ay la shaqeeyaan Wasiirka cusub isku duubnaana muujiyaan. Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Xasan Ismaaciil Yuusuf oo isna ka hadlay xaflada ayaa sheegay in xilka uu qaaday uu yahay mid culus dedaalna uu u geli doono sidii uu uga soo bixi lahaa “Waxaan ogahay xilkan aan maanta qaaday inuu u baahan yahay dedaal balaadhan, dulqaad adkaysi iyo daacadnimo dheeraad ah taas oo aanan mooganayn balse waxaynu ku gudan karnaa iskaashi si aanay hawshu dib inooga noqon ee aynu hore uga sii qaadno”, ayuu yidhi Wasiirku isaga oo amaanay waxqabadkii Wasiirkii hore iyo shaqaalaha caafimaadka ka horna waxaa hadal warbixin ah ka soo jeediyey xaflada agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Axmed Cabdi Jaamac, oo ka waramay waxqabadkii Wasaaradda Caafimaadka oo uu sheegay in ay dejisay qorshe shan sanadood ah oo ku saabsan horumarinta caafimaadka dalka iyo shuruucdii caafimaadka oo ay ansixiyeen labada gole, dalkana ay ka hirgeliyeen shan cusbitaal, sideed iyo afartan xanaano iyo boqol iyo labaatan meelaha daryeelka caafimaadka ah.

No comments:

Post a Comment