Saturday 16 January 2010

20011227(FAALO-muuse Jaambiir)

Faalo:Dr. Cabdi Aw Daahir Xoghaya UDUB

Dec 27 2001 Haatuf - Afar Sannadood iyo dhowr billood ka hore ayay ahayd markii u horaysay ee loo magacaabo jago Siyaasadeed oo Wasiirnimo. Wakhtigaas mar aan la kulmay, waxaa laga dareemayay muqaal ahaan inuu aad ugu faraxsan yahay xidhashada Suudhka Siyaasadda, isagoo taa ka duulayana wuxuu si xarago leh ugu fadhiistay Kursigii Wasiirnimo ee uu Madaxweyne Cigaal u magacaabay. Translate (for Somali articles no translation available, sorry!)
Muddo dhowr sannadood ah, markuu xilkaa hayayna mar kale ayuu sare uga sii hinqaday Jagadaas, kadib markuu kalsooni badan ka helay Siyaasadda wakhtigan diiradda Talada haysa. Sidaana wuxuu ku noqday Dr. Cabdi Aw Daahir, Xoghayaha Guud ee ururka UDUB ee uu hogaamiyaha ka yahay Maxamed Ibraahim Cigaal. Jagadaas oo yeelan karta aayatiin Siyaasadeed oo dambe, kaasoo ku jira marin cidhiidhyoon oo u baahan farsamo iyo xeelad Siyaasadeed oo lagula soo baxo.

Sidaa aawadeed Dhakhtarku, wuxuu ku foogan yahay olole siyaasadeed oo ka baaxad weyn kii Wasiirnimada ee hore. Taasina waxay maanta ka dhigtay Dr.Cabdi, nin magaciisu si wayn u dhexyaalo goobaha siyaasadda lagu lafo guro, muuqaalkiisuna ku badan yahay Shebekadaha Warbaahinta Waddaniga ah.

Hadal-haynta magaciisu, waxay sare u sii kacday bishan, kadib markuu si xidhiidh ah Sawirkiisu uga muuqday Shaashada TV-ga, isagoo bandhigaya badheedhaha ololaha Siyaasadeed ee ururkiisa UDUB. Doodahan ugu dambeeyay ee Dr. Cabdi Aw Daahir, waxay horseedeen in Rayul-caamka dadka Siyaasadda u dhuun daloollaa ay wax iska weydiiyaan Khibradiisa Siyaasadeed, Qorshaha Maamul ee uu ku hagayo ololaha ururkiisa iyo qodobo kale oo dhawr ah, oo dhammaantoodba ku arooraya Mowduucaa.

Inta aynaan guddo-gelin, naaqishaada amuurtaas iyo fikradaha laga bixiyayba, bal aan marka hore dhinac kale wax ka eegno. Dr. Cabdi Aw Daahir mihnad ahaan, waa Dhakhtar bartay Culluunta Caafimaadka, gaar ahaan wuxuu ku takhasusay dhinaca Qalliinka iyo daawaynta guud, inkastoo Qadarka Eebbe meeshiisa yahay haddana, waxa lagu tilmaamaa inuu yahay dhakhtar saaciidadiisu wacan tahay, gacantiisuna tuf leedahay oo sita mindi aqooni hagayso.

Sidaa aawadeed, Xirfadiisaa dhakhtarnimo wuxuu ku mutaystay kalsooni aad u saraysa oo dhinaca bulshada ah. Xaqiiqdii Dr. Cabdi Aw Daahir, sharaxaadda mihnadiisa Caafimaad kuma soo koobi karo oo keli ah Qormadan, laakiin haddii aan si guud u koobno, waxaan odhan karaa waa Shakhsi Xirfadiisa Dhakhtarnimo, aad loogu jecel yahay oo ku dhaliil la. Iyadoo Dr. Cabdi, meeqaankaa dhakhtarnimo taagan yahay, ayuu haddana yeeshay damac kale, si uu u helo mihnad labaad oo ka baxsan dhakhtarnimadiisa, waxaanu doorbiday dhinaca Siyaasadda. Sidaas darteed, wuxuu markii u horeysay ka dhex muuqday Mucaaridkii ka hor yimi Maamulka Cigaal, sannadihii 1994-kii ilaa 1996kii. Waxaanu ka mid noqday markii dambe, guddi beeleed lagu doortay Shir beesha uu ka soo jeeddo oo ahayd dhumucdii Mucaaradkaasi ay ku yeelatay, tuulada Ceel-xume ee degmadda Oodweyne, waxaanu noqday Guddoomiye ku xigeenkii guddigaas oo loo igmaday, hoggaaminta talada Beesha (H.Y).

Wakhtigaas oo ay soo afyeesheen, Wada-hadaladii iyo Waan-waantii nabadeed ee lagu soo afjaray Colaadii Sokeeye ee dalka ka hurtay Sannadkii 1994-kii. Taas darted Dhakhtarka iyo guddigiisuba, iyaga ayaa wax ka galay heshiisyadii nabadeed ee dhexmaray dhinacyadii is hayay.

Dhammaadkii Mashruucaa kadib Dr. Cabdi Aw Daahir, wuxuu helay jago Wasiirnimo, waxaannu noqday Wasiirka Caafimaadka. Sida la aaminsan yahay Dr. Cabdi, wuxuu isla markiiba noqday nin si wayn loogaga kalsoon yahay Xafiiska Madaxtooyadda, oo aad ugu dhow-dhow Madaxweynaha talada haya ee uu abtiga ugu toosan yahay. Fursadda intaa leeg oo kor u qaaday awoodiisa Siyaasadeedna, waxa la rumaysan yahay in ahayd mid Madaxweyne Cigaal, si gaar ah ugu barbaarinayay Xirfadda Siyaasadeed ee dhakhtarka. Aakhirkiina sida la tuhunsan yahay, waxay gacan-qabashadani ku soo sintay Jagada Xoghayaha Guud ee ururka UDUB, oo uu ku tuun-tuunsaday Mudane Cigaal in Dr. Cabdi mooyaane aanay cid kale qabanin. Arrintani, waxay ka abuurtay golaha Xukuumadda dhexdiisa iyo Shirweynihii ururkaba Ismaan-dhaaf miisaankiisalahaa, oo loo tirinayo inuu meesha ka saaray Cali Maxamed Waran-cadde oo muddo dheer taagnaa Cigaal garabkiisa, kana mid ahaa tiirarkii ugu adkaa Xukuumadda maanta. Xubno kale oo weli xillal Wasiiirnimo haya, oo markii hore u feedhanayay Jagadan Xoghayaha Guud ee ururka, ayaa iyana la aaminsan yahay in ay Huq Siyaasadeed oo arramideedii huursantay ku reebtay arrintani.

Marka taas laga gudbo, qasdiga ugu wayn ee uu Maxamed Ibraahim Cigaal, Jagadaas ugu doortay Cabdi Aw Daahir, waxa lagu macneeyaa in ay tahay mid siyaasadeed, maadaama kalkii hore ee gacan ku haynta talada loo igmaday uu gebo-gebo yahay, taas awgeed waxa iska cad in loo baahan yahay Miisaankii Siyaasadeed ee suuro-gal ka dhiggi lahaa, inuu mar kale ku sii negaado kursiga. Si taas loo helana, waxa muuqata in cidda uga horaysa ee tiqada laga doonayaa ay tahay Mucaaridkii shalay oo ah, Beesha uu ka soo jeeddo Xoghayuhu, taas oo loo arko in ay tahay ta loogu xishay ee loogu dhiibay Jagadan.

Haddaba, haddii aynu dib u jaleecno sida xaal yahay xilligan iyo dareenadda ka dhashay doodahan cusub ee Xoghaye Cabdi Aw Daahir, waxa la odhan karaa waa laba kala fog. Dad badan oo daawaday, ama dhegaystay ama akhristay doodihii u dambeeyay ee dhakhtarku, waxay ku tilmaameen qaabkii uu u qadimayay badheedhihiisa, mid aan Qani ku ahayn Luqadda Siyaasadda ee dadka lagu soo hojiyo. Waxa kale oo ay farta ku fiiqeen in Liishaanka doodihii Xoghayuhu ay ahaayeen, qaar ku koobnaa uun Cambaarayn iyo Xag-xagasho cid kale oo aan laga dhex akhrisanayn talooyin Maan-gal Siyaasadeed ah oo soo jeedinaya qof sii jeedda. Inkastoo ay jirto cid ku qanacsan hannaan hawleedkiisu.

Aragtiyahaa qaarkoodna, waxay isweydiinayaan; dhakhtarku, siduu u soo janjeedhin karaa Mucaaraddada hurudda deegaankiisa oo ka mid ahaa meelihii ugu waaweynaa ee tiqada dibu doorashada looga fadhiyay, balse hadda loo arko in ay il kale leedahay.

No comments:

Post a Comment