Saturday 16 January 2010

20021107 (khilaafka ururka udub

Khilaafka ururka UDUB
Hargeysa (Haatuf): Xog-hayaha guud ee ururka UDUB, Dr. Cabdi Aw-Daahir ayaa sheegay inaanay guddiga fulinta UDUB awood u lahayn inay xilka ka qaadaan, isaga oo ka jawaabaya qoraal ay guddiga fulintu u soo gud-biyeen oo ay ku sheegeen inay ka qaadeen xilkii xoghayaha guud ee ururka, wuxuuna Cabdi Aw-Daahir sidaa ku sheegay qoraal jawaab celin ah oo uu shalay soo saaray, iyadoo uu Cabdi Aw-Daahir go’aanka xil-qaadista ee guddiga fulinta ku tilmaamay sharci daro.

Salaasadii doraad ayey guddiga fulinta UDUB soo saareen qoraal ay ku sheegeen inay xilka ka qaadeen xoghayaha guud ee ururkooda, qoraalkaas oo ay gudbiyeen Cabdi Aw-Daahir waxa uu isna ka bixiyey jawaab, taas oo uu qoraalkiisa jawaab-celinta ah ku yidhi "Waan helay qoraalkii aad soo qorteen, waana qoraal sharci daro ah oo aan waafaqsanayn xeerka ururka", wuxuuna intaa ku daray "Xoghayaha guud waxa xilka u dhiibtay shirweynihii ururka, waxaana xilka ka qaadi kara shirweyne kale oo la qabto, meelnaba sharciga kagama jirto hayad kale oo aan shirweynahaa ahayn oo xilka ka qaadi karta xoghayaha guud.

Dhamaan qoddobada aad xusteen ma waafaqsana go’aanka aad gaadheen, mana qumana in xoriyadda siyaasadeed ee ah inaan gudaha ururka iska soo sharaxo ay keento curfi xun oo liita oo aan waafaqsanayn xeerka ururka. Sidaa darteed si hogaanka ururka loo habeeyo waxa loo baahan yahay in la qabto shirweyne aan caadi ahayn si loo dhamaystiro arimahaa'ayuu qoraalkiisa ku soo xidhay Cabdi Aw-Daahir. Hase yeeshee qoraalkan ka hor Arbacadii doraad ayuu Cabdi Aw-Daahir xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id oo uu ugaga jawaabayo go’aanka ay xubnaha guddiga fulintu ku sheegeen inay xilka ka qaadeen Cabdi Aw-Daahir, iyadoo ay dhinaca kalena guddiga fulintu shirkaa jaraa’id ka dib ku adkaysteen inay xilka ka qaadeen Cabdi Aw-Daahir, laakiin doodaha kul-kulul ee ay is dhaafsadeen labada dhinac (Xoghayaha guud & guddiga fulintu) waxay u muuqatay khilaaf cakiran oo soo food saaray hogaanka sare ee ururka UDUB.

Xoghayaha guud ee UDUB, Dr. Cabdi Aw-Daahir ka dib markii uu subaxnimadii hore isha ku soo dhuftay jaraa’idka Hargeysa ka soo baxa, kuwaas oo ay bogagooda hore ku xardhanayd guddiga fulinta oo Cabdi Aw-Daahir ka qaaday xilkii xoghayaha guud ee UDUB ayuu si degdeg ah isugu yeedhay ragga wararka faafiya, ka dibna isaga oo cadho daraadeed qowlalada ka xunbaynaya ayuu hadalkiisa ku bilaabay "Waxaan doonayaa arin aan saaka ku arkay jaraa’idka, kaas oo ay xubno guddiga fulinta ahi yidhaahdeen xoghayihii guud baanu xilka ka qaadnay, taasi waa qayral-sharci oo aan waafaqsanayn xeerka ururka", wuxuuna intaa ku daray "Madaxweyne Rayaale waxa lagu doortay distoorka iyo sharciga, markaa ma aha in sharciga la jebiyo."

Hadalada ay go’aankooda ku qoreen xubnaha guddiga fulintu waxa uu ku tilmaamay aflagaado, isla markaana waxa kale oo uu sababta go’aanka guddiga ku tilmaamay mid ka dhashay is-sharaxaadiisa oo keliya, balse eedo kale oo ay guddigu u jeediyeen waxa uu ku tilmaamay waxba kama jiraan. "Hadii aanu nahay labadii xubnood ee ugu sareeyey ururka (Gudoomiyaha & xoghayaha guud) waxa wanaagsan inaanu si dimoqraadiyad ah ugu tartano gudaha ururka, mana ah in madaxtooyada gudaheeda inta loogu yeedho xubna yar oo guddiga fulinta ah xilkii waanu ka qaadnay, iyadoo aanu taa xeerku beenaynayn'ayuu yidhi Cabdi Aw-Daahir, wuxuuna ku adkaystay inaanu ka tanaasulayn musharaxnimadiisa, isla markaana waxa uu golihiisa dhexe ugu baaqay shirweyne aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadaan bishan 15-keeda.

Tan iyo markii uu Cabdi Aw-Daahir ku dhawaaqay inuu musharax yahay waxa gudaha ururka UDUB ka oogsatay xasaasiyad iyo sawaxan siyaasadeed, sidaa darteed waxay taasi sababtay in ciidamo dheeraad ah la keeno xafiiska ururka UDUB ee Hargeysa oo ah xoghayaha guud fadhigiisu yahay, taasna waxa uu Cabdi Aw-Daahir u qaatay in ciidamadaasi yihiin kuwo meesha lagaga tukhaantukhinayo. "Halkan ciidamo ayaa la keenay xalay (Habeenkii Arbacada) ma aha inuu ururku naga noqdo xisbigii Hantiwadaagga kacaanka Soomaaliyeed, laakiin anigu waxaan qabaa inuu qof kastaa xaq u leeyahay inuu xisbigan iska sharaxo, xoghayaha guudna sharci daro la igagama qaadi karo, hadii aan ciidamo la adeegsan'ayuu yidhi Cabdi Aw-Daahir, isaga oo ciidamadaa xafiiskiisa la keenay ku tilmaamay kuwo isaga lagu cabudhinayo.

Dood dheer ayey weriyayaashu Cabdi Aw-Daahir la yeesheen, waxayna dhinacyo badan kaga dhufteen su’aalo la xidhiidha sawaxanka ka dhashay is sharaxaadiisa iyo guud ahaan-ba khilaafka siyaasiga ah ee ka dhex-hulaaqmay ururka UDUB gudihiisa, laakiin Cabdi Aw-Daahir mar la waydiiyey halka ay ka timi guul-darada siyaasadeed ee waqtigan xaadirka ah soo food saartay ururka UDUB waxa uu ku jawaabay "Waa nasiib daro ka timi xagga gudoomiyaha (Rayaale), laakiin anigu maan jeclayn inay taasi dhacdo". Hase yeeshee Cabdi Aw-Daahir waxa uu u muuqday nin dagaa siyaasadeed oo ururkiisa gudihiisa ah u soo biyeystay. "Xisbinimada UDUB ilaa nafta ugu dambaysta ka tegi maayo, waana iska sharaxayaa, xubnaha UDUB ee maanta aniga I caayayaana waa bah-weyntaydii UDUB oo hadii ay musharaxnimada ku guulaystaana waan dhisayaa, hadii aan ku guulaystana waa bahdaydii UDUB, laakiin waxaan barayaa inaan xisbiga iska soo sharaxayo inuu shirweyne na kala saarayo iyo labadayaduba (Xoghayaha & Gudoomiyaha, Rayaale) aanu xaq u leenahay'ayuu yidhi Cabdi.

"Anigaba dumar kale oo baabuur wata ayaa ii yimi oo yidhi ma ku taageernaa, laakiin waan joojiyey'ayuu Cabdi isaga oo ka jawaabayo sida uu u arko kooxo haweenka UDUB ah oo sheegay inay ka soo horjeedaan musharaxnimada Cabdi Aw-Daahir, isla markaana ay taageersan yihiin musharaxnimada madaxweyne Daahir Rayaale.

Markii uu Cabdi Aw-Daahir uu ku dhawaaqay inuu yahay musharax ururka UDUB dad badani waxay iswaydiiyeen tolow Cabdi aw-Daahir muxuu coodaashanayaa mar hadii uu ka horyimi madaxtooyadii uu ururkiisu ku tiirsanaa ama looga talin jirey iyo weliba inta ay le’eg tahay taageerada uu ka haysto ururkiisa UDUB ee uu iska sharaxay, laakiin waxa uu ku dooday inuu taageero shilis ka haysto ururkiisa UDUB, wuxuuna yidhi "Marka uu qabsoomo shirweynuhu bishan 15-keeda ayey kala cadaan doontaa inta ay le’eg tahay taageerada aan xisbigayga ka haystaa, taageeradayduna waxay soo bixi lahayd hadii aanu dagaalka maanta la bilaabay bilaaban, hadii uu wuxu dagaal galona way xumaataa, laakiin hadii la odhan lahaa bal hala eego markaas ayaan wax tusi lahaa, waxaanse leeyahay dagaalka hala joojiyo oo hala eego inta le’eg tahay taageerada aan xisbiga ku leeyahay".

Go’aanka ay xubnaha guddiga fulinta UDUB soo saareen iyo weliba ciidamada dheeraadka ah ee xafiiska UDUB la keenay waxay dad badani u qaateen in Cabdi Aw-Daahir hadii uu ku adkaysto mawqifkiisa ah inaanay guddigaasi awood sharci u lahayn inay xilka ka qaadaan oo uu sii fadhiyo xafiiska qoorta laga soo qaban doono, laakiin Cabdi mar la waydiiyey hadii xafiiska qoorta laga soo qabto sida uu yeeli doono waxa uu ku jawaabay "Dee hadii lay xoogo, afweynaba dadka waa xoogi jiraye, waxa hadhay afka iyo dadka, laakiin waxaan leeyahay waar I daayoo oo sharciga ila eega, hadiisa xoog laygaga saaro meesha oo dagaal la iila yimaado dee is qabsan mayno oo banaankaygaas ayaan is taagayaa, taageerayaashaydana waan leeyahay, waxaana ku doodayaa inaan ahay xoghayihii guud ee sharciga ahaa, waxanina ay sharci daro yihiin".

Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa uu ku cel-celiyey inuu u arko inuu go’aanka guddiga fulintu ka gaadheen yahay mid salka ku haya curfi siyaasadeed ee aanu marna ahayn mid ku salaysan sharciyadda iyo mabaadi’da dhaqan ee ururkooda, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu ilaa 55% haysto taageerada golaha dhexe ee ururkiisa, isaga oo eedaymo ay xubnaha guddiga fulintu u jeediyeena ku tilmaamay waxba kama jiraan. Hase yeeshee dhinaca kalena xubno ka tirsan guddiga fulinta oo uu budhtuur u yahay Ismaaciil Mire oo ah xoghayaha wacyigelinta ururka UDUB, isla markaana ah mudana ka tirsan aqalka wakiilada ayaa iyaguna shirkaa jaraa’id dood ka celiyey is difaaca xoghayahooda guud, isla markaana jawaabo ka bixiyey su’aalo laga waydiiyey go’aanka ay ka gaadheen Cabdi Aw-Daahr, iyadoo ay weriyayaashu xubnaha guddiga fulinta kula kulmeen qol dhawr talaabo u jira xafiiska xoghayaha guud, waxayna taasi ahayd inaanay labada dhinac is arki karayn, balse ay ahaayeen niman gantaalaha ridadada dhexe isu marinaya atmosfeerka warbaahinta.

Xubnaha guddiga fulintu waxay ku doodeen inay eriga Cabdi Aw-Daahir u cuskadeen xeerka ururkooda, waxayna sheegeen inay si gaar ah ugu cuskadeen qoddobo uu ka mid yahay qoddobka 20aad oo dhigaya "Gefafka xad-gudub qoraal oo xeerka ururka ah, mabaadi’da, iyo go’aamada ururka waxa uu noqon karaa digniin, ganaax ama ururka oo laga eryo, hadii aanay ka hor imanayn xeerka Asxaabta", laakiin doodda kale ee meesha waxay tahay guddiga fulintu awood sharci ma u leeyihiin inay qaadaan talaabada eriga ee xoghayaha guud iyo xubnaha sharciyan u dhigma. "Awoodda aanu ku erinay anshax marinta ayaa noo banaynaysa'ayuu ku jawaabay Ismaaciil Mire, laakiin marka la eego xeerka ururka UDUB qoddobkiisa 13aad, faqradiisa 2aad oo ka hadlaysa awoodaha guddiga fulinta kuma qeexna inay guddiga fulintu awood u leeyihiin inay eryaan xoghayaha guud iyo xubnaha dhigiisa ah iyo sidoo kale inay wax dooran karaan, laakiin Madaxa wacyigelinta UDUB, Ismaaciil Mire mar kasta oo la waydiiyo awoodda iyo qoddobka ay u cuskadaeen eriga Cabdi Aw-Daahir waxa uu ku cel-celiyey inay cuskadeen qoddobada anshaxmarinta. "Anshax-marinta guddiga fulintu xaq bay u leedahay'ayuu yidhi Ismaaciil Mire. Hase yeeshee Ismaaciil Mire iyo ragiisa mar la waydiiyey bal inuu go’aankoodu ka dhashay cadho ay ka cadhoodeen is sharaxaadda Cabdi Aw-Daahir iyo inkale wuxuu ku jawaabay "Dheriga karka waxa ka keenay kulaylka, ururka dhibaato badan ayuu Cabdi Aw-Daahir ku hayey, taas oo ay ugu dambaysay liisaskii musharaxiinta ururka, kuwaas oo uu qortay dad uu isagu doonayey, dadkii xaqa u lahaana ka saaray", laakiin waxa kale oo la waydiiyey sababta ay hore talaabo uga qaadan waayeen hadii aanay arintu ahayn cadho ka dhalatay is sharaxaadiisa waxa uu yidhi "Koobku mar uun buu buuxsamaa, marka uu buuxsamo ayuun baad-na ka hadli kartaa, sidaa darteed liisaskaa ayaa koobkii buuxiyey", laakiin Ismaaciil waxa uu intaa ku daray "Maantana isa soo sharaxaad aanu qaabkii sharciga marin ayuu sameeyey, isa soo sharaxaadiisana waxa oo doonayey inuu ururka khal-khal ku geliyo". Hase yeeshee xeerka ururka UDUB kuma jiro qoddob maanacaya inaanu xoghayaha guud iyo xubnaha kale ee golaha dhexe isa soo sharixi karin, sidaa darteed mar Ismaaciil Su’aal arintaa laga waydiiyey waxa uu kaga jawaabay "Wuu isa soo sharaxi karaa, laakiin mar hadii uu musharax noqday labadii xil ee musharaxnimada iyo xoghayaha guud iskuma hayn karo, sidaa darteed waa inuu xilka xoghayaha guud ka degaa", laakiin xoghayaha guud hadii uu isa soo sharaxo waa inuu xilka dhigaa kuma taal xeerka UDUB, sidaa darteed Ismaaciil Mire mar la waydiiyey halka ay xeerkooda kaga taal inuu xilka xoghayaha guud dhiibo mar hadii uu isa soo sharaxay wuxuu ku jawaabay "Iska daa xeerkayaga ee caqliyadda caadiga ah ayaa sidaa dhigaysa".

Waxa kala af-hayeenka guddiga fulinta Ismaaciil Mire la waydiiyey sababta ciidamada dheeraadka ah loo keenay xarunta UDUB, wuxuuna ku jawaabay "Garabkii haweenka UDUB ee gobolka Hargeysa ka muraaradilaacay musharaxnimada Cabdi Aw-Daahir ayaa halkan aad ugu soo ururay, dabadeedna markii uu buuqubatay si uu agabka ururku u nabad galo ayaanu anagu nidhi dhawr ciidan ah noo keena", laakiin mar la waydiiyey bal inay ujeedada ciidamada loo keenay tahay in Cabdi Aw-Daahir lagu maquuniyo sida uu isaguba ku andacooday wuxuu Ismaaciil ku jawaabay "Xoog ma jiro ee sharciga ayaanu ku kala baxaynaa". "Ururka isaga (Cabdi) ayaa dhibaato ku ahaa, isagana far iyo suul baanu kaga qaadnay'ayuu intaa ku daray. "Ma jiro wax gaar ah oo aniga (Ismaaciil Mire) iyo Cabdi Aw-Daahir ka dhexeeyaa, laakiin ururka ayaa hawshan ii igmaday'ayuu Ismaaciil Mire ku jawaabay mar la waydiiyey bal inay jirto xurguf gaar ah oo ka dhexaysa isaga iyo Cabdi.

Arimuhu sida aya doonaan ha u dhaceen, laakiin ilaa hadda may soo af-jarmin sheekadu, waxayna u muuqataa inay sii hulaaqantay oo ay arintu noqotay khilaaf cirka isku shareeray iyo xaalad siyaasadeed oo cakiran oo ka dhex-ooggan hogaanka ururka UDUB.

Top

No comments:

Post a Comment