Thursday 21 January 2010

wefdi safaaradda ingiriiska oo u socday arrimaha doorashooyinka oo la kulma madaxweyne rayaale


Madaxweyne Rayaale oo Maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Wefdi Ka Socda Safaarada UK ku leedahay Ethiopia


Hargeysa (Golis News)- Madaxwayne Rayaale oo Saaka Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Wefdi Ka Socda Safaarada UK ku leedahay Ethiopia Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge, ayaa waxa uu u qornaa sida tan

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu saaka Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafti ka socda Safaaradda Dawlada Britten ay ku leedahay Dalka Ethopia. Waftigaas oo booqasho gaaban ku yimi Somaliland waxa hogaaminayay Safiir ku Xigeenka Safaarada Britten ee Dalka Ethopia Mr. John Marshal.


Waftigaasi oo ujeeddada socdaalkoodu u ahaa sii xoojinta xidhiidhka labada dal iyo in ay u kuur-galaan Marxaladaha Siyaasada iyo aminga Somaliland, gaar ahaan halka ilaahada ay Marayso u diyaar garawga Doorashooyinka Dalka ku soo fool leh.


Madaxweynaha oo hadal kooban Waftigaasi u jeediyay waxa uu Carabaabay in Somaliland Marwalba intii tamarteeda ah ay si taxadir leh u ilaashanayso nabadeeda iyo Xasiloonideeda iyadoo aynu ka war qabno amaan-darida iyo khataraha Mandaqada Geeska ka taagan.
Madaxweynuhu isagoo arintaas sii faah-faahinaaya waxa uu yidhi(Waxaan Codsanaynaa in Wadamada Caalamku oo Britten ka mid tahay in ay naga caawiyaan sidii marwalba aan u sugi lahayn Arimaha nabadgelyada iyo amnigaSomaliland ay ku Caano maashay)


waxa kale oo Madaxweynuhu soo qaaday in wax allaale wixii khilaaf Siyaasi ah ay Somaliland dhexdeeda ku dhamaysandoonto sidii looga bartay, iyadoo Komishanka Cusub ee Doorashooyinkana Madaxweynuhu ku hanbalyeeyey sida fiican ee hawshoodu u wadaan iyadoo Xukumadiisuna ay marwalba diyaar u tahay in ay Dalka ka qabsoomaan Doorashooyin Xor ah oo Xalaal ah marka Komishanka Doorashooyinku wakhtigeeda Cayimaan.

Waftigaasi Safaaradda Britten waxa kale oo ka mid ahaa Mr. Matt Woods oo isaguna ah Madaxda sare ee Safaarada Britten ee Dalka Ethiopia .


Waftigu intii ay joogeen Somaliland waxa kulamo kala duwan ay la yeesheen Wasiirro dhawr ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibada Wasiirka Dib u Dajinta iyo Wasiirudawlaha Arrimaha Gudaha.


Waxa kale oo waftigu kulama iyana la yeesheey Komishanka Doorashooyinka iyo qaarka mid ah Axsaabta Qaranka”.


Nimco Muxumed Ibraahin


qaali540@hotmail.com

No comments:

Post a Comment