Thursday 21 January 2010

Madaxweyne-ku-xigeenka oo Arrimo Caafimaad u Tegay Jarmalka 20100121


Madaxweyne-ku-xigeenka oo Arrimo Caafimaad u Tegay Jarmalka

Ma jiro war rasmi ah oo xukuumaddu ka soo saartay socdaalka madaxweyne-ku-xigeenku ku tagay Jarmalka, hasayeeshee

Hargeysa (GNS)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa saqdii dhexe ee habeen hore Madaarka Egal International Airport ee caasimadda Hargeysa ka duulay isagoo ku sii jeeda dalka Jarmalka oo la sheegay inuu u tegay arrimo dhinaca caafimaadkiisa ah.


Ma jiro war rasmi ah oo xukuumaddu ka soo saartay socdaalka madaxweyne-ku-xigeenku ku tagay Jarmalka, hasayeeshee sida xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, isla markaana lagu baahiyey shabakadda wararka ee waaheen, waxa safarka madaxweyneku-xigeenku la xidhiidhaa arrimo caafimaadkiisa ah oo beryahanba la hadal-hayey inuu u tegayo dalka Jarmalka.


Md. Yaasiin oo hadda ku sugan magaalada Addis Ababa, ayaa la filayaa markuu soo dhammaysto socdaalkiisa caafimaad ee Jarmalka u sii dhaafi doonaa dalal kala duwan oo Yurub ah, isla markaana kulamo kula yeelan doono masuuliyiin kala duwan iyo qurba-joogga reer Somalilad.


Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hor intaanu u xadhko-xidhan safarkiisa waxa uu kormeero kala duwan ku sameeyay xarumaha hay’adaha dawladda, isagoo kulamo la yeeshay masuuliyiinta kala duwan ee hay’adaha uu booqday, waxaannu ku boorriyey dardargelinta hawlaha qaranka sannadka cusub 2010-ka oo uu sheegay xukuumaddiisu culayska ugu weyn saari doonto adkaynta nabadgelyada iyo xasilloonida guud ee dalka.




Jamhuuriya

No comments:

Post a Comment