Monday, 15 March 2010

Xaaladda Lammaanaha Ingiriiska ah ee ku af-duuban Soomaaliya ka dib dagaal dhex maray Budhcaddii haysatay

Xaaladda Lammaanaha Ingiriiska ah ee ku af-duuban Soomaaliya ka dib dagaal dhex maray Budhcaddii haysatay
March 14th, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in lammaane dhalashadoodu tahay Ingiriis oo Afduub loogu haystay dalka Soomaaliya gabadh la joogtay la la toogtay.

Xildhibaan Nacnac oo maanta u waramay qaar ka mid ah Warbaahinta, waxa uu sheegay in Lammaanahan Ingiriiska ah gabadh la joogtay la toogtay, ka dib markii uu dagaal dhex maray Malleeshiyadii Afduubka u haystay. Waxaanu intaa ku daray in xogtan uu ka helay nin lagu magacaabo Cali Geedow oo ku hadlay Afka Budhcad-Badeedda haysata lammaanahan.

Mudanuhu waxa kale oo uu sheegay in Afhayeenkani aanu wax faahfaahin ah oo intaa dheer ka bixinin xaaladda lammaanahan, hase ahaatee ay ugu war dambaysay markii ay Rasaastu ku dhacday Gabadha. Isla markaana mar uu la xidhiidhay oo isku dayay in uu Khadka Telefoonka ku helo aanay u suurtogalin, ka dib markii uu Afhayeenka Budhcad-Badeeddu ka qaban waayay Telefoonka.

Lammaanahan u dhashay Ingiriiska ayaa shantii bilood ee laga soo gudbay Afduub loogu haystay Koonfurta Soomaaliya, ka dib markii Koox Budhcad Soomaali ahi ay ka afduubeen Xeebaha Jasiiradda Seychelles. Iyaga oo dalbaday Lacag Madax-furasho ah oo ay ka diidday Dawladda Ingiriisku inay bixiso.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail..com







Somaliland.Org HomeArchives Somaliland About us Contact us Calendar ^^© 2008 Somaliland.Org

Wednesday, 3 March 2010

Jamhuuriya iyo EDC oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey 65 Suxufiyiin ah

Jamhuuriya iyo EDC oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey 65 Suxufiyiin ah


Hargeysa (Jam)- Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa shalay shahaadooyin guddoonsiiyey 65 suxufi oo dhammaystay waxabarasho toddoba bilood socotay oo ay ku baranayeen qaybaha kala duwan ee culuumta saxaafadda, kaasi oo qayb ka ahaa barnaamijka SHAQADOON oo ay hirgelintiisa iska kaashadeen Jamhuuriya Media Group iyo hay’adda Maraykanka ah ee EDC.


Xaflad ballaadhan oo loo qabtay dhallinyaradii barnaamijkaa wax kabaray ayaa la gudoonsiiyey shahaadooyin ay ku mutaysteen muddadadii ay wax baranayeen oo lagu sheegay lix bilood, waxaanna ka ka qaybgalay masuuliyiinta matalayey labada dhinac ee Jamhuuriya iyo Hay’adda EDC.


Dhanka kale waxa munaasibadda xafladdaasi lagu marti qaaday madaxda xisbiyada mucaaradka ah iyo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac [Gaariye] Guddoomiyaha garabka siyaasadda ee xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax, ururka WIJA, masuul sare oo ka socday Wasaaradda Waxbarashada qaybta imtixaanaadka iyo marti sharaf kale oo farabadan.


Haddaba furitaankii shirkaa waxa ka hadlay Guddoomiyaha Wargayska Jamhuuriya Mr. Faysal Cali Sheekh Maxamed, waxaanu sheegay inkastoo ay duruufo dhaqaale dalka ka jiraan, haddana inuu wargeyska Jamhuuriya ku dedaalayo ilaa iyo markii saxaafadda madaxabanaan la aasaasay sannadkii 1991 inay soo baxaan suxufiyiin tayo fiican leh.


“Maanta waxa dalka ka jiraan jariiraradood tiro badan iyo TV wada madaxbannaan,” ayuu yidhi Faysal Cali Sheikh, isaga oo ka warramaya horumarka Somaliland ka gaadhay dhanka saxaafadda, waxa uu sheegay inay Somaliland kaga horumarsan tahay xagga nabadgaliyada, marka laga reebo xorriyadda saxaafadda.


Faysal waxa uu sheegay markii ay samaynayeen barnaamijkani inay eegeen baahiyaha saxaafadda horyaalla kuwa ugu daran, isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Runtii markii aanu bilaabaynay barnaamijkan waxaanu u eegnay meelaha ugu dal daloolada badan ee ay ka liitaan Suxufiyiinta Somaliland.”


Dhanka kale waxa uu ka warramay waxyaabihii kala duwanaa ee ay suxufiyiintaasi soo barteen, waxaannu yidhi; “Afar qaybood oo kala duwan bay soo barteen, waxaanay kala ahaayeen, Basic Jaournalism, Photo Journalism, Layout and Design iyo Marketing and Management.”


Guddoomiyaha Wargayeska Jamhuuriya Faysal Cali Sheekh waxa uu kula dardaamay dhallinyaradaasi la gudoonsiiyey shahaadadaasi inay ilaaliyaan, isla markaana ku camal falaan wixii ay soo barteen iyo inaanay noqon sida kuwo ka mida saxaafaddii hore oo wax ka badan 19 ilaa 20 sannadood ku soo jiray ee haddana aan maanta haddii la yidhaa wax qora aan waxba qori karayn.


Intaa dabadeed waxa halkaa ka hadlay madaxa mashruucaasi SHAQODOON Md. Cabdi Xaashi oo sheegay in hay’adda EDC tahay hay’ad Maraykan ah oo ka shaqaysa in ka badan 35 dal oo ku kala filiqsan adduunyada, waxaannu xusay in mashruucani yahay kii ugu horreeyey ee laga hirgeliyo Somaliland, ujeeddadiisuna tahay sidii tababaro iyo shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada.


Mr. Cabdi Xaashi waxa uu sheegay in dhallinyaro ay tababar siiyeen ee magaalada Hargeysa ka badan yihiin 1600 oo dhallinyaro ah, halka uu Burcana xusay inay ka tababareen in ka badan 420 dhallinyaro ah, isaga oo tilmaamay inay mashruucan sii wadi doonaan, isla markaana qorshaynayaan sidii ay xirfado ay ku shaqaystaan ugu abuuri lahaayeen saddex kun oo dhallinyaro ah.


Guddoomiyaha KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo munaasibadda 65-ka arday ee ka qallin-jabiyey barnaamijka SHAQODOON ka hadlay, ayaa u mahadnaqayaa cidkastoo mashruucan ka qaybqaadatay.


“Intaanan hadalkayga kale u gelin, waxaan halkan ka maqlaayey walaalkay Cumar Jaamac oo ka tirsan xisbiga UDUB oo si xammaasad leh uga hadlayey madaxbannaanida saxaafadda iyo caddaaladda, markaa ku darayey Tv Qaranka iyo Radio Hargeysa, weliba taynu ka hadlaynaa maaha tay UDUB toos u leedahay, waxaynu ka hadlaynaa waa waxay ku magacaabaan qaranka Somaliland ee lagu maalgeliyo cashuurta laga qaado shacabka, waanad wada aragtaan, oo aad wada dhegaysataan iyo oo aad wada maqashaan.


Cumar Jaamac ma waxa uu innaga dhaadhicinayaa in hay’adahaasi [TV Qaranka iyo Radio Hargeysa] u madaxbannaan yihiin saddexda xisbi qaran, waxay ila tahay waa laga wada warqabaa.” Sidaa waxa yidhi Axmed-Siilaanyo oo ka jawaabay hadal uu Cumar Jaamac ku lahaa saxaafaddu inay yidhi, kaas oo ahaa in ay warbaahinta madaxbannaani noqoto dhexdhexaad.


Guddoomiyaha KULMIYE ayaa sheegay inay saxaafaddu tahay sawirka keliya ee wixii dhaliil ah ee jira u soo gudbisa bulshada, isla markaana tahay horumarka dalka, waxa uu ku guubaabiyey dhallinyartada in aanay mihnadooda loo adeegsan.


“Waxaannu leenahay saxaafaddu meelkasta oo ay joogto waa meesha keliya ee sawirta wixii dhaliil ah iyo ciddii uu dhinac waxtarkeedu jiro, waanna waxyaabaha ugu waaweyn ee ummadda dal weliba ku faanno, waa meesha looga baahiyo horumarka uu dalku u baahan yahay, hadday tahay shaqo-sameynta, la dagaalkana aragagixisada iyo la dagaalka tahriibta, meesha laga hagi karaa waa saxaafadda, waanna meeshay ku soo ururto aaraahdaha culimada, siyaasiyiinta iyo bulshada inteeda kaleba.


Sidaa daraadeed, madaxbannaanidu aad iyo aad bay innoola weyn tahay caam ahaan, marka labaad tababarka iyo dadka dhallinyarada ah ee saxaafadda ka shaqeeyaa ee mihnad ahaanta u qaataa in yihiin dad mabaa’id, dareen iyo xasaasiyad leh.


Waxa ayaan-darro ah laba daahiradoodba waynu aragnaa oo way soo baxaan maalin walba, dad badan oo saxaafadda u shaqeeya oo magac iyo maamuus ku lahaa oo maalin walba xabsiga loo taxaabayo oo la xidho oo la caddaadiyo waynu aragnaa. Waxa kale oo aynu aragnaa dad saxaafadda ku magac-dheer oo wuxuu shalay qori jiray la ogaa, maanta waxa uu qorayana la og yahay, waayo waad ogtahay in xaaladiisii isbeddeshay oo uu mabaa’didii ka baxay,” ayuu yidhi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)


Ugu dambeyn, waxa uu kula dardaarmay Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in aanay dhallinyaradan cusub ee saxaafaddu ku sifoobin tilmaamaha uu sheegay, isla markaana noqdaan qaar ka shaqeeya dhexdhexaadnimada iyo horumarunta bulshada.


Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna u mahadnaqay wargeyska Jamhuuirya iyo cidkasta oo ka qaybqaadatay barnaamijka SHAQODOON, waxaannu sheegay inay saxaafaddu u kala qaybsantay laba qaybood.


“Barnaamijkani waxa uu muujinayaa inay Somaliland kortay, Jamhuuriya-na waxay taariikhda ku gelaysaa innaga oo burbur iyo dagaal ka soo noqonay waxay ahayd jariiradii ugu horreysay ee dalkeena ka soo baxda, maanta ay marayso ilaa heerkaa ay ardayda soo saarayso,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe, waxaannu intaa ku daray inay saxaafaddu xorriyad haysato, “Innaga saxaafadeena madaxabannaan xorriyad baynu haysanaa, waanna mid ku timi xorriyadda uu shacabku haysto, sidii Xasan Xiis u sheegay waa inaad ilaalisaan anshaxa warbaahinta, waad kala baxdeen oo waxa jira laba saxaafadood, ta dawladdu gacanta ku hayso oo lagu hawlgaliyo cashuurta ka soo baxa shacabka waa Tv-ga Qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa, waxaad moodaa iska daa xeerka caalamku ku shaqeeyee in aannu sharciga Somaliland-ba ku shaqayn, sidii loo abuuray sharci ma leh, maareeyaa loo dhiibay, haddaad daawatid marnaba is odhan maysid dad bani’aadam ah oo anshaxii saxaafadeed leh ayaa maamula, waxaannu ka kooban yahay cayda shacabka, isku dirka qabaa’ilka, aflagaadada reeraha wax uu ka xishoodaa ma jiro, waxaananu jecel nahay in aannu arrinkaa ka hawlgalno oo uu kala noqdo Tv-gaasi mid uu qaranku leeyahay amma mid ciddi gaar ahi leedahay, waayo heerkii loo dulqaadanayey wuu dhaafay, UCID ahaan waannu fasixi doonaa idaacadaha dalka.”


Xoghayaha Siyaasadda xisbiga UDUB Mr. Cumar Jaamac oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa ugu horreyn si weyn u hambalyeeyey 65-ka arday ee ka qallin-jabiyey qaybaha kala duwan ee warbaahinta, isla markaana tilmaamay inay Somaliland waqtigan ay kaga horreyso waddamo badan oo adduunka dimoqraadiyadda saxaafadda, kuwaas oo uu sheegay in aan la cabudhin, wax hadidaad ahna loo geysan.


“Shacabka reer Somaliland waxa uu u baahan yahay war sugan oo xaqiiqo ah, waxaanna loo baahan yahay inaad yeelataan dareen masuuliyadeed iyo saxaafinimo, waayo waxaynu joognaa waddan curdin, haddaynu nidhaa ka hadla saxaafadda manta, waxaynu ka mid nahay waddamada ugu horumarsan dunida, lama weydiiyo waxay qoraan kuwa madaxabannaan iyo kuwa kaleba,” ayuu yidhi Mr. Cumar Jaamac.


Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo ka mid ah hal-abuurada waa weyn ee Somaliland oo xafladda loo sameeyey ardayda ka qallin-jabiyey mashruuca SHAQODOON, ayaa hambalyeeyey dhallinyarada ka qallin-jabisay qaybaha kala duwan ee warbaahinta, isla markaana ku guubaabiyey inay ku dedaalaan wax qorista iyo akhrisbka afsoomaaliga oo uu waqtigan oo uu saluug weyn ka muujiyey qaabka iminka loo qoro.


Abwaan Gaarriye oo ka hadlayey awoodda uu ereygu leeyahay, ayaa xusay in aannu jirin wax erayga hor istaagi karaa, isla markaana awoodda uu leeyahay ku sababeeyey bani’aadamka ku ciyaara ee si jaban, waxa uu ku sheegay raqiis, isaga tixo gabay ah ku tilmaamayana waxa uu yidhi;


“Soddon laguma baayaco


Boqor laguma caabudo


Biidhiqaatenimo iyo badhax waa ka xaaraan


Biri-magaydo weeyoo


Bogdooxeedu waa sino.


Maanso kale oo aan leeyahayna waxa ku jirtay;


“Wallee been ma qaayibo


Wallee gabay qardoofa ah


Amma iga qandoodsama


Qalbigayga kuma qorin


Wallee qalabka maansada


Heesaha qumbuladda ah


Uma qubo dhugmo la’aan


Magac waa qasaanade


Wallee qado ma dhaafsado


Hadba wiilka qooqee


Maalintaasi qoodha ah


Qushuuciisa ma akhriyo


Qofna kabaha uma tiro.”


Waxa kale oo halkaa ka hadlay Xasan Xiis oo ka mid ah suxufiyiinta waaweyn ee Somaliland, isla markaana wax ka dhiga saxaafadda, kana tirsan shirkadda Dahabshiil, ayaa ku dheeraaday taariikhda kala duwan ee saxaafaddu soo martay, isaga oo Jamhuuriya ku ammaanay inay tahay hooyada warbaahinta ilaa waqtigana ku hawlahan soo saarka wariyeyaasha, waxaannu hambalyo gaar ah u diray Jamhuuriya, EDC iyo dhammaan ardaydii ka qallin-jabisay.


Ayaan Cabdirisaaq oo ka tirsan ururka haweenka ee WIJA oo xafladda qallin-jabinta ka hadashay, ayaa si weyn ugu mahadnaqday wargeyska Jamhuuriya iyo hay’adda EDC, iyada oo hay’adaha kale iyo ganacsatada Somaliland ugu baaqay sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen shaqo-abuurista loo baahan yahay in da’yarta loo sameeyo.


Sidoo kale, waxa isaguna Sakariye Jaamac Muuse oo halkaa ka hadlay mid ka mid ah ardaydii wax baratay barnaamijka SHAQODOON, kaas oo sheegay in 65-ka arday ee wax bartay ay xirfadii ay barteen ku shaqo tagayaan, isla markaana mashruucani yahay mid ka badbaadiyey tahriibta, isaga oo ku guubaabiyey in halkaa laga sii wado, balse aannu noqon kii ugu dambeeyey.


Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ardayda shahaadooyinka guddoonsiiyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay maamulka Jamhuuriya Mediya Group oo fuliyey mashruuca SHAQODOON, Hay’adda EDC iyo cidkasta oo ka qaybqaadatay, isaga ku dheeraaday qiimaha saxaafaddu u leedahay horumarinta bulshada, waxaannu ku tilmaamay muraayada bulshadu ka daawato kolba halka uu dalkoodu marayo.


“Saxaafadda waxa loo geystaa tacadiyaad, waa la xidhaa, waa dilaa ilaa taariikhdii hore iyo ta maanta, maxaa loo dilaa, maxaa loo dulmiyaa? Waayo warku waxa uu u sheegayaa ummadda wixii dhabta ahaa ee jiray. Markaa waxaynu u baahannahay in warbaahinteenu inay ummadda ku dhisto run, wanaag iyo akhlaaq wanaagsan.


Ummaddu dhinacyo badan ayey u baahan tahay inay wanaag ka hesho, hadday tahay hoggaan, siyaasiyiin, axsaab, dadweyne iyo saxaafad wanaagsan oo ku wanaagsan waxa runta ah inay isku sheegaan, waxa beenta ahna iska reeba,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale.






Jamhuuriya Online
Printable version Email this to a friend



--------------------------------------------------------------------------------

Tuesday, 2 March 2010

ma dhabaa cawil cali ducaale waa la eryayaa

Sooyaal News

WAR DEG DEG AH KHILAAF SOO KALA DHEX GALAY WASIIRKA MAALIYADA IYO MADAXWEYNE RIYAALE .

Qilaafkaan ayaa la sheegaya in ay ka dan baysay ka dib markii uu madaxwene Riyaaleuu lunsaday lacagtii maxjarka berbera. wasiirka ayaa eedeyn kulul Dusha ugu tuuray madaxwene Riyaale kadib markii uu lunsaday madaxwene Riyaale miisaaniyadii Lacageed ee maxjarka ber bera taas oo uu sheegay wasiirka in uu jeebkiisa ku shubtay madaxwene RIyaale uusana ku soo darin miisaaniyada . Wasiirka ayaa sidoo kale ku eydeeyay madaxwenaha in ay tahay mid sharci daro ah oo aan la aqbali karin . wasiirka ayaa laga yaabaa eydeentaani in ay u keeni doonto in uu xilkiisii ku waayi doono waxaana ilo lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in wasiirka uu wayi doono xilkiisa goor dhow. balse su'aasha meesha taalo ayaa ah hadii wasiirka xilka laga qaado meesha miyay ku dhamaandoontaa arintaani. madaxwene Riyaale ayaa wali ka hadlin eedyntaani iyadoona la ogsoonyahay in hadii uu madaxwenaha arintaani ka hadlo ay shicibka somaliland ay ku mudaahardi doonaan . lama oga talada uu ka qaadan doono madaxwene Riyaale arintaan iyadoo ay arintaanin ay cirka usii shareerayso. yuusufcumar115@hotmail.
Date: 2010-03-01
Readed 75 Times

Monday, 1 March 2010

Nadaafad daro soo wajahday hargeysa

Badhtamaha Hargeysa ma dhexmartay labadii casho ee u dambeeyey? Dabadeedna ma yaabtay!

Hargeysa (Jam)- Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay la ciirciiraysay culays xad-dhaaf ah oo ka dhashay qashin iyo biyo isbiirsaday oo buux-dhaafiyey badi jidadka waaweyn ee magaalada oo halis weyn ugu jirta inay ka dillaacaan cudurrada faafa.

Roobabkii ka da’ayey caasimadda, ayaa daaha ka fayday fadeexado nadaafad-darro culus iyo qashin tiro badan oo buux-dhaafiyey xaafadaha iyo hareeraha jidadka waaweyn ee magaalada, arrimahaas oo qarka u saaran inay sababaan cudurro halis ah oo si fudud u dillaaca.

Qashinka iyo xashiiska tuulan inta badan magaalada ka sakow, waxa labadii casho ee la soo dhaafay dadweynaha lugta ah iyo gaadiidkuba khaati ka taagnaayeen biyo iyo dhiiqo isbarkan oo dul ceegaaga badi jidadka waaweyn ee caasimadda, gaar ahaan waddooyinka muhiimka ah ee dhexmara faras-magaalaha, kuwaasoo oo marka laga yimaad khataraha caafimaad ee ka dhalan kara saamayn weyn ku yeeshay isu-socodka dadka iyo gaadiidka kala duwan.

Guud ahaan jidadka ku yaal badhtamaha caasimadda waxa saddexdii maalmood ee u dambeeyey wadhnaa biyo iyo dhiiqo isku maleelmay oo ka dhashay biyaha roobabka curtay iyo ciiddii tirada badnayd ee laamiyada wadhnaa oo ka dhigay kuwo aan dadka lugta ah mari karin, sidoo kalena dadka gaadiidka wataa dhibaato badan ku haya.

Waxa kaloo roobabka labadii maalmood ee u dambeeyey ka da’ayey magaalada uu dibadda u soo saaray qashin aad u tiro badan oo wadhan hareeraha waddooyinka waaweyn iyo xaafadaha dhexdooda, iyadoo shirkadaha waddaniga ah ee qandaraaska ku haysta nadaafadda iyo fayo-dhawrka caasimaddu ku guuldarraysteen inay Hargeysa ka badbaadiyaan halista caafimaad ee ka dhalan karta saxa-xumada xilli-roobaadyada.

Goobaha sida gaarka ah indhuhu u qabanayaan ee qashinku tuulan yahay waxa ka mid ah jidka wadnaha ee u dhow dugsiga hoose/dhexe Sh. Bashiir ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu yaal xashiish aad u tiro badan oo si fudud u horseedi kara inay ka dhashaan cudurro halis ah, sidoo kalena fool-xumo iyo fadeexad weyn ku ah bilicda caasimadda oo ay shacabka uga wakiil yihiin 25-ka xildhibaan ee golaha degaanka, kuwaasoo dad badani ku tilmaamaan kuwo ku fashilmay hawshii loo doortay.

Sidoo kale, xashiish aad u tiro badan ayaa yaal xaafadaha Hargeysa, gaar ahaan kuwa isku raranta ah ee dadka danyarta ah deggan yihiin, waxana xilligan oo roobkii gu’gu curteen laga cabsi qabaa xaaladda nadaafad-darro ee caasimaddu dhex dabbaalaysaa ay sababaan inay ka dillaacaan xannuunada faafa oo si fudud u aafeeyn kara milyanka qof ee ku nool magaalada.

Dhinaca kale, masuuliyiinta labada shirkadood ee DHIS iyo SABO-WANAAG ee qandaraaska ku haysta nadaafadda iyo hagaajinta bilicda caasimadda oo iyaga laftoodu u muuqda qaar tuurta ku qaatay masuuliyad awoodooda waxqabad ka badan, ayaa kalfadhigii ugu dambeeyey ee Golaha Degaanka Hargeysa waxay kaga dalbadeen in loo kordhiyo kharashka dawladda hoose ku siiso fayo-dhawrka oo ay ku tilmaameen mid aan daboolayn hawshooda, balse codsigaas wax jawaab ah kama bixin goluhu.

Geesta kale, Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaan ilaa hadda wax war ah ka soo saarin halista caafimaad ee Hargeysa kulaalaysa, arrintaas oo iyana ah fadeexad iyo guuldarro ay la wadaagto dawladda hoose ee caasimadda oo ku fashilantay gudashada waajibaadkii ummaddu u igmatay.





Jamhuuriya Online
Printable version Email this to a friend

salaadiin barar iyo sicir barar labaduba way jiraan

salaadiinta habaryoonis

1. Suldaan maxamad Suldaan Xirsi Qani
2. Suldaan Cusmaan Suldaan Cali madar
3. Suldaan Yusuf Muxumad Xiiray
4. Suldaan Rashiid Cali Ducaale
5. Suldaan Maxamad Xasan Iibraahim
6. Suldaan C/Raxmaan C/Lahi Good
7. Suldaan Cabdi Cawaale Hurre
8. Suldaan Xiis Iismaaciil Abiib
9. Suldaan Xasan Warsame Shire
10.Suldaan Maxamad Suldaan Xasan Bulbul
11.Suldaan Aadam Yusuf Nuur (suulcayn)
12.Suldaan Maxamuud Cabdi C/Laahi
13.Suldaan Cali Cumar Salax
14.Suldaan Mahad Maxamuud Caraj (caraj)
15.Suldaan C/Raxmaan Maxamad Cilmi
16.Boqor Axmad Cali Ducaale (a/dheere)
17.Boqor Maxamad Nuux
18.Suldaan Iid Maxamad SHire
19.Suldaan Siciid Cali Ducaale
20.Suldaan Nuur Farax Xuseen
21.suldaan Maxamad Jamac Ducaale (jikaar)
22.Suldaan Maxamuud Xaaji C/Laahi Xirsi
23.Suldaan Bulbul Cabdi Madoobe
24.Suldaan Saleebaan Cusmaan Xasan
25 Suldaan Maxamad Muxumad Ducaale (golos)

SALADIINTA IYO BOQORADA BEESHA CIDAGALE

1 . Suldaan Maxamad Suldaan Cabdi Qadir.
2. Suldaan Maxamad C/Lahi Xuseen (agalaal)
3. Suldaan Aadam Farax Cumar
4. Suldaan Cali C/KLaahi Ba,ane
5. Boqor Raabi Yusuf C/Laahi


Salaadiinta habarjeclo

1. Suldaan C/Lahi Suldaan Cali Muuse
2. Suldaan Maxamad Cali Maxamed (Maxamed Baqardhe)
3. Suldaan Maxamuud Guleed Mire
4. Suldaan C/Raxmaan Qasim Qodax
5. Suldaan Carab Cabdi Cali
6. Suldaan Siciid Yusuf Ducaale
7. Suldaan Maxamad Xaaji Xuseen
8. Boqor Maxamuud Cali Carab
9. Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Yususf (buurmadaw)
10.suldaan axamed faahiye mire
11.suldaan siciid yusuf xaaji ducaale
12.suldaan madar maxamed ducaale
14. Suldaan Ismaaciil Nuur Wacays (Qude)
15.suldaan maxamed cabdi axmed {warqabe)
16.Suldaan ibraahim cige ismaaciil
17.boqor maxamed jamaca cumar

SALADIINTA IYO BOQORADA BEESHA SACAD MUUSE

1. Suldaan Xasan Suldaan C/Lahi
2. Suldaan Iismaciil Suldaan C/Raxmaan SH Muxumad
3. Suldaan Xasan Suldaan Nuur Asakar
4. Suldaan Axmad Nuur C/Lahi Samale
5. Suldaan Sulub Nuur Warsame
6. Suldaan Iismaaciil Aadam Xirsi
7. Suldaan Xuseen Iismaciil Geele
8. Suldaan Jaamac Cusmaan Aadam
9. Suldaan Xiis Barre Yusuf
10.Suldaan Xasan Maxamad Geele
11.Boqor Muxumad Geele Seed

SALADIINTA IYO BOQORADA BEESHA CIISA MUUSE

1. Suldaan Maxamuud Axmad SHire
2. Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Koshin
3. Suldaan Maxamad Maxamuud Xandulle (indhacase)
4. Suldaan SHariif Batuun


SALADIINTA IYO BOQORADA BEESHA ARAB
1.suldaan maxamed farax(alyar xamu)
hada ama iminka
1. Suldaan Cumar Suldaan Maxamad Suldaan Farax
2. Suldaan Barre Xaaji Xasan Cabdille
3. Suldaan Iibrahim SHire
4. Suldaan Xuseen Xaji Cabdi C/laahi (mataan)
5. Suldaan C/Laahi SHeekh Axmad
6. Suldaan C/Raxmaan Suldaan cali SHagax
7. Boqor Ciise Haybe KHayre

SULDAANKA AYUUB IYO TOLJECLE

1. Suldaan Cali Xuseen Kaahin


SULDAANKA TOLJECLE


2 Suldaan Ahmed Dahir muuse

Soomaali waa Soomaali, mid ayuun baanay ahaan jirtay, Somaliland-tu waxa Alle dhaafiyay Dabkii Koonfur lagu tuuray ''guddoomiyaha xeerbeegtida Ciise''

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo Weji-gabax kala kulmay Caleemo-saarka Ugaaska Ciise


Hargeysa (Somaliland.Org)- Munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo lagu caleemo-saaray Ugaaska 19aad ee Beesha Ciise, ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Saylac ee gobolka Salel ee Somaliland.

Munaasibaddan oo ahayd mid si ballaadhan loo soo agaasimay, kana qayb galeen dad tiradoodu kor u dhaafayso 1,000 qof oo ay ka mid ahaayeen Madax ka kala socota dalalka Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya, ayaa lagu caleemo saaray Ugaaska 19aad ee Beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim Ugaas Wacays oo da’diisu 18-jir tahay.

Ugaaskan maanta la caleemo-saaray ayaa soo xuliddiisa lagu hawlanaa muddo shan bilood ah, ka dib markii Beesha Ciise ee uu ka soo jeedo aanay wax Ugaas ah lahayn muddo 13 sanno ah.

Munaasibadda Caleemo-saarka Ugaaskan oo bilaabmatay saaka abbaaro 10:00 saacadda Afrikada bari, ayaa waxa ka qayb galay Wefti ka socda Somaliland oo uu horkacayay Wasiirka Daakhiliga Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil (Cirro), Wefi ka socday Jabuuti oo uu hoggaaminayay Ra’iisal-Wasaaraha dalkaas Dilleyte Maxamed Dilleyte iyo Wefti ka socday Itoobiya oo uu horsocday Wasiirka Dhaqanka dalkaas Maxamuud Dirir Guuleed. Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim, ayaa la caleemo-saaray oo la cumaamaday abbaaro 10:15 daqiiqo ee saaka.

Dhinaca kale, Weftiga ka socday Dawladda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada, Arrimaha gudaha Cabdilaahi-Cirro iyo Dhaqanka Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa weji-gabax kala kulmay Munaasibaddaas, ka dib markii Xeer-beegti ka tirsan kuwii waday Munaasibaddaasi ay sheegeen in ay Soomaaliya mid tahay, isla markaana aanay Somaliland waxba kaga duwanayn. “Soomaali waa Soomaali, mid ayuun baanay ahaan jirtay, Somaliland-tu waxa Alle dhaafiyay Dabkii Koonfur lagu tuuray, laakiin Soomaali waa mid uun.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Gendaha ama Xeer-beegtida soo xushay Guddidan oo tiradoodu ahayd 44 Nin. Hase yeeshee, Wasiirada iyo Masuuliyiinta Xukuumaddu kamay hadal arrintan.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

Sunday, 28 February 2010

Nin Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Ee Gegida Diyaaradaha Boorama Oo Rasaas Huwiyey Gaadhi Ay Saarnaayeen Shaqaale Ka Tirsan Urur Maxalli Ah




Boorama, February 28, 2010 (Haatuf) - Nin ka tirsan Ciidanka qaranka ee ka hawlgala gegida diyaaradaha Boorama ayaa Shalay abaarro 10.30 Barqanimo Rasaas ku furay gaadhi ay saarnaayeen shaqaale iyo masuuliyiin ka tirsan urur Samafal oo maxali ah, taas oo ay tacshiiradaasi uu ku dhaawacmay hal qof oo ka mid ah shaqaalihii saarraa gaadhigaasi.

Sida uu u sheegay weriyaha Haatuf ee Boorama masuul ka tirsan ururka maxalliga ah ee Ayoda oo iska lahaa gaadhiga rasaasta lagu furay, waxa rasaastan dhaawac fududi kasoo gaadhay mid ka mid ah shaqaalaha Ururka oo saarraa gaadhiga la rasaaseeyey, isagoo ninkaasi loola cararay isbitaalka guud ee Boorama.

Sida laga soo xigtay dad goobjoog ahaa oo ku dhawaa garoonka dayuuradaha Boorama ayaa la sheegay in gaadhigaasi marayey meel u dhaw gegidaasi isagoo wakhtigaa ku sii socday meesha la yidhaa Shabeeley si ay u gaadhsiiyaan buugaag iyo Agab kale oo ururkaasi deeq ahaan ugu geynayey deegaankaasi, balse askari ka tirsan ciidankaasi kusoo cararay gaadhigaasi kuna horjoogsaday qori caaradii kadib markii uu gaadhigaasi joosadayna uu rasaasta ku furay, iyadoo rasaastaasi midi kaga dhacday mishiinka baabuurka, halka xabbad kalena dhaawac fuud soo gaadhsiisay mid ka mid ah shaqaalaha.

Ilaa imika ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay dhimnaca ciidamada amniga, balse sida lasheegayo askarigaasi ayaa haatan loo xidhay falkaasi, iyadoo ciidamada amniga iyo maamulka gobolkuna baadhayaan waxa keenay toogashadan.

sida ay sheegeen mid ka mid ah ciidamada oo ka cudurdaartay in la magacaabo in toogashadani ka dambaysay amar uu askarigaasi siiyey sarkaalka ciidamada aaggaasi garoonka, taas oo sababa looga dhigay in gaadhigaasi marayey garoonka dayuuradaha badhtamihiisa, kaas oo mamnuuc ka ah in gaadiidku maro, balse sidda la sheegeyo gaadhiga ayaa ugu yaraan 300 tallaabo u jiray garoonka dayuuradaha marka falka toogashado lala beegsaday.