Friday, 26 March 2010

gabadh yar oo garoowe laga soo dhacay oo burco lagu qabtay

Booliska Togdheer oo Gacanta ku Dhigay Gabadh Yar oo Laga soo Xaday Garoowe
Tuesday, 23 March 2010
Gabadh 13 jir ah oo kooxdii xaday kaga badbaaday xannuun dhinaca beerka ah oo laga helay









Burco (Togdhnews)- Ciidanka booliska magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa shalay gacanta ku dhigay gabadh yar oo la sheegtay in muddo laba bilood ka hor laga soo xaday magaaladda Garoowe ee maamul-goboleedka Puntland, taasi oo laga soo celiyey dhinaca dalka Itoobiya, kadib markii kooxdii loo geeyey oo baadhitaan caafimaad mariyey ay ka heleen xanuun dhinaca beerka ah.

Sida uu galinkii dambe ee shalay Jamhuuriya u xaqiijiyey madaxa baadhista saldhiga dhexe ee magaaladda Burco Cismaan Warsame Diiriye, waxa boolisku guri ku yaal magaalada Burco ku qabteen inanta yar ee la soo xaday oo la yidhaahdo Nimco Maxamed Xuseen, da’deeduna tahay 13 jir iyo gabadhii haysatay, kuwaasi oo hadda lagu hayo saldhiga dhexe ee Burco.

Madaxa baadhista saldhiga dhexe ee magaalada Burco oo sharaxaad ka bixiyey qaabka boolisku u qabteen inanta la soo xaday iyo haweenayda haysatay, ayaa tilmaamay in dadka xaafadda lagu hayay u soo gudbiyeen booliska, sidaana ay ku qabteen inantan yar iyo gabadhii haysayba.

Sarkaalkan booliska ahi waxa uu intaas ku daray in gaadha yari sheegtay in laga soo xaday Garoowe, isla markaana muddo bil ah ah lagu hayey dhinaca dalka Itoobiya, isaga oo xusay in gabadha yar ay shaybaadh caafimaad mariyeen kooxdii haysatay, kadibna ay ka heleen beer xannuun, sidaana ay isaga soo celiyeen, lana keenay dhinaca magaalada Hargeysa oo looga soo gudbiyey Burco.

Waxa kale oo Sarkaalkani, tilmaamay in gabadhii haysay inantan yar ee boolisku soo qabtay ay sheegtay in saddex dumar ah oo niqaam xidhani ay uga soo dhiibeen magaalada Hargaysa , kuna yidhaaheen Burco gee, isaga oo hadalkiisa ku soo koobay in laanta baadhista dambiya ee booliska Burco kiiskan gacanta ku hayaan, isla markaana baadhitaankiisu socdo.

Haweenayda haysatay inanta yar ee boolisku qabtay, ayaa iyaduna Jamhuuriya u sheegtay in Nimco yar ay Hargaysa uga soo dhiibeen saddex dumar oo niqaaman oo aanay wax aqoon ah u lahayn, balse ay ka codsadeen inay ilaa Burco sii kaxeeyo, kadibna ay gayso biriishka weyn ee Burco agtiisa, sidaana gabadha yari ku garana doonto gurigooda.

Balse, markii ay halkii loo tilmaamay gaysay ay inanta ayri u sheegtay in aanay magaalada kala garanayn, sidaana ay ku haysay.

Sidoo kale Nimco Maxamed Xuseen ayaa Jamhuuriya u xaqiijisay in magaalada Garoowe oo ay walaasheed kula noolayd laga soo ka xaystay muddo hada laga joogo laba bilood, kadib markii gabadh niqaam xidhan oo wejiga xidhatay inta ay sanka wax u saartay soo kaxaysatay.

“Walaashay ayaan kula noolaa magaalada Garoowe, kadibna maalin ayaa waxa ii timi gabadh niqaam xidhan oo aanan garanayn oo inta ay sanka wax ii saartay ayay I kaxaysatay, waxayna I gaysay dalka Itoobiya oo aan ilaa hadda garanayn meesha aan ka joogay, waxaana la iigeeyey carruur badan oo koox dumar ahi hayeen.

Carruurtii meeshay joogtay ayaa maalin shaybaadh caafimaad la wada mariyey, aniga markii la I baadhayna waxa la iga helay beer xannuun, waxayna kooxdii na baadhaysay yidhaahdeen tani way xannuun sanaysaaye inaga celiya, sidaa ayaana la iigu soo celiyey Hargeysa oo markii dambena Burco la ii keenay, aniga aabay waxa uu joogi jiray Xamar, hooyaydayna way dhimatay, waxaanan la joogay walaashay oo aan hadda xaafadeedii karanayo, hadii Garoowe la I geeyo,” ayey tidhi; Nimco Maxamed Xuseen oo ah inanta yar ee laga soo xaday magaalada Garoowe.

Geesta kale waxa Maxkamadda Degmadda Burco hadda ka socdda kiis u dhexeeyalaba qoys oo kasoo kale jeeda Maamul-goboleedkka Punthland iyo Itoobiya, kuwaasoo isku haysta Ilmo Shan jir oo qoyska reer Boosaaso ku doodeen in laga soo xaday Ilamaha balse qoyska Reer Itboobiya oo Oromo ahina ku doodeeninay iyagu dhaleen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Degmadda Burco, ayaa isaguna hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ka dalbaday inay gacan ka gaystaan sidii Ilmaha looga qaadi lahaa hidasidaha loo yaqaan DNA, si loogu kala saaro labadan qoys.

Tallaabadan lagu xadayo carruurta yaryar amma ay laba qoys isku qabsanayaan ayaa u muuqata kuwo haantan ku soo badanayaa Gobolka Togdheer, mana aha markii koowaad ee kiiskani oo kale ayuu boolisku qabtaan oo ay gacanta ku hayaan.

TogdheerNews..Burco

ucid oo taageero badan ka kasbatay burco

Maxaa ka soo if-baxay Loolankii Xisbiyadu ku Muujinayeen Cududa Taageerayaashooda Gobolka Togdheer?



Warbixin..Kayse A.Digaale Burco (syl)- Todobaadyadii u dambeeyey, waxa magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheet, laga dheehanayey loolanka siyaasadeed ee saddexda xisbi qaran ka wadaan, kuwaa soo mid kasta dhiniciiga ugu muujinayo cududda taageerayaashiisa uu isku halaynayo doorashadda madaxtooyada.

Wafti ballaadhan oo uu horkacayey guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo uu weheliyo guddoomiyaha golaha wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa iyagu kala kulmay Burco soo dhaweyntii ugu balladhnayd ee lagu soo dhaweeyo, iyada oo ay u muuqatay in xisbigu taageerayaal badan oo aanu filayn uga soo xeroodeen Togdheer.

Hadaladii uu guddoomiyaha UCID u jeediyey taageerayaashiisa soodhaweeyey, ayaa si weyn dadka u soo jiidatay, kadib markii uu farta ku fiiqay sida xukuumadda Riyaale ula dagaalamayso horumarka gobolka, taasoo uu tusaale u soo qaatay ganacsadaha Carbeed ee mashruuca naaxinta ka waday Burco ee uu madaxweynuhu xabsiga dhigay,kaasoo la sheegay inuu muddo 40 maalmood gaadhaysa xidhan yahay.

Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa farxaddii uu ka qaaday cududda taageerayaashii Burco ku soo dhaweeyey, waxa uu ku dhaqaaqay inuu si dhoollo tus ah isaga iyo guddoomiyaha wakiilladu socod lug tamashlayn ah ku mareen jidadka iyo goobaha bunka laga cabbo ee magaalada Burco, kuwaasoo dadku aad u sallaamayeen.

Sidoo kale, guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan xubno sarsare oo xisbiga ka tirsani, ayaa iyagana si weyn loogu soo dhaweeyey Burco, iyaga oo taageerayaashooda oo isu soo bax ay ku soo dhawaynayaan ku qabtay barxadda xafiiska xisbiga KULMIYE ee Burco.

Xubnaha waftiga KULMIYE ayaa hadalladii ay taageerayaashooda u jeediyeen liishaanka ku saaray dhaliisha xukuumadda iyo siday uga gaabisay wax u qabashada bulshada, isla markaana ku guuldaraysatay beddelaadda lacagta giimbaarta ah ee aafaysay dhaqaalaha gobolka.

Hadalladdii dareenka dadka soo jiitay ee ka mid ahaa khudbaddii Muse Biixi Cabdi, ayaa ahayd mid uu ku sheegay in xisbiyada tartamayaa ay yihiin labada xisbi mucaarad, balse xisbiga UDUB aanay haysan waji uu bulshada cod ku weydiisto.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga tallada haya ee UDUB, ayaa iyaguna Gobolka Togdheer soo gaadhay, kadib markii soo dhaweynta ballaadhan loo soo sameeyey weftiga UCID, masuuliyiintaasi oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha Ololaha doorashooyinka UDUB Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-hindi) oo uu wehelinayo Kayse Cali Geedi oo isagu dhawaan ku biiray xisbigaasi UDUB, kadib markii uu ka baxay xisbiga UCID.

Xubnahan ayaa socdaalkooda habeenimada ah lagu tilmaamay mid ka dhashay hinaasaha iyo saska ay ka qaadeen cududda taageerayaasha xisbiga UCID ee ka muuqday magaalada Burco, waxayna culays weyn saareen sidii ay xubno muhiim ah oo ka tirsan xisbiga UCID u hanan lahaayeen, balse ay ku guuldarraysteen.

Inkastoo masuuliyiinta UDUB goob fagaare ah aanay kala hadlin taageerayaashooda, hase yeeshee waxay guul ka dhigteen kooxo dhalinyaro iyo odayaal ah oo ay xafladd soo dhaweyn ah u sameeyeen, kuwaasoo ay ku tilmaameen inay ka soo diga rogteen xisbiyada UCID iyo KULMIYE, Mauuliyiinta UDUB ayaa hadalada ka soo yeedhayay ay ku tilmaamayeen cadhada xoogan ee ay u qabaan UCID, kuna ballanqaadayay sidii ay u dhulka u dhigi lahaayeen Xisbigaasi

Loolankan ismuujineed ee saddexda xisbi qaran mid kastaaba si dadban dhoolatuska u samaynayey, isla markaana miisaanka saarayey inta ay le’eg tahay baaxadda taageerayaashiisu, ayaa soo ifbixiyey cuddudda taageerayaasha xisbiyada mucaaridka ahi ku leeyihiin Gobolka Togdheer, gaar ahaan xisbiga UCID oo dadku aad ula yaabeen taageeradda ballaadan ee uu ka kasbaday reer Togdheer, taasina ay noqotay hadal haynta ugu badan ee todobaadyadii u dambeeyey ka jiray Burco.

Tallabadan sii kordhisay taageerayaasha mucaaridka ee gobolka ayaa la sheegay inay sabab u tahay, arrimo ay ka mid yihiin ganacsatadii xoolaha Burco oo shaqadoodii xukuumaddu u leexisay ganacsade Al-jaaburi, beddelaad la’aanta lacagta giimbaarta ah iyo xadhigga loo gaystay ganacsadihii maalgelinayey mashruuca naaxinta xoolaha ee Burco.

Arrimahaas iyo kuwo kale oo badan ayaa sababay inay sii yaraato taageeradii xukuumadda iyo xisbiga UDUB ku lahaayeen magaalada Burco.





Jamhuuriya Online

Thursday, 25 March 2010

Axmed siilaanyo oo khudbad dhinacya badan u soo jeediyay taageerayaal kulmiye ku soo biiray

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku dhaliilay wax-qabad-la’aan iyo tacaddiyo ay kula kacdo shacabka qaarkood. Isla markaana wuxuu ka hadlay kala-dirista Guddida Cusbatalka guud ee Hargeysa.

Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu ka waramay xaaladda dalka, isla markaana wuxuu dhaliil u jeediyay Xukuumadda. “Maanta dalkeenu marxaladda uu marayo ee uu taagan yahay waynu garanaynaa iyo waqtiga aynu joogno ee aynu u adkaysanay ee dadkii xilku ka saarnaa ee waajibku ahaa inay dalka Doorasho u qabtaan ee ay ahayd inay Dimuqraadiyadda hirgeliyaan ee ay ahayd inay horumarka dalka wax ka qabtaan oo ay caddaaladda sugaan, isla markaana Dhalinyarta Badda isku guraysa ee mustaqbalkoodii lumay ay ahayd inay mustaqbal u samayso oo ay niyadda u dhisto iyo maamulkii iyo dawladdii aynu uga baahnayn inay dadka qanciso oo ay rejo u abuurto oo ay dunida ina dhaadhiciso, waa ta aynu maanta arkayno maalin walba dhalinyaro Xisbiga KULMIYE ah ayay xaafad eryanaysaa oo ay Xabsiga u taxaabaysaa. Waa ta maalin walba xabbadda la dhacaysa, waa ta ay Saxaafaddii ka baxsan wayday, waa ta ay Hagbaddii (Lacagtii) yarayd eeay Haweenku halkaa dhiganayeen ka baxsan wayday.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo oo maanta ka hadlay Munaasibad loo qabtay taageerayaal cusub oo ku biiray KULMIYE.

Axmed-Siilaanyo waxa Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa ku dhaliilay tallaabo uu Madaxweynuhu ku kala diray Guddida Cusbatalka guud ee Hargeysa. “Waa ta maanta Cusbatalkii Hargeysa ee aynu ogayn waqtigii Dhalinyarta Hargeysa u gurman jireen ee dadku ay dhisi jireen ee halgankii SNM uu ka bilaabmay, waynu ognahay oo waa taa oo markii Madaxtooyadii ka soo horjeedday Cusbatalku ay wax u qaban wayday, guddidii, shacabkii iyo dadkii is-xil qaamay ee dibedda wax uga doontay ee dhaqaalaha dibedda uga soo ururisay ee maamulka wanaagsan u samaysay, waa ta Dawladdii maanta ka takhalustay ee Dhaqaatiirtii caanka ahaa ee dalka iyo umadda wax u qabanayay, waa kuwaa yidhi Shaqadii waanu idinka fadhiisinay, waxna laydiinkama baahna. Kuwa aynu isku hallaynaynaa ee umaddu wax ka sugaysaa (Xukuumadda) waa kuwaa.” Ayuu yidhi Axmed.

Waxa kale oo uu Guddoomiyaha KULMIYE ka hadlay arrimo la xidhiidha Nabadgelyada iyo xasilloonida dalka. Waxaanu yidhi, “In badan waxa nala waydiiyaa oo ay Xukuumaddu isku daydaa had iyo jeer in ay ka dhaadhiciso Umadda in xasilloonida iyo degannaanshaha dalku uu ku xidhan yahay maamulka maanta talada haya. Waa ogtihiin in ay maalin walba dad badan oo Xisbiga KULMIYE ah oo gobollo badan ka tirsan ay xidheen oo ay yidhaahdeen halkan ayay wax ku qarxinayeen oo dhibaato ayay wadeen. Nabadgelyada dadka iyo ilaalintiisa Xisbiga KULMIYE iyo shacabka ayaa cid walba uga lexe-jeclo badan oo ilaalinaya. Waxaanu in badan caddaynay in xasilloonida dalka, dimuqraadiyaddiisa iyo midnimadiisa aanu u ilaalinayno sidii aanu xornimadiisa u ilaalinaynay. Waxaanu ku kalsoonahay in aanu cod iyo ikhtiyaar shacabku leeyahay aanu ku qaadayno.” Ayuu yidhi, waxaanu sheegay in Weftiga ka socda Somaliland ee ku kala sugan Jabuuti iyo Maraykanku ay kala hadlayaan masuuliyiinta ay la kulmaan arrimaha Doorashada Somaliland.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ka hadlay su’aasha ugu badan ee ay dadku waydiiyaan. “Haddii Daahir Rayaale Kaahin iyo maamulkiisu ku kalsoon yihiin inay cod wax ku helayaan oo dadku taageero u hayaan, waxay maraysaa 7 sanno iyo badh inta Doorashadii la qaban waayay, waynu ognahay oo Dunida oo dhan baa isugu keen timi. Maanta Telefoonada ugu badan ee dibedda ka yimaadda waxaanu ka haynaa dadka Doorashadii ma dhacaysaa, goorma ayayse dhacaysaa? Waa qodobka kaliya ee lays waydiinayo. Anagu inta kaliya ee aanu dadka u sheegno iyo kalsoonida aanu ku abuurnaa waxa weeye, Doorashadii way dhacaysaa oo waqtigeedii ayay dhacaysaa, Dawladdana gacanta uguma jirto. Waxaanu leenahay oo aanu uga digaynaa Dawladda in aanay wax dambe oo musuq-maasuq ah oo dhibaato ah oo luggooyo ah ula iman geeddi-socodkaa Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka. Waxaynu maanta ku talo-galaynaa oo aynu sugaynaa oo dhegteenu u taagan tahay waa Guddida Doorashada oo inoo sheegta oo ku dhawaaqda maalinta ay Doorashadu dhici lahayd.” Ayuu hadalkiisa ku soo gebogebeeyay Axmed-Siilaanyo.

Somaliland.Org

Friday, 19 March 2010

Monday, 15 March 2010

Xaaladda Lammaanaha Ingiriiska ah ee ku af-duuban Soomaaliya ka dib dagaal dhex maray Budhcaddii haysatay

Xaaladda Lammaanaha Ingiriiska ah ee ku af-duuban Soomaaliya ka dib dagaal dhex maray Budhcaddii haysatay
March 14th, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in lammaane dhalashadoodu tahay Ingiriis oo Afduub loogu haystay dalka Soomaaliya gabadh la joogtay la la toogtay.

Xildhibaan Nacnac oo maanta u waramay qaar ka mid ah Warbaahinta, waxa uu sheegay in Lammaanahan Ingiriiska ah gabadh la joogtay la toogtay, ka dib markii uu dagaal dhex maray Malleeshiyadii Afduubka u haystay. Waxaanu intaa ku daray in xogtan uu ka helay nin lagu magacaabo Cali Geedow oo ku hadlay Afka Budhcad-Badeedda haysata lammaanahan.

Mudanuhu waxa kale oo uu sheegay in Afhayeenkani aanu wax faahfaahin ah oo intaa dheer ka bixinin xaaladda lammaanahan, hase ahaatee ay ugu war dambaysay markii ay Rasaastu ku dhacday Gabadha. Isla markaana mar uu la xidhiidhay oo isku dayay in uu Khadka Telefoonka ku helo aanay u suurtogalin, ka dib markii uu Afhayeenka Budhcad-Badeeddu ka qaban waayay Telefoonka.

Lammaanahan u dhashay Ingiriiska ayaa shantii bilood ee laga soo gudbay Afduub loogu haystay Koonfurta Soomaaliya, ka dib markii Koox Budhcad Soomaali ahi ay ka afduubeen Xeebaha Jasiiradda Seychelles. Iyaga oo dalbaday Lacag Madax-furasho ah oo ay ka diidday Dawladda Ingiriisku inay bixiso.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail..com







Somaliland.Org HomeArchives Somaliland About us Contact us Calendar ^^© 2008 Somaliland.Org

Wednesday, 3 March 2010

Jamhuuriya iyo EDC oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey 65 Suxufiyiin ah

Jamhuuriya iyo EDC oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey 65 Suxufiyiin ah


Hargeysa (Jam)- Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa shalay shahaadooyin guddoonsiiyey 65 suxufi oo dhammaystay waxabarasho toddoba bilood socotay oo ay ku baranayeen qaybaha kala duwan ee culuumta saxaafadda, kaasi oo qayb ka ahaa barnaamijka SHAQADOON oo ay hirgelintiisa iska kaashadeen Jamhuuriya Media Group iyo hay’adda Maraykanka ah ee EDC.


Xaflad ballaadhan oo loo qabtay dhallinyaradii barnaamijkaa wax kabaray ayaa la gudoonsiiyey shahaadooyin ay ku mutaysteen muddadadii ay wax baranayeen oo lagu sheegay lix bilood, waxaanna ka ka qaybgalay masuuliyiinta matalayey labada dhinac ee Jamhuuriya iyo Hay’adda EDC.


Dhanka kale waxa munaasibadda xafladdaasi lagu marti qaaday madaxda xisbiyada mucaaradka ah iyo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac [Gaariye] Guddoomiyaha garabka siyaasadda ee xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax, ururka WIJA, masuul sare oo ka socday Wasaaradda Waxbarashada qaybta imtixaanaadka iyo marti sharaf kale oo farabadan.


Haddaba furitaankii shirkaa waxa ka hadlay Guddoomiyaha Wargayska Jamhuuriya Mr. Faysal Cali Sheekh Maxamed, waxaanu sheegay inkastoo ay duruufo dhaqaale dalka ka jiraan, haddana inuu wargeyska Jamhuuriya ku dedaalayo ilaa iyo markii saxaafadda madaxabanaan la aasaasay sannadkii 1991 inay soo baxaan suxufiyiin tayo fiican leh.


“Maanta waxa dalka ka jiraan jariiraradood tiro badan iyo TV wada madaxbannaan,” ayuu yidhi Faysal Cali Sheikh, isaga oo ka warramaya horumarka Somaliland ka gaadhay dhanka saxaafadda, waxa uu sheegay inay Somaliland kaga horumarsan tahay xagga nabadgaliyada, marka laga reebo xorriyadda saxaafadda.


Faysal waxa uu sheegay markii ay samaynayeen barnaamijkani inay eegeen baahiyaha saxaafadda horyaalla kuwa ugu daran, isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Runtii markii aanu bilaabaynay barnaamijkan waxaanu u eegnay meelaha ugu dal daloolada badan ee ay ka liitaan Suxufiyiinta Somaliland.”


Dhanka kale waxa uu ka warramay waxyaabihii kala duwanaa ee ay suxufiyiintaasi soo barteen, waxaannu yidhi; “Afar qaybood oo kala duwan bay soo barteen, waxaanay kala ahaayeen, Basic Jaournalism, Photo Journalism, Layout and Design iyo Marketing and Management.”


Guddoomiyaha Wargayeska Jamhuuriya Faysal Cali Sheekh waxa uu kula dardaamay dhallinyaradaasi la gudoonsiiyey shahaadadaasi inay ilaaliyaan, isla markaana ku camal falaan wixii ay soo barteen iyo inaanay noqon sida kuwo ka mida saxaafaddii hore oo wax ka badan 19 ilaa 20 sannadood ku soo jiray ee haddana aan maanta haddii la yidhaa wax qora aan waxba qori karayn.


Intaa dabadeed waxa halkaa ka hadlay madaxa mashruucaasi SHAQODOON Md. Cabdi Xaashi oo sheegay in hay’adda EDC tahay hay’ad Maraykan ah oo ka shaqaysa in ka badan 35 dal oo ku kala filiqsan adduunyada, waxaannu xusay in mashruucani yahay kii ugu horreeyey ee laga hirgeliyo Somaliland, ujeeddadiisuna tahay sidii tababaro iyo shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada.


Mr. Cabdi Xaashi waxa uu sheegay in dhallinyaro ay tababar siiyeen ee magaalada Hargeysa ka badan yihiin 1600 oo dhallinyaro ah, halka uu Burcana xusay inay ka tababareen in ka badan 420 dhallinyaro ah, isaga oo tilmaamay inay mashruucan sii wadi doonaan, isla markaana qorshaynayaan sidii ay xirfado ay ku shaqaystaan ugu abuuri lahaayeen saddex kun oo dhallinyaro ah.


Guddoomiyaha KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo munaasibadda 65-ka arday ee ka qallin-jabiyey barnaamijka SHAQODOON ka hadlay, ayaa u mahadnaqayaa cidkastoo mashruucan ka qaybqaadatay.


“Intaanan hadalkayga kale u gelin, waxaan halkan ka maqlaayey walaalkay Cumar Jaamac oo ka tirsan xisbiga UDUB oo si xammaasad leh uga hadlayey madaxbannaanida saxaafadda iyo caddaaladda, markaa ku darayey Tv Qaranka iyo Radio Hargeysa, weliba taynu ka hadlaynaa maaha tay UDUB toos u leedahay, waxaynu ka hadlaynaa waa waxay ku magacaabaan qaranka Somaliland ee lagu maalgeliyo cashuurta laga qaado shacabka, waanad wada aragtaan, oo aad wada dhegaysataan iyo oo aad wada maqashaan.


Cumar Jaamac ma waxa uu innaga dhaadhicinayaa in hay’adahaasi [TV Qaranka iyo Radio Hargeysa] u madaxbannaan yihiin saddexda xisbi qaran, waxay ila tahay waa laga wada warqabaa.” Sidaa waxa yidhi Axmed-Siilaanyo oo ka jawaabay hadal uu Cumar Jaamac ku lahaa saxaafaddu inay yidhi, kaas oo ahaa in ay warbaahinta madaxbannaani noqoto dhexdhexaad.


Guddoomiyaha KULMIYE ayaa sheegay inay saxaafaddu tahay sawirka keliya ee wixii dhaliil ah ee jira u soo gudbisa bulshada, isla markaana tahay horumarka dalka, waxa uu ku guubaabiyey dhallinyartada in aanay mihnadooda loo adeegsan.


“Waxaannu leenahay saxaafaddu meelkasta oo ay joogto waa meesha keliya ee sawirta wixii dhaliil ah iyo ciddii uu dhinac waxtarkeedu jiro, waanna waxyaabaha ugu waaweyn ee ummadda dal weliba ku faanno, waa meesha looga baahiyo horumarka uu dalku u baahan yahay, hadday tahay shaqo-sameynta, la dagaalkana aragagixisada iyo la dagaalka tahriibta, meesha laga hagi karaa waa saxaafadda, waanna meeshay ku soo ururto aaraahdaha culimada, siyaasiyiinta iyo bulshada inteeda kaleba.


Sidaa daraadeed, madaxbannaanidu aad iyo aad bay innoola weyn tahay caam ahaan, marka labaad tababarka iyo dadka dhallinyarada ah ee saxaafadda ka shaqeeyaa ee mihnad ahaanta u qaataa in yihiin dad mabaa’id, dareen iyo xasaasiyad leh.


Waxa ayaan-darro ah laba daahiradoodba waynu aragnaa oo way soo baxaan maalin walba, dad badan oo saxaafadda u shaqeeya oo magac iyo maamuus ku lahaa oo maalin walba xabsiga loo taxaabayo oo la xidho oo la caddaadiyo waynu aragnaa. Waxa kale oo aynu aragnaa dad saxaafadda ku magac-dheer oo wuxuu shalay qori jiray la ogaa, maanta waxa uu qorayana la og yahay, waayo waad ogtahay in xaaladiisii isbeddeshay oo uu mabaa’didii ka baxay,” ayuu yidhi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)


Ugu dambeyn, waxa uu kula dardaarmay Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in aanay dhallinyaradan cusub ee saxaafaddu ku sifoobin tilmaamaha uu sheegay, isla markaana noqdaan qaar ka shaqeeya dhexdhexaadnimada iyo horumarunta bulshada.


Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna u mahadnaqay wargeyska Jamhuuirya iyo cidkasta oo ka qaybqaadatay barnaamijka SHAQODOON, waxaannu sheegay inay saxaafaddu u kala qaybsantay laba qaybood.


“Barnaamijkani waxa uu muujinayaa inay Somaliland kortay, Jamhuuriya-na waxay taariikhda ku gelaysaa innaga oo burbur iyo dagaal ka soo noqonay waxay ahayd jariiradii ugu horreysay ee dalkeena ka soo baxda, maanta ay marayso ilaa heerkaa ay ardayda soo saarayso,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe, waxaannu intaa ku daray inay saxaafaddu xorriyad haysato, “Innaga saxaafadeena madaxabannaan xorriyad baynu haysanaa, waanna mid ku timi xorriyadda uu shacabku haysto, sidii Xasan Xiis u sheegay waa inaad ilaalisaan anshaxa warbaahinta, waad kala baxdeen oo waxa jira laba saxaafadood, ta dawladdu gacanta ku hayso oo lagu hawlgaliyo cashuurta ka soo baxa shacabka waa Tv-ga Qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa, waxaad moodaa iska daa xeerka caalamku ku shaqeeyee in aannu sharciga Somaliland-ba ku shaqayn, sidii loo abuuray sharci ma leh, maareeyaa loo dhiibay, haddaad daawatid marnaba is odhan maysid dad bani’aadam ah oo anshaxii saxaafadeed leh ayaa maamula, waxaannu ka kooban yahay cayda shacabka, isku dirka qabaa’ilka, aflagaadada reeraha wax uu ka xishoodaa ma jiro, waxaananu jecel nahay in aannu arrinkaa ka hawlgalno oo uu kala noqdo Tv-gaasi mid uu qaranku leeyahay amma mid ciddi gaar ahi leedahay, waayo heerkii loo dulqaadanayey wuu dhaafay, UCID ahaan waannu fasixi doonaa idaacadaha dalka.”


Xoghayaha Siyaasadda xisbiga UDUB Mr. Cumar Jaamac oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa ugu horreyn si weyn u hambalyeeyey 65-ka arday ee ka qallin-jabiyey qaybaha kala duwan ee warbaahinta, isla markaana tilmaamay inay Somaliland waqtigan ay kaga horreyso waddamo badan oo adduunka dimoqraadiyadda saxaafadda, kuwaas oo uu sheegay in aan la cabudhin, wax hadidaad ahna loo geysan.


“Shacabka reer Somaliland waxa uu u baahan yahay war sugan oo xaqiiqo ah, waxaanna loo baahan yahay inaad yeelataan dareen masuuliyadeed iyo saxaafinimo, waayo waxaynu joognaa waddan curdin, haddaynu nidhaa ka hadla saxaafadda manta, waxaynu ka mid nahay waddamada ugu horumarsan dunida, lama weydiiyo waxay qoraan kuwa madaxabannaan iyo kuwa kaleba,” ayuu yidhi Mr. Cumar Jaamac.


Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo ka mid ah hal-abuurada waa weyn ee Somaliland oo xafladda loo sameeyey ardayda ka qallin-jabiyey mashruuca SHAQODOON, ayaa hambalyeeyey dhallinyarada ka qallin-jabisay qaybaha kala duwan ee warbaahinta, isla markaana ku guubaabiyey inay ku dedaalaan wax qorista iyo akhrisbka afsoomaaliga oo uu waqtigan oo uu saluug weyn ka muujiyey qaabka iminka loo qoro.


Abwaan Gaarriye oo ka hadlayey awoodda uu ereygu leeyahay, ayaa xusay in aannu jirin wax erayga hor istaagi karaa, isla markaana awoodda uu leeyahay ku sababeeyey bani’aadamka ku ciyaara ee si jaban, waxa uu ku sheegay raqiis, isaga tixo gabay ah ku tilmaamayana waxa uu yidhi;


“Soddon laguma baayaco


Boqor laguma caabudo


Biidhiqaatenimo iyo badhax waa ka xaaraan


Biri-magaydo weeyoo


Bogdooxeedu waa sino.


Maanso kale oo aan leeyahayna waxa ku jirtay;


“Wallee been ma qaayibo


Wallee gabay qardoofa ah


Amma iga qandoodsama


Qalbigayga kuma qorin


Wallee qalabka maansada


Heesaha qumbuladda ah


Uma qubo dhugmo la’aan


Magac waa qasaanade


Wallee qado ma dhaafsado


Hadba wiilka qooqee


Maalintaasi qoodha ah


Qushuuciisa ma akhriyo


Qofna kabaha uma tiro.”


Waxa kale oo halkaa ka hadlay Xasan Xiis oo ka mid ah suxufiyiinta waaweyn ee Somaliland, isla markaana wax ka dhiga saxaafadda, kana tirsan shirkadda Dahabshiil, ayaa ku dheeraaday taariikhda kala duwan ee saxaafaddu soo martay, isaga oo Jamhuuriya ku ammaanay inay tahay hooyada warbaahinta ilaa waqtigana ku hawlahan soo saarka wariyeyaasha, waxaannu hambalyo gaar ah u diray Jamhuuriya, EDC iyo dhammaan ardaydii ka qallin-jabisay.


Ayaan Cabdirisaaq oo ka tirsan ururka haweenka ee WIJA oo xafladda qallin-jabinta ka hadashay, ayaa si weyn ugu mahadnaqday wargeyska Jamhuuriya iyo hay’adda EDC, iyada oo hay’adaha kale iyo ganacsatada Somaliland ugu baaqay sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen shaqo-abuurista loo baahan yahay in da’yarta loo sameeyo.


Sidoo kale, waxa isaguna Sakariye Jaamac Muuse oo halkaa ka hadlay mid ka mid ah ardaydii wax baratay barnaamijka SHAQODOON, kaas oo sheegay in 65-ka arday ee wax bartay ay xirfadii ay barteen ku shaqo tagayaan, isla markaana mashruucani yahay mid ka badbaadiyey tahriibta, isaga oo ku guubaabiyey in halkaa laga sii wado, balse aannu noqon kii ugu dambeeyey.


Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ardayda shahaadooyinka guddoonsiiyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay maamulka Jamhuuriya Mediya Group oo fuliyey mashruuca SHAQODOON, Hay’adda EDC iyo cidkasta oo ka qaybqaadatay, isaga ku dheeraaday qiimaha saxaafaddu u leedahay horumarinta bulshada, waxaannu ku tilmaamay muraayada bulshadu ka daawato kolba halka uu dalkoodu marayo.


“Saxaafadda waxa loo geystaa tacadiyaad, waa la xidhaa, waa dilaa ilaa taariikhdii hore iyo ta maanta, maxaa loo dilaa, maxaa loo dulmiyaa? Waayo warku waxa uu u sheegayaa ummadda wixii dhabta ahaa ee jiray. Markaa waxaynu u baahannahay in warbaahinteenu inay ummadda ku dhisto run, wanaag iyo akhlaaq wanaagsan.


Ummaddu dhinacyo badan ayey u baahan tahay inay wanaag ka hesho, hadday tahay hoggaan, siyaasiyiin, axsaab, dadweyne iyo saxaafad wanaagsan oo ku wanaagsan waxa runta ah inay isku sheegaan, waxa beenta ahna iska reeba,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale.






Jamhuuriya Online
Printable version Email this to a friend



--------------------------------------------------------------------------------

Tuesday, 2 March 2010

ma dhabaa cawil cali ducaale waa la eryayaa

Sooyaal News

WAR DEG DEG AH KHILAAF SOO KALA DHEX GALAY WASIIRKA MAALIYADA IYO MADAXWEYNE RIYAALE .

Qilaafkaan ayaa la sheegaya in ay ka dan baysay ka dib markii uu madaxwene Riyaaleuu lunsaday lacagtii maxjarka berbera. wasiirka ayaa eedeyn kulul Dusha ugu tuuray madaxwene Riyaale kadib markii uu lunsaday madaxwene Riyaale miisaaniyadii Lacageed ee maxjarka ber bera taas oo uu sheegay wasiirka in uu jeebkiisa ku shubtay madaxwene RIyaale uusana ku soo darin miisaaniyada . Wasiirka ayaa sidoo kale ku eydeeyay madaxwenaha in ay tahay mid sharci daro ah oo aan la aqbali karin . wasiirka ayaa laga yaabaa eydeentaani in ay u keeni doonto in uu xilkiisii ku waayi doono waxaana ilo lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in wasiirka uu wayi doono xilkiisa goor dhow. balse su'aasha meesha taalo ayaa ah hadii wasiirka xilka laga qaado meesha miyay ku dhamaandoontaa arintaani. madaxwene Riyaale ayaa wali ka hadlin eedyntaani iyadoona la ogsoonyahay in hadii uu madaxwenaha arintaani ka hadlo ay shicibka somaliland ay ku mudaahardi doonaan . lama oga talada uu ka qaadan doono madaxwene Riyaale arintaan iyadoo ay arintaanin ay cirka usii shareerayso. yuusufcumar115@hotmail.
Date: 2010-03-01
Readed 75 Times