Saturday, 27 February 2010

wasaarada arimaha gudaha oo amartay nin ruush ah in dalka laga mastaafuriyo


“Ninkaasi Wakiilkiisa Ayaa Lagu Amray Inuu 48 Saacadood Dalka Kaga Saaro” Md Abraar

Hargeysa, February, 26, 2010 (Haatuf) – Wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa amar ku bixisay in dalka laga mastaafuriyo ninka dhalashadiisu tahay Ruushka ee loo xidhay gabadhii yarayd ee Caasha Maxamud Xasan ee dhawaan khiyaamada lagaga soo xaday magaalada Qardho ee maamul goboladeedka Puntland in mudo 48 saacadood ah dalka lagaga mustaafuriyo.

Ninkan dhalashadiisu tahay Ruushka oo ciidamada amaanku ay xabsiga u taxaabeen horaantii bishan February, 2010-ka oo uu ku simaha taliyaha guud ee ciidamada boolisku Maxamed Shiil Dhidar uu sheegay dhawaan inuu xidhan yahay balse la sheegay inuu mudo todobaad gaadhaysa uu iska joogay magaalada gudaheeda isla markaana aanay hay’adaha baadhista danbiyada iyo taliska guud ee ciidamada boolisku toona aanay si rasmiya uga hadal sii daynta ninkaasi ayaa mar aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay ku simaha taliyaha booliska isla markaana ah taliye ku xigeenka Maxamed Shiil Dhidar oo aanu wax kaga waydiinay sii daynta ninkaasi dhalashadiisu tahay Ruushka ee uu dhawaan sheegay inuu xidhan yahay ayaa isagu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo balse iskaga riixay in taliyaha laanta baadhista danbiyada ee C.I.D-da Daahir Muuse Abraar aanu wax ka waydiino go’aanka lagu sii daayey ayaa isagoo taliyuhu arinkaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ninkaasi waxa la yidhi ha la mustaafuriyo, ninkii wakiilka u ahaa ayaana amar lagu siiyey inuu mudo 48 saacadood ah dalka kaga saaro” .

Mar aanu waydiinay taliyaha mudada amarkaasi soo mastaafurintiisa dalku ninkasi Ruushka ah ay soo baxday iyo cida amarkaasi soo saartay ayaa waxa uu yidhi “ma xasuusto wakhtigii amarkaasi soo baxay maalinta iyo taariikhda ay ahayd balse wasaarada arimaha gudaha ayaa amarkaasi soo saartay”

Mar aanu waydiinay taliyaha C.I.D-da inuu noo sheego magaca ninka wakiilka u ahaa ninkaasi dhalashadiisu tahay Ruushka ee u xidhnaa gabadha yar ee khiyaamada lagaga soo kaxeeyey Qardho inuu ka danbeeyey inuu magaca wakiilkiisa noo sheego isagoo wakiilkaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “runtii ma xasuusto ninka wakiilka u ahaa magaciisa balse waxa wakiil ka ahaa wakiilka xafiiska shirkada Air Jabuuti, waxaana marka horaba fasaxa siisay ninkaasi uu dalka ku soo galay wasaarada khaarajiga.

Friday, 26 February 2010

siilaanyo iyo rayaale kee guuleysanaaya


Marka hore ilaahaybaa og cidda guuleysaneysa doorashada soo socota ee Somaliland. Kii ilaahay u calfay ayaanu noqonayaa. Ilaahaeyna haynooga dhigo kuu kheyrku ku jiro. Walaw ay muhiim tahay Isbeddelku. Waayo ta ugu yar waxa weeye kan maanta waa la tijaabiyey. Sideed sanadood waa la asqoobey. Mid kale shan kale ha lagu tijaabiyo
Markeynu odorosnu yaa guusha helaaya oo ilaahay ogyahay. Haddana inaku waxeynu miqyaaseynaa bal beelahu sidey u kala taageersanyihiin. Waxaan qiimeynaynaa isbarbardhig doorashadii 2003 iyo ta aynu fileynu in ay dhacdo 2010. Samaroon kulmye waxbaa uga kordhaaya-dinaca maxamed casse. sacadmuuse-kulmiye waxbaa uga kodhaaya-dhinaca jibriil abokor, habaryoonis- kulmiye waxbaa uga kordhaya-gobolka togdheer. Habarjeclo- kulmiye waxbaa uga kordhaaya dhinaca solol madaw iyo muuse abokor. Inta kaleba hadaad sideeda u deysid intaas ayuu ku guuleysanayaa iyo dhallinyarada iyo hooyooyinka oo isbeddel doonaaya. Shaqo la’aaan iyo tahriih uu maamulka udub la kowsaday.

Gaadiid Puntland laga leeyahay oo burco lagu qabqabtay


Burco: Gaadiid Laga Leeyahay Maamul Goboleedka Puntland Oo Ciidamada Amaanku Shalay ka Qab-Qabteen Magaalada Burco

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun. Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa

Burco(Ramaas) Feb.26, 2010 - Ciidamada amaanka ee magaalada Burco ayaa Shalay ka qab-qabtay gaadiid laga leeyahay maamul goboleedka Puntland magaaladaa. Qab-qabashada gaadiidkaa oo dabo socday, ka dib markii ay kooxaha budhcad baddeeda ee ka jira degaanka puntland ay qafasheen Toddoba gaadhi iyo Sagaal Nin oo Somaliland ah, kuwaas oo ka tirsanaa gaadiidkii Somaliland ee dekeda Brebera ka qaday raashinkii caawimada ahaa ee ay Hay'ada WFP u waday dadka colaadaha iyo abaaruhu daashadeen ee gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Mar shabakada Ramaasnews wax ka weydiisay Taliyaha hogaanka booliska ee gobolka Togdheer Md. Cabdiraxmaan Axmed Liibaan, sababta gaadiidkan looga qab-qabtay magaalada Burco, ayaa wuxu sheegay in ay u hayaan xaalad amni ayna qab-qabteenteen, ka dib markii ay ogaadeen in ay dadkii Shacabka aha ee dadkooda iyo gaadiidkoda lagu qabsaday puntland isku dayi karaan in ay dadkan iyo gaadiidkan waxyeelaan.
Taliyuhu waxa u ka gaabsaday in uu sheego tirada gaadiidka ay qab-qabteen, mar aanu waydiinay in ay xidhan yihiin dadkii gaadiidkan wadayna waxa u sheegay in aanay xidhnayn ee ay gaadiidkooda ilaashanayaan.

Dhinaca kale, gaadiidkii iyo Raggii reer Somaliland ee puntland lagu qafaashay ayaa la sheegay in lagu hayo tuulo u dhow Garacad oo la yidhaahdo Kulud, gaadiidkaas oo dhan Toddoba gaadhi iyo Toddoba nin. Arintan oo aanay ilaa imika wax war ah ka soo saarin dhinacyada Somaliland, Puntland iyo hay'addii gaadiidku u rarnaa toona.
Kooxda budhcad baddeeda ah ee gaadiidka qabsatay ayaa laga soo wariyay in arintan ay u haystaan kooxo budhacd baddeed ah oo ay Somaliland hore baddeeda ugu qabatay, kuwaas oo hay'adaha caddaalada ee Somaliland ku xukumeen xabsi muddadiisu dheer tahay.

Ugu dambeyntii arintan ayaa xukuumada Somaliland iyo hay'adda WFP laga sugayaa sida ay u xaliyaan, iyada oo ay hore u jireen gaadiid ay muwadiniinta reer Somaliland leeyihiin oo Toddobaatan kor u dhaafay isla markaana lagu gubay gobolka is-maamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Kuwaas oo aanay xukuumadu ilaa hadda waxba ka qaban.

Ramaasnews Desk
Burao.

Caruurtii Rayaale oo qaxooti isaga dhiibtay manchester Uk



Dhinaca bidix eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal boorama, saaxil berbera ,sanaag ceerigaabo, sool laascaanood, togdheer Burco, maroodi-jeex Hargeysa


Manchester(saraarnews) Qaar ka mid ah caruurta uu dhalay Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin ayaa lagu soo waramayaa inay qaxootinimo isaga dhiibeen Wadamada Faransiiska iyo Ingiriiska.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Manchester ee wadanka ingiriiska waxaa halkaas iska dhiibay imikana ku jira xarun qaxooti oo u dhow degaankaas mid ka mid ah caruurta madaxweynaha oo magaciisa la yidhaaho C/RISAAQ DAAHIR RIYAALE , waxaana la sheegay inuu isku dhiibay qabiilada laga tirada badan yahay ee Soomaliya, gaar ahaan qabiilka loo yaqaano BANDHABOOW. Waaxda socdaalka ee wadankaasi ayaa la sheegay inay arintaas ogaadeen imikana baadhitaan ku hayaan.

Dad arintaas ka faalooday ayaa ku tilmaamay in xoolihii umada iyo cashuurtii laga qaaday dadka masaakiinta ah uu ku soo dhoofiyo caruurtiisa halka kuwii kale ee la midka ahaana wadanka ku dhibaataysan yihiin, waxayna arintaasi ku tahay ceeb iyo wax laga xishoodo mansakabka madaxweyne ee uu Riyaale ku fadhiyo iyo Qaranka somaliland Guud ahaan.

Thursday, 25 February 2010

Daawo sawiradan foosha xun ee dahir rayale kahin

codkaagu waa dantaada

Codkaaga ayaa wax kuu jaraaya
Walaal doorashada maanta aad bay uga macna badantahay micnaha dad badani u qabaan. Mana aha qof la dooranaayo oo derajo la siinaayo ee waa masiirkaagii oo gacantaada kuugu jira. cid ha ugu tudhin, cid ha ugu deeqin, cid ha kaga aargoosan. Maxay danta adiga iyo caruurtaada ku jirtaa isweydii. Taas ayaa danta caamka ah ee bulshadu ku jirtaa oo waa maxay waa maamul wanaagsan oo aan musuqmaasaq ahayn sida kuwa maanta. Waa maamul wanaagsan oo bixiya daryeel cafimaad ,iyo waxarasho. Waa maamul wanaagsa oo shaqo abuura oo tahriibta la dagaalama . maaha kan maanta. Waa maamu lwanaagsan oo hantida aanku keydsan paris ee degmooyinka cisbitaalo ugu dhiso.dhakhaatiirna geeya. Waa maamul wanaagsan oo wadooyinka hagaajiya .waa maamul wanaagsan oo u shaqeeya dadka iyo dalkaba o aan ka shaqeysan. Waa maamul u heegan aqoonsiga Somaliland oo muran isdifaac meel iska dhiga. Kan udub sidaa ma ku heyna? Waa maya. Maxaad u dooraneysa. Shan sano oo sidi hore oo kale ha yeelina. Doorta isbeddel iyo shan sano oo horumar leh.

DAWLADAHA JARMALKA IYO JABUUTI OO KA WADA HADALAY ARIMAHA BUDHCAD BADEEDA IYO XIDHIIDHKA LABADA DAL


DAWLADAHA JARMALKA IYO JABUUTI OO KA WADA HADALAY ARIMAHA BUDHCAD BADEEDA IYO XIDHIIDHKA LABADA DAL

Dowladdaha Jarmalka iyo Jabuuti ayaa waxaa ay kawada hadleen arimaha Burcad Badeeda Soomaalida ee ka qowlaysanaaya xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed.

Wasiiradda arimaha dibadda ee labadda dal ee Guido Westerwelle iyo Maxamuud Cali Yuusuf ayaa kulan ay wada qaateen si qoto dheer uga wada hadleen howlgalka ka soconaaya Xeebaha Soomaaliya ee lagula dagaalamaayo Burcad Badeeda iyo qaabka sida fudud lagu soo afjari karo kooxahaas.

Wasiirka arimaha dibadda ee Jarmalka ayaa sheegay in howlgalka uu meel fiican maraayo isla markaana xusay in Xukuumadiisa ay diyaar u tahay in Jamhuuriyadda Jabuuti kala kaashato howlgalkaas.

Waxaana uu hadalkiisa ku daray in Dowladda Jarmalka ay dhowaan Safaarad ka furan doonto magaaladda Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti,iyadoo Ciidan ka tirsan kuwa Badda ee Jarmalka ay qayb ka yihin howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda.

Dhowaan ayay lagu wada in labadda dal ay heshiis dhanka iskaashiga la dagaalanka Burcad Badeeda ay wada gaaran.

Xasan Sacid

Jabuuti

HomeAbout usPhoto GalleryGabayoYAA CAAWINAYAQuraanReportsContact us
All rights Reserved by TogaHerer News Network (Shabakada wararka ee Togaherer.com)