Friday, 26 February 2010

Gaadiid Puntland laga leeyahay oo burco lagu qabqabtay


Burco: Gaadiid Laga Leeyahay Maamul Goboleedka Puntland Oo Ciidamada Amaanku Shalay ka Qab-Qabteen Magaalada Burco

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun. Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa

Burco(Ramaas) Feb.26, 2010 - Ciidamada amaanka ee magaalada Burco ayaa Shalay ka qab-qabtay gaadiid laga leeyahay maamul goboleedka Puntland magaaladaa. Qab-qabashada gaadiidkaa oo dabo socday, ka dib markii ay kooxaha budhcad baddeeda ee ka jira degaanka puntland ay qafasheen Toddoba gaadhi iyo Sagaal Nin oo Somaliland ah, kuwaas oo ka tirsanaa gaadiidkii Somaliland ee dekeda Brebera ka qaday raashinkii caawimada ahaa ee ay Hay'ada WFP u waday dadka colaadaha iyo abaaruhu daashadeen ee gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Mar shabakada Ramaasnews wax ka weydiisay Taliyaha hogaanka booliska ee gobolka Togdheer Md. Cabdiraxmaan Axmed Liibaan, sababta gaadiidkan looga qab-qabtay magaalada Burco, ayaa wuxu sheegay in ay u hayaan xaalad amni ayna qab-qabteenteen, ka dib markii ay ogaadeen in ay dadkii Shacabka aha ee dadkooda iyo gaadiidkoda lagu qabsaday puntland isku dayi karaan in ay dadkan iyo gaadiidkan waxyeelaan.
Taliyuhu waxa u ka gaabsaday in uu sheego tirada gaadiidka ay qab-qabteen, mar aanu waydiinay in ay xidhan yihiin dadkii gaadiidkan wadayna waxa u sheegay in aanay xidhnayn ee ay gaadiidkooda ilaashanayaan.

Dhinaca kale, gaadiidkii iyo Raggii reer Somaliland ee puntland lagu qafaashay ayaa la sheegay in lagu hayo tuulo u dhow Garacad oo la yidhaahdo Kulud, gaadiidkaas oo dhan Toddoba gaadhi iyo Toddoba nin. Arintan oo aanay ilaa imika wax war ah ka soo saarin dhinacyada Somaliland, Puntland iyo hay'addii gaadiidku u rarnaa toona.
Kooxda budhcad baddeeda ah ee gaadiidka qabsatay ayaa laga soo wariyay in arintan ay u haystaan kooxo budhacd baddeed ah oo ay Somaliland hore baddeeda ugu qabatay, kuwaas oo hay'adaha caddaalada ee Somaliland ku xukumeen xabsi muddadiisu dheer tahay.

Ugu dambeyntii arintan ayaa xukuumada Somaliland iyo hay'adda WFP laga sugayaa sida ay u xaliyaan, iyada oo ay hore u jireen gaadiid ay muwadiniinta reer Somaliland leeyihiin oo Toddobaatan kor u dhaafay isla markaana lagu gubay gobolka is-maamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Kuwaas oo aanay xukuumadu ilaa hadda waxba ka qaban.

Ramaasnews Desk
Burao.

Caruurtii Rayaale oo qaxooti isaga dhiibtay manchester Uk



Dhinaca bidix eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal boorama, saaxil berbera ,sanaag ceerigaabo, sool laascaanood, togdheer Burco, maroodi-jeex Hargeysa


Manchester(saraarnews) Qaar ka mid ah caruurta uu dhalay Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin ayaa lagu soo waramayaa inay qaxootinimo isaga dhiibeen Wadamada Faransiiska iyo Ingiriiska.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Manchester ee wadanka ingiriiska waxaa halkaas iska dhiibay imikana ku jira xarun qaxooti oo u dhow degaankaas mid ka mid ah caruurta madaxweynaha oo magaciisa la yidhaaho C/RISAAQ DAAHIR RIYAALE , waxaana la sheegay inuu isku dhiibay qabiilada laga tirada badan yahay ee Soomaliya, gaar ahaan qabiilka loo yaqaano BANDHABOOW. Waaxda socdaalka ee wadankaasi ayaa la sheegay inay arintaas ogaadeen imikana baadhitaan ku hayaan.

Dad arintaas ka faalooday ayaa ku tilmaamay in xoolihii umada iyo cashuurtii laga qaaday dadka masaakiinta ah uu ku soo dhoofiyo caruurtiisa halka kuwii kale ee la midka ahaana wadanka ku dhibaataysan yihiin, waxayna arintaasi ku tahay ceeb iyo wax laga xishoodo mansakabka madaxweyne ee uu Riyaale ku fadhiyo iyo Qaranka somaliland Guud ahaan.

Thursday, 25 February 2010

Daawo sawiradan foosha xun ee dahir rayale kahin

codkaagu waa dantaada

Codkaaga ayaa wax kuu jaraaya
Walaal doorashada maanta aad bay uga macna badantahay micnaha dad badani u qabaan. Mana aha qof la dooranaayo oo derajo la siinaayo ee waa masiirkaagii oo gacantaada kuugu jira. cid ha ugu tudhin, cid ha ugu deeqin, cid ha kaga aargoosan. Maxay danta adiga iyo caruurtaada ku jirtaa isweydii. Taas ayaa danta caamka ah ee bulshadu ku jirtaa oo waa maxay waa maamul wanaagsan oo aan musuqmaasaq ahayn sida kuwa maanta. Waa maamul wanaagsan oo bixiya daryeel cafimaad ,iyo waxarasho. Waa maamul wanaagsa oo shaqo abuura oo tahriibta la dagaalama . maaha kan maanta. Waa maamu lwanaagsan oo hantida aanku keydsan paris ee degmooyinka cisbitaalo ugu dhiso.dhakhaatiirna geeya. Waa maamul wanaagsan oo wadooyinka hagaajiya .waa maamul wanaagsan oo u shaqeeya dadka iyo dalkaba o aan ka shaqeysan. Waa maamul u heegan aqoonsiga Somaliland oo muran isdifaac meel iska dhiga. Kan udub sidaa ma ku heyna? Waa maya. Maxaad u dooraneysa. Shan sano oo sidi hore oo kale ha yeelina. Doorta isbeddel iyo shan sano oo horumar leh.

DAWLADAHA JARMALKA IYO JABUUTI OO KA WADA HADALAY ARIMAHA BUDHCAD BADEEDA IYO XIDHIIDHKA LABADA DAL


DAWLADAHA JARMALKA IYO JABUUTI OO KA WADA HADALAY ARIMAHA BUDHCAD BADEEDA IYO XIDHIIDHKA LABADA DAL

Dowladdaha Jarmalka iyo Jabuuti ayaa waxaa ay kawada hadleen arimaha Burcad Badeeda Soomaalida ee ka qowlaysanaaya xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed.

Wasiiradda arimaha dibadda ee labadda dal ee Guido Westerwelle iyo Maxamuud Cali Yuusuf ayaa kulan ay wada qaateen si qoto dheer uga wada hadleen howlgalka ka soconaaya Xeebaha Soomaaliya ee lagula dagaalamaayo Burcad Badeeda iyo qaabka sida fudud lagu soo afjari karo kooxahaas.

Wasiirka arimaha dibadda ee Jarmalka ayaa sheegay in howlgalka uu meel fiican maraayo isla markaana xusay in Xukuumadiisa ay diyaar u tahay in Jamhuuriyadda Jabuuti kala kaashato howlgalkaas.

Waxaana uu hadalkiisa ku daray in Dowladda Jarmalka ay dhowaan Safaarad ka furan doonto magaaladda Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti,iyadoo Ciidan ka tirsan kuwa Badda ee Jarmalka ay qayb ka yihin howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda.

Dhowaan ayay lagu wada in labadda dal ay heshiis dhanka iskaashiga la dagaalanka Burcad Badeeda ay wada gaaran.

Xasan Sacid

Jabuuti

HomeAbout usPhoto GalleryGabayoYAA CAAWINAYAQuraanReportsContact us
All rights Reserved by TogaHerer News Network (Shabakada wararka ee Togaherer.com)

Wednesday, 24 February 2010

By A.geeljire


By A. Geeljire
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:..........

’aar inaadeerow aan is raacsado ee ii kaadi. Doolaal:
Bal wad waayahay eh.
Dubbe:
Horta yaynaan dhaqankii mafrishka ka tegin ee wadaadkeenii KU-Xigeenka ahaa ee Axmed Yusuf Yaasiin ee dhakhtarka France ku galay u duceeyaa in Ilaahay caafimaad siiyo oo uu nabad qab inoogu soo noqdo. Ta labaade saddex nin saddexdaba arrin aan ka maqlay waxbaan ka odhan.
Doolaal:
Waa kuwee?
Dubbe: Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar
waxaan maqlay Cawil baa kaxeeyay oo Ina Rayaale u geeyey, haddana . si ay u heshiiyaan oo uu UDUB ugu diga rogto haddana. Waxaan idhi anigu Suldaannka waan aqaan oo nin Ina Rayaale iyo Cawil oo tay kuu faleen la ogaa ku hoos noqonaya maaha. Ta kale
qudh ahaan waa u suldaan Somaliland ah, xisbi ahaanna waa u Kulmiye ee waxa ka maqani waa maxay? Ma inuu kolba sida saaxiibkay Cali Guray marka albaabka laga horjoogsado yidhaahdo "waar waa maxay inan gumeedyadan aanu u nimi." Buu doonayaa?
Doolaal:
Haye?
Dubbe:
Waa ka labaade; waxaan ka arkay bahalkan Televisionka la yidhaahdo askari Maraykan ah oo kaadhi wadada kolba dhan uga baxaya meel cidla ah oo laba magaalo dhexdood ah ku joojiyay. Kii oo darawalkii la hadlaya oo u xidhay inuu khamri cabbay gaadhina kaxeeyay ayuu gaadhi kale isa soo daba taagay. Askaragii baa gaadhigii kale u tegey, darawalkii buu weydiiyay wuxuu isu taagay isaga oo aan cidi joojin. "ishaaradan cas ayaan iska taagay." Buu ugu jawaabay intuu laydhkii gaadhiga booliska dushiisa ka bilig lagaa tilmaamay. Isaagii buu askarigii baadhay mise kii horeba ka sakhrad weyn. Isna waa xidhay.
Doolaal:
maxaad uga socotaa?
Dubbe:
Haaaaa! Waxaan uga socda inagoo jawaabtii Cali Sanyare, wasiirka Qorshaynta, ee ku saabsanayd safiirkii Masriga ahaa ee Somaliland aflagaadeeyay la yaabban ayuu Cabdillahi Ducaale, Wasiirka Khaarajigu, hadlay oo yidhi "xidhiidhkeena Masar wuu isa soo tarayaa oo Safiirka anigaa fool ka fool ula kulmay." Ninkaa gaadhiga booliska is daba taagay baan soo xusuustay.
Waxaanse idiin sheegayaa. Ha yaabina. Arrintu waxay ka socotaa waxa dalka xukuma Madaxweyne cid walba u rahman oo u habranaya. Ka Djibouti baasaboor buu ka qaatay. Ka masar dalkiisa ayuu lacagtii uu inaga qaatay ku qarsaday badhna daaro kaga dhistay. Kuwa kalena sheegi maayo hadda.
Doolaal:
Waxaasi waa waxaagii xilka lahaaye waa kuma ka saddexaad?
Dubbe:
Waxaan maqlay Monsieur, Jug-soo-Dhacay Jamac Yasiin Faarax oo ku khudabadaynaya "kuwa bulshada isku diraya ha dhegeysanina."
Waxaan idhi sawkaa is tilmaamay ee dadkii intii ku hadhay iska eryay. Hadda waa ninka madaxda ka ah xisbiga UDUB ee siyaasaddiisa doorasho ka kooban tahay saddex qodob oo keliya. 1) "ciddii Habar Yoonis ahay dagaalkii sokeeyey xusuusnaada weligiin oo ciddii Isaaqa kale ah ee kursii doonaysa haw codaynina." 2)Samaroonow haddii Kulmiye guulaysto beeraha iyo lo’da ayay idinka qaadayaan. 3) "yaa damiirkiisa iyo dadnimadiisa gadaya oo lacag raba oo noo codaynaya."
Doolaal:
Sii wada meel baan yar gaadhayaa aan qolo kula ballan sanaaye.
Dubbe:
Sii wadimaynee fadhiiso ninkii Qurba joogga ahaa baanu kuu dhammaynaynaa sheekadiisiiye. Wallaahi inaanad kacayn waanigaa dhaartaye.....
Inyar markaanu soconay buu yidhi "waar qaar aan jaad ugu ballan qaaday baan ilaabay ee kolaygan inagu du’." Waan duway. Gaadhi taagan baa daaqadiisa geedh jaad ah laga soo maguujiyay oo gabadhii iibinaysay indhaha kaga dhacay. Gabadhii oo anfariirtay baa tidhi. "Waar dee qaadka haygu tuurin Wasiir ee iga bedel uun qunyar i dhe." "waar ninka jaadka gabadha indhaha kaga dhuftay muxuu ahaa." Buu yidhi. "Waa Idris,Wasiirkii Maxjarka baan idhi." Kuye. "oo gabadha miyaad garanaysaa?" "haayoo Mujaahid naafo ah baa qaba oo ay isaga iyo carruurtiisii qaadka ku masruuftaa." Baan idhi. "oo berigii halganka Idris muxuu ahaa?" Buu yidhi. Intaanan u jawaabin ayuu gaadhi isa soo taagay oo uu ka soo degay nin gaaban oo uur buuran oo dadka wax lagama sheegee, Ilaahay haynaga dhaafee, aad moodo Nayl yar oo qasaasil cabbay. "waar kanna muxuu ahaa ."buu yidhi. "Waa wasiirkii Ciyaaraha." ayaan idhi. "adigu ma magaaladoo dhan baad na odhan kanna muxuu ahaa?" baan u raaciyay. "mayee lambarka gaadhigiisa ayaan gartay oo xalay isagoo luuq madaw taagan oo wax ka dhex qoslayaan aan dad iyo dacwooyin u kala garan waayay ayaan soo agmaray." Buu yidhi. "wallaahi xareediskaa horaan u maqlay" baan idhi. "Idris bay saaxiib yihiin." baan u raaciyay.

Doolaal:
Waar xishood oo madaxda shakhsi weerarka ka daa. Inaa’r haddaba aan kaco. Wallaahi dad baan meel kula ballamay.
Dubbe:
waa dhamaade dhegayso. Markaanu dhaqaaqnay ee aanu inyar soconay buu yidhi "waar hudheelkii igu celi aan lacag ka soo qaatee." "hayee cid dambe hay weydiin." Baan idhi. Gaadhi dumar badani ku buuqsan yihiin oo nin gaadhiga ku jira ay gadhkiisa tiigsanayaa si ay u qabtaan oo u baryaan kolna gacmaha cirka u taagaya sidii wax Ilaahay u cabanaya ayaanu ku soo baxnay. Halkiisii buu ka miisay oo "maxay ahaayeen?" buu yidhi. "kulligood wada garan maayo ee illaa tobaneeyo ayaan garanayaa." baan idhi. "Taa shalmadda cas lihi waa Muj. Cabdi hooyadii. Taa bidixda ka xigtaa ee dirica basaliga ah gashani waa Muj. ibrahim Habar yartii. Ta gaadhigu taayirka cagta ka marin gaadhay ee ku tiirsani waa Muj.Cali walaashii. Taa ilmada iska duugaysaa waa Muj. Daahir hooaydii. Ta aamusiinaysaa waa Muj. xirsi walaashii. Taa lleh "hoogay oo tacabkay khasaarayeey" waa Mujahidkan gooladda baabuurtu ka leexato seexda hooyadii. Taa askariga ilaadada ahii gambada ka tuuray ee cirrada u qaawiyay waa Muj. Cabdi hooyadii. Taa leh "Ilaahay iyo rag inoo kaca waynu leenahay ee inaga keena." Waa Muj. Xasan inaadeertii. Labadaa dib u yar joogsaday ee murugada iyo amakaaggu ka muuqdaa waa Muj.Maxamed iyo Muj. Axmed hooyooyinkood. Taa taagnaan kari weyday ee dhulka fadhiisatay waa Muj. xuseen hooyadii. Labada biyaha siinaya eek u fooraraa waa Muj. siciid iyo Muj. Bashe hooyooyinkood. Ta leh "naa laydha u baneeya." Waa Muj. Diiriye habar yartii." Baan idhi. " waxay wax tar ka doonayaan xukuumadda oo Intaas oo mujaahid oo aan kuu sheegay ama waa naafo laxaad ama naafo maskaxeed qaarna waa shihiideen." Baan u raaciyay.
"Oo ninka Gaadhiga lagu sidaa ee ay baryayaanna waa kuma?" buu yidhi. "Waa Wasiirkii Daakhilga Cabdillahi Cirro." Baan idhi. "berigii halganka muxuu ahaa?" buu yidhi. "AHN tee haddii uu Suldaan Boqor Yusuf Dhegaweyne noolyahay su’aashaadaa wuxuu kaga jawaabi lahaa "Haaye. You never eh. You never understand eh. People in the Jail eh. Beating hard eh. My testicles eh" dee xiniinyaha ayuu ragga jeelkii godka la odhan jiray kaga saari jiray.
Waar maxaynu jiidhnay? Ma ri’ baa? Ta kale maxaad la ooyaysaa waa caadiye. Waar raggu ma ooyo ee adkayso waxba maad arage. "waar bal goodhidan yar igu du’ aan biyo ka iibsadee." Buu yidhi. Markaan joogsaday buu haddana yidhi. "oo daartan dheer ee cirka ku jaran yaa leh." "Madaxweyne Dahir Rayaale Kaahin." Baan idhi. "Goodhidanna yaa leh."buu yidhi.
"Mujaahid Ismaaciil oo naafoo ah ayaa leh." Baan idhi.
Waa inoo qoraalka xiga. Haddii Eebbe idmo
A. Geeljire

harar on February 24 2010 10:25:23 ·

Qubane



Tuesday, 23 February 2010

Codkaagu waa calafkaaga


Codkaagu yuu ku dilin
Walaal doorashada maanta aad bay uga macna badantahay micnaha dad badani u qabaan. Mana aha qof la dooranaayo oo derajo la siinaayo ee waa masiirkaagii oo gacantaada kuugu jira. cid ha ugu tudhin, cid ha ugu deeqin, cid ha kaga aargoosan. Maxay danta adiga iyo caruurtaada ku jirtaa isweydii. Taas ayaa danta caamka ah ee bulshadu ku jirtaa oo waa maxay waa maamul wanaagsan oo aan musuqmaasaq ahayn sida kuwa maanta. Waa maamul wanaagsan oo bixiya daryeel cafimaad ,iyo waxarasho. Waa maamul wanaagsa oo shaqo abuura oo tahriibta la dagaalama . maaha kan maanta. Waa maamu lwanaagsan oo hantida aanku keydsan paris ee degmooyinka cisbitaalo ugu dhiso.dhakhaatiirna geeya. Waa maamul wanaagsan oo wadooyinka hagaajiya .waa maamul wanaagsan oo u shaqeeya dadka iyo dalkaba o aan ka shaqeysan. Waa maamul u heegan aqoonsiga Somaliland oo muran isdifaac meel iska dhiga. Kan udub sidaa ma ku heyna? Waa maya. Maxaad u dooraneysa. Shan sano oo sidi hore oo kale ha yeelina. Doorta isbeddel iyo shan sano oo horumar leh.