Wednesday, 24 February 2010

By A.geeljire


By A. Geeljire
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:..........

’aar inaadeerow aan is raacsado ee ii kaadi. Doolaal:
Bal wad waayahay eh.
Dubbe:
Horta yaynaan dhaqankii mafrishka ka tegin ee wadaadkeenii KU-Xigeenka ahaa ee Axmed Yusuf Yaasiin ee dhakhtarka France ku galay u duceeyaa in Ilaahay caafimaad siiyo oo uu nabad qab inoogu soo noqdo. Ta labaade saddex nin saddexdaba arrin aan ka maqlay waxbaan ka odhan.
Doolaal:
Waa kuwee?
Dubbe: Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar
waxaan maqlay Cawil baa kaxeeyay oo Ina Rayaale u geeyey, haddana . si ay u heshiiyaan oo uu UDUB ugu diga rogto haddana. Waxaan idhi anigu Suldaannka waan aqaan oo nin Ina Rayaale iyo Cawil oo tay kuu faleen la ogaa ku hoos noqonaya maaha. Ta kale
qudh ahaan waa u suldaan Somaliland ah, xisbi ahaanna waa u Kulmiye ee waxa ka maqani waa maxay? Ma inuu kolba sida saaxiibkay Cali Guray marka albaabka laga horjoogsado yidhaahdo "waar waa maxay inan gumeedyadan aanu u nimi." Buu doonayaa?
Doolaal:
Haye?
Dubbe:
Waa ka labaade; waxaan ka arkay bahalkan Televisionka la yidhaahdo askari Maraykan ah oo kaadhi wadada kolba dhan uga baxaya meel cidla ah oo laba magaalo dhexdood ah ku joojiyay. Kii oo darawalkii la hadlaya oo u xidhay inuu khamri cabbay gaadhina kaxeeyay ayuu gaadhi kale isa soo daba taagay. Askaragii baa gaadhigii kale u tegey, darawalkii buu weydiiyay wuxuu isu taagay isaga oo aan cidi joojin. "ishaaradan cas ayaan iska taagay." Buu ugu jawaabay intuu laydhkii gaadhiga booliska dushiisa ka bilig lagaa tilmaamay. Isaagii buu askarigii baadhay mise kii horeba ka sakhrad weyn. Isna waa xidhay.
Doolaal:
maxaad uga socotaa?
Dubbe:
Haaaaa! Waxaan uga socda inagoo jawaabtii Cali Sanyare, wasiirka Qorshaynta, ee ku saabsanayd safiirkii Masriga ahaa ee Somaliland aflagaadeeyay la yaabban ayuu Cabdillahi Ducaale, Wasiirka Khaarajigu, hadlay oo yidhi "xidhiidhkeena Masar wuu isa soo tarayaa oo Safiirka anigaa fool ka fool ula kulmay." Ninkaa gaadhiga booliska is daba taagay baan soo xusuustay.
Waxaanse idiin sheegayaa. Ha yaabina. Arrintu waxay ka socotaa waxa dalka xukuma Madaxweyne cid walba u rahman oo u habranaya. Ka Djibouti baasaboor buu ka qaatay. Ka masar dalkiisa ayuu lacagtii uu inaga qaatay ku qarsaday badhna daaro kaga dhistay. Kuwa kalena sheegi maayo hadda.
Doolaal:
Waxaasi waa waxaagii xilka lahaaye waa kuma ka saddexaad?
Dubbe:
Waxaan maqlay Monsieur, Jug-soo-Dhacay Jamac Yasiin Faarax oo ku khudabadaynaya "kuwa bulshada isku diraya ha dhegeysanina."
Waxaan idhi sawkaa is tilmaamay ee dadkii intii ku hadhay iska eryay. Hadda waa ninka madaxda ka ah xisbiga UDUB ee siyaasaddiisa doorasho ka kooban tahay saddex qodob oo keliya. 1) "ciddii Habar Yoonis ahay dagaalkii sokeeyey xusuusnaada weligiin oo ciddii Isaaqa kale ah ee kursii doonaysa haw codaynina." 2)Samaroonow haddii Kulmiye guulaysto beeraha iyo lo’da ayay idinka qaadayaan. 3) "yaa damiirkiisa iyo dadnimadiisa gadaya oo lacag raba oo noo codaynaya."
Doolaal:
Sii wada meel baan yar gaadhayaa aan qolo kula ballan sanaaye.
Dubbe:
Sii wadimaynee fadhiiso ninkii Qurba joogga ahaa baanu kuu dhammaynaynaa sheekadiisiiye. Wallaahi inaanad kacayn waanigaa dhaartaye.....
Inyar markaanu soconay buu yidhi "waar qaar aan jaad ugu ballan qaaday baan ilaabay ee kolaygan inagu du’." Waan duway. Gaadhi taagan baa daaqadiisa geedh jaad ah laga soo maguujiyay oo gabadhii iibinaysay indhaha kaga dhacay. Gabadhii oo anfariirtay baa tidhi. "Waar dee qaadka haygu tuurin Wasiir ee iga bedel uun qunyar i dhe." "waar ninka jaadka gabadha indhaha kaga dhuftay muxuu ahaa." Buu yidhi. "Waa Idris,Wasiirkii Maxjarka baan idhi." Kuye. "oo gabadha miyaad garanaysaa?" "haayoo Mujaahid naafo ah baa qaba oo ay isaga iyo carruurtiisii qaadka ku masruuftaa." Baan idhi. "oo berigii halganka Idris muxuu ahaa?" Buu yidhi. Intaanan u jawaabin ayuu gaadhi isa soo taagay oo uu ka soo degay nin gaaban oo uur buuran oo dadka wax lagama sheegee, Ilaahay haynaga dhaafee, aad moodo Nayl yar oo qasaasil cabbay. "waar kanna muxuu ahaa ."buu yidhi. "Waa wasiirkii Ciyaaraha." ayaan idhi. "adigu ma magaaladoo dhan baad na odhan kanna muxuu ahaa?" baan u raaciyay. "mayee lambarka gaadhigiisa ayaan gartay oo xalay isagoo luuq madaw taagan oo wax ka dhex qoslayaan aan dad iyo dacwooyin u kala garan waayay ayaan soo agmaray." Buu yidhi. "wallaahi xareediskaa horaan u maqlay" baan idhi. "Idris bay saaxiib yihiin." baan u raaciyay.

Doolaal:
Waar xishood oo madaxda shakhsi weerarka ka daa. Inaa’r haddaba aan kaco. Wallaahi dad baan meel kula ballamay.
Dubbe:
waa dhamaade dhegayso. Markaanu dhaqaaqnay ee aanu inyar soconay buu yidhi "waar hudheelkii igu celi aan lacag ka soo qaatee." "hayee cid dambe hay weydiin." Baan idhi. Gaadhi dumar badani ku buuqsan yihiin oo nin gaadhiga ku jira ay gadhkiisa tiigsanayaa si ay u qabtaan oo u baryaan kolna gacmaha cirka u taagaya sidii wax Ilaahay u cabanaya ayaanu ku soo baxnay. Halkiisii buu ka miisay oo "maxay ahaayeen?" buu yidhi. "kulligood wada garan maayo ee illaa tobaneeyo ayaan garanayaa." baan idhi. "Taa shalmadda cas lihi waa Muj. Cabdi hooyadii. Taa bidixda ka xigtaa ee dirica basaliga ah gashani waa Muj. ibrahim Habar yartii. Ta gaadhigu taayirka cagta ka marin gaadhay ee ku tiirsani waa Muj.Cali walaashii. Taa ilmada iska duugaysaa waa Muj. Daahir hooaydii. Ta aamusiinaysaa waa Muj. xirsi walaashii. Taa lleh "hoogay oo tacabkay khasaarayeey" waa Mujahidkan gooladda baabuurtu ka leexato seexda hooyadii. Taa askariga ilaadada ahii gambada ka tuuray ee cirrada u qaawiyay waa Muj. Cabdi hooyadii. Taa leh "Ilaahay iyo rag inoo kaca waynu leenahay ee inaga keena." Waa Muj. Xasan inaadeertii. Labadaa dib u yar joogsaday ee murugada iyo amakaaggu ka muuqdaa waa Muj.Maxamed iyo Muj. Axmed hooyooyinkood. Taa taagnaan kari weyday ee dhulka fadhiisatay waa Muj. xuseen hooyadii. Labada biyaha siinaya eek u fooraraa waa Muj. siciid iyo Muj. Bashe hooyooyinkood. Ta leh "naa laydha u baneeya." Waa Muj. Diiriye habar yartii." Baan idhi. " waxay wax tar ka doonayaan xukuumadda oo Intaas oo mujaahid oo aan kuu sheegay ama waa naafo laxaad ama naafo maskaxeed qaarna waa shihiideen." Baan u raaciyay.
"Oo ninka Gaadhiga lagu sidaa ee ay baryayaanna waa kuma?" buu yidhi. "Waa Wasiirkii Daakhilga Cabdillahi Cirro." Baan idhi. "berigii halganka muxuu ahaa?" buu yidhi. "AHN tee haddii uu Suldaan Boqor Yusuf Dhegaweyne noolyahay su’aashaadaa wuxuu kaga jawaabi lahaa "Haaye. You never eh. You never understand eh. People in the Jail eh. Beating hard eh. My testicles eh" dee xiniinyaha ayuu ragga jeelkii godka la odhan jiray kaga saari jiray.
Waar maxaynu jiidhnay? Ma ri’ baa? Ta kale maxaad la ooyaysaa waa caadiye. Waar raggu ma ooyo ee adkayso waxba maad arage. "waar bal goodhidan yar igu du’ aan biyo ka iibsadee." Buu yidhi. Markaan joogsaday buu haddana yidhi. "oo daartan dheer ee cirka ku jaran yaa leh." "Madaxweyne Dahir Rayaale Kaahin." Baan idhi. "Goodhidanna yaa leh."buu yidhi.
"Mujaahid Ismaaciil oo naafoo ah ayaa leh." Baan idhi.
Waa inoo qoraalka xiga. Haddii Eebbe idmo
A. Geeljire

harar on February 24 2010 10:25:23 ·

Qubane



Tuesday, 23 February 2010

Codkaagu waa calafkaaga


Codkaagu yuu ku dilin
Walaal doorashada maanta aad bay uga macna badantahay micnaha dad badani u qabaan. Mana aha qof la dooranaayo oo derajo la siinaayo ee waa masiirkaagii oo gacantaada kuugu jira. cid ha ugu tudhin, cid ha ugu deeqin, cid ha kaga aargoosan. Maxay danta adiga iyo caruurtaada ku jirtaa isweydii. Taas ayaa danta caamka ah ee bulshadu ku jirtaa oo waa maxay waa maamul wanaagsan oo aan musuqmaasaq ahayn sida kuwa maanta. Waa maamul wanaagsan oo bixiya daryeel cafimaad ,iyo waxarasho. Waa maamul wanaagsa oo shaqo abuura oo tahriibta la dagaalama . maaha kan maanta. Waa maamu lwanaagsan oo hantida aanku keydsan paris ee degmooyinka cisbitaalo ugu dhiso.dhakhaatiirna geeya. Waa maamul wanaagsan oo wadooyinka hagaajiya .waa maamul wanaagsan oo u shaqeeya dadka iyo dalkaba o aan ka shaqeysan. Waa maamul u heegan aqoonsiga Somaliland oo muran isdifaac meel iska dhiga. Kan udub sidaa ma ku heyna? Waa maya. Maxaad u dooraneysa. Shan sano oo sidi hore oo kale ha yeelina. Doorta isbeddel iyo shan sano oo horumar leh.

Monday, 22 February 2010

Daahir Rayaale ma wuxuu mari doona wadadii Boqor Shaah,mise


Daahir Rayaale ma wuxuu mari doona wadadii Boqor Shaah,mise
Dhacdooyinkii isdaba jooga ahaa ee weji -gabaxa ku noqday masuuliyiinta xisbiga siyaasiga ah ee UDUB,gaar ahaan Xoghayaha guud ee xisbigaasi Jaamac Yasiin waxa ay muujinayaan halka ay marayso karaha ay shacbiweynaha reer Somaliland u hayaan Madaxweynaha Tallada dalka haya ee wakhtigan Daahir Rayaale Kaahin, taasi oo runtii i xasuusisay dhacdadii fajaca ku noqotay Boqorkii dalka Iiraan ee Shaah,kaasi oo ay marin habaabiyeen masuuliyiintii xilalka u hayay oo si aan run ahayn uga dhaadhicin jiray in dadku la dhacsan yihiin hogaankiisa.
Run ahaantii waxa xaqqiqdu tahay in madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo shakhsiyadiisa la odhan karo wuxuu ka mid yahay dadka dadnimo wanaagu ku jiro in ay marin habaabiyeen rag iyo dumar ku xeeran maamulkiisa, kuwaasi oo si is soo taraysa ugu soo dhawaaday wixii ka danbeeyay doorashadiisii Madaxweynenimo.
Arrintan oo muddo hore dareenkeedu ugu jiray in ay kala mid dhigi doonto aakhirka Boqorshhahii Iiraan, waxa cadaynteedu uu soo muuqatay saaka kolkii uu mar labaad xoghaya guud ee xisbiga UDUB la kulmay weji gabax ka dhashay markii uu isku dayay inuu ka hadlo beerto xorriyadda oo ay ka socotay xuskii 20-ka Feberwery eek u beegnayd manta oo kale 1982-gii oo ay dhalin yaro arday ahayd dhagax kala hortageen tawaangidii dawladii milateriga ahayd,taasi oo ay shacbigu,gaar ahaan ardaydua iyo macalimiintoodu u adkaysan kariweyday cadaadiskii dalkan ka jiray.
Bal aynu wax yar ka xusno taariikhdii Boqoqr Shaah iyo maalmihiisii ugu danbeeyay, boqor Shaah oo ahaa boqorkii ugu danbeeyay boqortooyooyinkii dalkaasi soo xukumi jiray, waxan a uu aha boqor ka furan waalidiintiisii, waxana uu ahaa kii dhisay caasimada dalka ee Dahraan,haseyeeshee waxa boqorka iyo dadweynihiisii jeclaa ee u han weynaa kala dhexgalay, rag la soo shaqeeyay boqoradii ka horeeyay oo dhaqan ahaan jeclaa in aan wax dabac ah loo muujin dadweynaha, iyagoo u arkayay in haddii dadka dabac loo muujiyo in ay ku soo bixi doonaan rag yeelan doona damac ay ku hungureeyaan xilalka ay raggani ka hayaan boqortooyadda .
Waxa ay arrintu sii xumaato oo ay dadku cadaadis dareemaan, ayaa waxa dhacday in Sheekhii weynaa ee Aayatu-laah uu rayal-caamkii dadweynaha uu la wareegay,kaasi oo cajalado ku soo qarqiyay dadkii,haseyeeshee waxa taasi Boqor Shaah uga dhigayay kaadiriyiintiisii in ay ummaddu jeceshahay isaga,iyadoo ay dadka soo tubaan wadooyinka hareereheeda marka Shaah uu u soo baxayo magaalada ama u baxayo gobolada.
Dadweynaha waxa aakhirkii ay ku keliftay in ay isugu soo baxaan wadooyinka,taasi oo keenaty in aakhirkii ay dadku gaadhaan afaafka hore ee Madaxtooyadda ,wax yar kadib waxa boqor Shaah oo fadhiya xafiiskiisa u tegay Taliyayaasha ciidanka Boqortooyadda iyo kan madaxtooyada,kuwaasi oo boqorka ka dalbaday inuu u fasaxo in dadka lagu dhaqaajiyo tawaangi si marka ay dhiiga marka ay arkaan u kala yaacaan, haseyeeshee Boqor Shaah oo ahaa nin aanay dadnimadiisu dhiman, ayaa u sheegay labada Taliye in isaga iyo dadweynaha Iiraan oo la laayo ay u fududahay in isagu uu isaga tago, waxana uu u yeedhay Afadiisii oo uu ku wargeliyay in wixii ay qaadan karto ay soo urursato, iyadoo uu sidoo kale amray Bayloodkiisii diyaarad u tiilay qasriga in uu istaadho, sidii ay boqorka Afadiisu ku qortay buugeedi waxa Boqorku kolkii ay diyaaradu la dulmartay Dehraaan ee uu arkay in bulshadii caasimadu aanay cidiba gurigeedii ama xafiiskeedii ku jirinm inuu ku yidhi xaaskiisii “haddii aan ogahay in dadku ii nacay sidan, beri hore ayaan isaga tegi lahaa oo aan meesha banyan lahaa”.
Nasiib daro boqorku waxa uu arki jiray dad la soo qasbay oo wadooyinka la soo tubay,isla markaana caleemo qoyan loo dhiibay, balse nasiib uma helin Boqorku in uu fahmo dareenka dhabta ah ee bulshadiisa, waxana uu calaacalay goor ay xero iyo fandhaal kala dhaceen oo Odayga gurigiisii lagu soo hujuumay.
Dhab ahaantii waxa Boqorka lku dhaw in uu la taariikh noqdo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo wixii uu wanaag lahaaba ay hal bacaad lagu lisay ka dhigeen kuwa ku xeeran ee ilaa iyo maanta u sheega in dadku isaga la dhacsan yahay, haseyyeshee waxa cad in labadan dhacdo ay Odayga ugu filan yihiin inuu wax ka ogaado dareenka dhabta ah ee dadka reer Somaliland ee quusta ka taagan hab dhaqanka Xukuumaddiisa g taagta daran ee isku haysata oo keliya dhegtiisa cida haysan lahayd.
Si kastaba xaalku ha ahaadee waxa aniga oo aan si weyn u jeclayn guuldarada Rayaale,isla markaana si nasteex ah ula talinaya waxa aan u soo jeedin lahaa in inta aanay xaaladu halkii Boqor Shaah gaadhin in uu wax ka bedelo mawqifkiisa siyaasadeed oo uu ka fikiro in aanu mar labaad isa soo sharaxin oo uu ka fikiro inuu dib u dhiso xisbigiisa sii baaba’aya , haddii aanu taasi ku talabsana waxa runta biyo kama dhibcaanka ahi ay tahay in uu meesha kaga bixi doono si aanu raali ka noqon.

Mustafe Cabdi Ciise "Shiine"
Maamulaha Goobjoognews.net.
daaha02@hotmail.com

Sunday, 21 February 2010

Lataliyihii Madaxweyne Shariif oo Is-casilay


Lataliyihii Madaxweyne Shariif oo Is-casilay

Prof. Warfaa, mar uu ka hadlayay shaqsiyadda madaxweyne Shariif, wuxuu sheegay in Sheikh Shariif uu yahay

Prof. Warfaa wuxuu wareysi uu siiyay Idaacadda VOA ku sheegay in arrimo shaqsiyadeed oo u gaar ah iyo dhowr qodob oo kale ay ku qasbeen inuu iska casillo jagadii uu ku magacownaa.

Prof Warfaa wuxuu sheegay in madaxweyne Shariif aanu hirgalin talooyin dhowr ah oo uu soo gudbiyay, talooyinkaasina wuxuu ku sheegay inay ka mid ahaayeen; in la yareeeyo tirada wasiirradda dowladda Somalia, in la abuurro shan nin oo lataliyayaal sare ah oo wasaaraddaha dowladda la taliyo, in dad Somali ah oo aqoonyahanno ah ay dowladda talladeedda ka qeybgalaan iyo in dowladda dhexe ay dhiirigaliso dowlad goboleedyo uu dalku yeesho.

Prof. Warfaa, wuxuu xusay in sababaha loo tixgalin waayay talooyinkiisa ay ugu wacan tahay, iyadoo ay jiree ajandayaal kale oo badan oo madaxweynaha horyaallay. Prof. Warfaa wuxuu kaloo ka dhawaajiyay inay jiraan lataliyayaal badan oo madaxweynuhu leeyahay, kuwaasoo uu sheegay in isagu aanu ku qancin lataliyayaasha badan ee is-dhinac yaacaya.

Prof. Warfaa, wuxuu ku tilmaamay waxqabad la''aanta dowladda inay ugu wacan tahay kooxaha badan ee dowladdu ka kooban tahay, sida Maxaakiintii, Barlamaankii xorta, Dowladdii hore iyo kuwo kale, wuxuuna tibaaxay in dhamaantood aysan lahayn mowqifyo isku mid ah.

Prof. Warfaa, mar uu ka hadlayay shaqsiyadda madaxweyne Shariif, wuxuu sheegay in Sheikh Shariif uu yahay shaqsi leh tixgalin iyo ixtiraan oo dadka si weyn u dhagaysta, balse wuxuu Prof Warfaa carabaabay in madaxweynuhu u doonayo inuu qof walba qanciyo taasoo uu xusay inaysan suurtagal ahayn oo madaxweynaha looga baahan yahay inuu qaato go''aamo ad-adag.

Ugu danbeyntii Prof Warfaa wuxuu sheegay in sababta ay dowladda Somalia ugu guulaysan la'' dahay soo celinta amniga ay ugu wacan tahay aamin darro ka dhexjirta qeybaha ciidanka.

Wareysiga Prof. Axmed Muumin Warfaa qeyta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

Gabileynews

Friday, 19 February 2010

Wednesday, 17 February 2010

oodweyne oo mudaaharaad ku dhigay udub


Oodweyne Xisbiga UDUB waa lagu soo Dhaweeyay ee Laguma Mudaharadin’
Burco Jam)- Guddoomiyaha Ololaha Doorashooyinka ee xisbiga UDUB Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-hindi), ayaa sheegay in weftigii UDUB ee booqashada ku tagay magaalada Oodweyne si weyn loogu soo dhaweeyey oo aanay jirin cid ku mudaharaaday.

Md. Cismaan Hindi oo shalay warbaahinta ugu warramayey magaalada Burco, isagoo daba socday war ku soo warbaahinta oo lagu sheegay wafti uu hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee xisbiga oo maalintii Isniinta booqday degmada Oodwayne ay koox dhallinyaro ah mudaharaad kala horimaadeen, kadibna Xabsiga loo taxaabiyay. Haseyeeshee, waxa uu warkaas ku tilmaamay been abuur ah oo aan waxba ka jirin “Weftga xoghayuhu hoggaaminaayae si layaab leh ayaa loogu soo dhoweeyay Oodweyne, waxaana taas markhaati ka ah cajaladidi soo dhawaynta oo tiifiyadda lagu baahiyay,” ayuu yidhi.

Waxa uu intaa ku daray in waftiga UDUB si wayn loogu soo dhaweeyay dhammaan gobollada uu booqashada ku maray haddana safarkiisi si caadi ah u wato.

Mr. Cismaan Hindi waxa uu dhaliil u jeediyay xisbiga KULMIYE oo uu ku tilmaamay kuwo aan arkayn Horumarka Dalku gaadhay ee yagu arkayaa waxa aan la garanayn oo Umadadda u muuqda, waxaanu soo jeediyay inay kala saaraan qaranimada iyo mucaarinimadda, waxaannu xusay in safarrada weftiyada UDUB ku marayaan gobollada aanayn ahayn olole Doorasho.

Tuesday, 16 February 2010